Israa’iil oo ka cadhaysan shir ay ka soo qayb-galayaan 72 dal oo lagu qabanayo Paris, waxa lagu dejinayaa shaxdii ay Falastiin ku noqon lahayd dawlad gaar ah

 

Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netenyahu ayaa ganafka ku dhuftay shir ay isugu imanayaan 72 waddan oo kaas oo Isniinta ka bilaabmi doona Paris, wuxuna ku tilmaamay shir lagu maleegayo qorsheyaal ka dhan ah Israa’iil.

Shirkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la dego shaxdii ay Falastiin iyo Israa’iil ku noqon lahaayeen laba xukuumadood oo jaar ah oo isku barbar nool.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa dhiniciisa soo dhaweeyey shirkan kuna tilmaamay in uu noqon doono mid taariikhiya. Cabbaas ayaa sheegay in ay khaati ka taagnaayeen wada-hadallo Maraykanka oo kali ahi ay dabada ka wadaan kuwaas oo guulaysan waayey muddo aad u dheer.

Hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo Falastiin ayaan midkoodna lagu casuumin in ay shirka ka soo qayb-galaan. Haseyeeeshee madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa labadan hoggaamiye ku casuumay Paris si ay shirka ka hor u yimaaddaan una ogaadaan faahfaahinta sida shirku u dhacayo.

Shirkan waxa ka qayb-galaya Xoghayaha Maraykanka John Kerry oo toddobaadadii ugu dambeeyey xilkiisa si adag ula hadlayey Israa’iil, sheegayna in aanay Israa’iil filan karin in Maraykanku uu iska ilaawo danihiisa oo uu mar walba difaaco danaha Israa’iil.

Netenyahu wuxu tibaaxay in aanu Maraykanku difaaci karayn haddii ay Israa’iil doonayso in ay daaqadda ka tuurto xalkii ahaa “laba dal oo isku barbar yaal”

Netenyahu wuu ka muquurtay casuumaddaas, Cabaas se wuu la kulmayaa Hollande.

Beryahan dambe waxa muuqata in Falastiiniyiintu ay markii koowaad Israa’iil kaga horreeyaan diblomaasiyadda caalamiga ah iyada oo maalin dhawayd uun Golaha Ammaanku sharci-darro ku sifeeyey degsiimooyinka Israa’iil ka abuurayso Daanta Galbeed.

Waddamada shirkan ka qayb-galaya ayaa sidoo kale la filayaa in ay taageeraan qaraarkii Qaramada Midoobay ansixisay 23-kii December.

Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige News

Bandhige@gmail.com