Tobannaaan kun oo reer Mexico ah ayaa wadooyinka isugu soo baxay iyagoo ka mudaaharaadaya siyaasadaha socdaalka ee madaxweynaha dalka Maraykanka iyo darbiga uu qorshaynayo in uu ka dhiso xadka.
Mudaaharaadeyaasha oo isugu soo baxay in ka badan toban magaalo oo Mexico ku yaalla ayaa soo xidhay dhar cadcad iyo boodhadh ay ku qoran yihiin oraadhyo ay Trump ku diidan yihiin.
Dadka arrintan soo abaabulay waxay sheegeen in ay doonayaan in ay diraan fariin ah in dadka Mexicoย ahi ay u midoobeen in ay ka soo horjeedaan siyaasadda Trump.
Waxa kale oo ay madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto ku dhaliileen in uu ku guuldaraystay wax ka qabashada musuqmaaasuqa iyo yaraynta faldambiyeedyada.
Maria Amparo Cassar oo ka mid ah dadkii mudaaharaadayay ayaa sheegatay in siyaasadaha socdaalka ee Trump ay halis ku tahay bulshada adduunka.
Waxa kale oo ay dadka mudaharaadayey intaas ku dareen in aysan ahayn in la ilboobo in bulshada Maraykanku ay ka samaysantay soo galooti ayna ka sii samaysnaan doonaan soo galooti.
Mudaaaharaadayaasha isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Mexico City, ayaa watay boodhadh midnimo tilmaamaya, mid ka mid ah boodhadhkaasna waxa ku qornaa:
“Trump wuu ku mahadsanyahay midaynta Mexico!.”
Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu darbi uga dhiso xadka Mexico ayaa ka cadhaysiiyay muwaadiniinta dalkaas, madaxwayne Pena Nieto si joogto ah ayuu u diiday dalabka madaxweynaha Maraykanka ee ah in ay bixiyaan kharashka darbiga. Wuxuu sheegay in Mexico aysan rumaysnayn in darbiyo la dhiso.
Trump ayaa haddaba amray in darbi aan laga talaabikarin laga dhiso xadka uu Maraykanku la leeyahay Mexico, wuxuuna ku adkaystay in Mexican-ku ay bixiyaan kharashka ku baxaya.
Wuxuu ku celceliyay in darbigaasi uu muhiim u yahay sidii loo joojin lahaa qulqulka aan la malayn karin ee dhammaan dadka ka imaanaya badhtamaha qaaradda Ameerika.
In uu darbi 2000 oo mayl ah ka dhiso xadka Mexico ayaa ka mid ahaa waxyaabihii kawga ka haa balanqaadyadii ololaha doorashada ee Trump.
Hawlgallada lagu beegsanayo dadka soo galootiga ah ee Maraykanka ku sugan ayaa walwal ku beeray dadka Mexican-ka ah ee Maraykanka ku nool, kuwaas oo laga yaabo in la soo mastaafuriyo iyadoo loo cuskanayo tallaabooyinka cusub ee madaxweynaha Maraykanku qaadayo.
Khamiistii ayuu Trump saxeexay saddex amar oo lagu bartilmaameedsanayo dambiyada iyo dadka daroogada ka ganacsada iyadoo uu uga gol leeyahay in la mastaafuriyo dadka soo galootiga ah ee gaysta dambiyo noocaas oo kale ah.