Trump wuxu sheegay in diyaar u yaay in uu la shaqeeyo Ruushka iyo Shiinaha

 

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Ruushka iyo Shiinaha, taasine ay ku xiran tahay sida ay iyagu ula shaqeeyaan.

Trump ayaa u sheegay wargeyska Wall Street in cunaqabataynta dhawaan lagu soo rogay Ruushka ay sii jiri doonaan ugu yaraan intii muddo ah hasayeeshee markaa kadib la qaadi doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga wadahadli karo siyaasadda dalkiisa ee ku aadan Shiine midaysan, maadaama siyaasaddaasi jirtona uusan Maraykanku aqoonsanayn Taiwan.

Dhanka kale, guddiga senate-ka Maraykanka ayaa baadhi doona eedaha sheegaya in Ruushku uu isku dayay in uu faragelin ku sameeyo doorashadii madaxtinimada waddankaasi.

Wareysigiisa ayuu Trump ku sheegay in cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka ay suuragal tahay in la qaado haddii Moscow ay Washington ka caawiso dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada Islaamiga iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu wadahadal la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Arrinta Beijing-na, Trump waxa uu sheegay in Shiinaha ay tahay in uu u ogolaado shirkadaha Maraykanka ay la tartamaan kuwa Shiinaha lacagtana uu ogolaado in suuqu sicirkeeda jaangooyo.

bandhige@gmail.com