Marwo Samsam way u guntatay taakulaynta dadka abaaruhu halkeeyeen waana ruux ka fog musuq-maasuq (WQ: Cabdi Caawiye)

Waxa hubaala oo sida cadceeda u cad in marwo Samsam iyo kooxdeeduba ay hiil iyo hooba la garab istaageen dadka tabaalaysan ee xaalkoodu maraayo meel aan la qiyaasi Karen.

Waxa cad in dad badani ay ka daaleen taakulayntii markii abaaruhu dheeraadeen lkn marwo samsam ma daalin xaynkana dhexda kama furin ilaa iyo haatan meel kasta oo wax looga helaayo taakulaynta dadkaa tabaalaysan way gashay.

Marwo samsam iyadoo ah ruux haweena shaqo culusna u haysa qaranka haddana kumay ekaan shaqadeeda wasaarada maaliyada oo kaliya.

Waxa jira dad badan oo qoraalo ku aflagaadeeya Marwo Samsam iyadoo moodaaya taakulada ay hayso iyo Waxa ay dadka tabaalaysan u ururisay inay iyadu leedahay oo ay tahay wax ay iyadu dawlada ka dhacday lkn xaqiiqadu waxay tahay inay samsam ka fogtahay musuqmaasuq iyo wax urursi oo ay waqtigeedii iyo tamarteediiba ku bixisay sidi ay ugu gargaari lahayd dadka tabaalaysan.

Marwo samsam waxaan leedahay inta dadka sida xun iyo xaasidnimada u fikirta ha u joojin dadaalkaaga inta fiican iyo ALLAH ayaa kuu og.

Dayday iyo Illaah kaama dhigo, daalin iyo tuuge;

Dulmi iyo Ilaah kaa fogee, duudsi iyo ceebe;

 Dalluun Eebahey kuguma rido, dalowyo Shaydaane;

 Diradire Ilaah kaa najee, daynka godobeede; Dabadhilif Rabbigu kaama dhigo, cadow duleystaaye;

 Dibindaabyo kaa dhowr Ilaah, dur iyo laayaane;

Duufaanku kuma qaado iyo, daad wax rogayaaye;

Danab iyo warjaaf kuguma dhaco, salowga duulaaye;

 Dulin iyo aboor kuguma baxo, daayin abidkaaye;

Dulqaad iyo Ilaah kugu manee, dun iyo maamuuse;

Waxaan wasiirada leeyahay hore u soco hanna ka dadaalin waad heli xag ilaah iyo xag bulshaba