Maraykanku wuxu qirtay in uu 33 qof oo rayid ah ku dilay Afgaanistaan

 

Xukuumadda Maraykanka ayaa ugu dambayntii qiratay in ciidamadeeda cirku ay dileen 33 qof oo rayid ah oo Afgaanistaaniyiin ah laba bilood ka hor maalin uu dhacayey dagaal u dhaxeeyey Daalibaan iyo ciidadamada Afgaanistaan.

Maraykanka ayaa sheegay ciidamada dhagarta gaystay ee cirku  ay dagaalka soo galeen kadib markii ciidanka Afgaanistaan ay soo dalbadeen gurmad dhinaca cirka ah dagaal qadhaadheedh oo dhex marayey iyaga iyo Afgaanistaan dartii.

Baadhitaan socday lixdameeyo maalmood ayaa lagu caddeeyey in duqayntan oo ay 3-dii November 2016 gaysteen ciidamada Maraykanku ay ku naf waayeen 33 qof oo rayid ah oo carruuri ku jirto isla markaana ay ku dhaawacmeen 26 kale.

Jeneral John Nicholson oo ka tirsan saraakiisha ugu saraysa ciidamada Maraykanka iyo huwanta NATO ayaa yidhi “Duruuftii maalintaa jirtay waxay doontaba ha ahaatee, waanu ka qoomamaynaynaa dadka rayidka ah ee dirirtaas ku naf waayey.”

Madaxa hawlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan Tadamichi Yamamoto ayaa isaguna war-murtiyeed uu soo saaray wuxu ku yidhi “Dilka loo gaysto shacbiga aan hubaysnayn wuxu wax u dhimayaa nabadda la dhisayo ee Afgaanistaan.”

Maraykanka ayaa marar badan lagu eedeeyey in uu si aan u-kala-aabo-yeelis lahayn u duqeeyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ka taliyaan kooxda mucaaradka ku ah xukuumadda Afgaanistaan ee Daalibaan.

Maraykanka ayaa marar door ah daalibaan ku eedeeyey in ay dagaalo ku soo qaadaan ciidamada huwanta kadibna ay dabada galiyaan shacabka taasina ay sababto in dagaalka ay ku qudh-baxaan dad badan oo rayid ahi.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige News