Marxalladda maanta iyo shirka xisbiga Kulmiye ee June (WQ: Cabdillaahi Xasan)

Marxalladda maanta iyo Xisbigga Kulmiye Shirkiisa June!!!

Aniggoo ka midda kaadiriinta Xisbigga Kulmiye iyo raggii Guusha Xisbinimo seeska u dhiggay 2002, isla markaasinna aan maalin ka hadhin.

Amuuraha maanta aan loo dulqaadan karin ama aan saxda ahayn waa kuwo Xisbigga jaahwareer iyo muran gallin kara iyo hawlaheenna Xisbinimo.

Iyaddoo Madaxweyne Muse Biihi Abdi taagganyahay oo ay xaq tahay in aan taageero ama ku maamuusno waxuu xaq u leeyahay waa dhaqan bilan, ceeb ayey inaggu tahay Xisbi ahaan in dhinac kale wax loo waddo ama hawlo aan bislaan loo durbaanno tumo.

In Xisbiggu kala safto, oo weliba kala taageeraan Mohamed Kahin Ahmed iyo Mohamoud Xaashi Abdi, waa cidlo carar weyn iyo Siyaasad aan wakhtiggii ay lahayd ka soo hor dhacday runtii.

Aniggu Cali Mohamed Warancade ayaan wataa xaqna waan u leeyahay.

Laakiin, lama jooggo wakhtiggii aan raggaa xoggaanka Xisbigga ku wareejin lahayn midkood.

Xalka iyo midnimadda Xisbiggu waa ixtiraamidda sharciyadda iyo Madaxweyne Muse Biihi Abdi runtii.

Waxaa nagga go,aanna oo biyo kama dhibcaanna in Madaxweynaha Qaran fursadda uu xaqa u leeyahay aan laggu gafin.

Nin kastoow ninkaagga waddo, laakiin Madaxweyne Muse Biihi Abdi waa dastuuri in uu soo noqdo, oo markale uu tartamo.

Saaxiibkay Mohamoud Xaashi Abdi iyo Baashe Cawil Cumar waa wakhti khaldan ololahooddu oo degdeg weyn ayaa ku jira runtii, waayo weynu is ognahay.

Anigga oo aaminsan inuu Mohamoud Xaashi tixgelin leeyahay Habar Jeclo dhexdeedda, maaha Siyaasiyan wakhtiggii haboonnaa runtii.

Waan ogahay ragga Yurub ka soo raacay Mohamoud Xaashi iyo Kuwa Afrika ka yimid, oo siyaasi dareen tuke leh ayaan ahay. Siyaasi Mohamoud Xaashi  maagis iyo waxii na dhex jiifey Siyaasiyan dhamaysannay.

Waxaan u sheeggay in aan Madaxweyne Muse Biihi wato oo Siyaasiyan la socoddo, Mohamoudna waa ogyahay in aan taasi ceebi ku jirin xaqna aan u leeyahay. Sharci ayaa u banneeyey Muse Biihi inuu Xisbigga hoggaankiisa ku neggaaddo.

Waayo Madaxweynaha Qaran ayaa sharciyan iyo dastuur ahaan xaq u leh in uu soo noqdo Mudane Muse Biihi Abdi.

Amba Ali Mohamed Warancade ayaan wataa, laakiin halla gaadho wakhtiggeedda.

Waa in Xisbigga laysku hayaa oo nin weliba hankiisa iyo taageeraddiisa wakhtiggeedda la suggaa ay saxda iyo xalaasha tahay.

Xisbiggunna waa inuu buuxiyaa lebenka dhismaha Xisbigga ka jajaban. Oo xubnaha golaha dhexe qaab dhismoodkoodda raggii fadhiyi jirey iyo Xisbi yahanka laggu celiyaa.

Ragga qurba jooggaa ee Gudaha yimid iminka warkooddu waa dhinac oo waannu ognahay runtii.

Xisbiggu waa Kulmiye sharciggu waa sharciggii, dadkunna waa dadkii. Laakiin waa in dadkii saxda ahaa ka muuqdaan meelaha saxdaa.

Madaxweyne Muse Biihi Abdi ayaa xeerka Xisbiggu u xallaalleeyey inuu soo noqdo June.

 

Guul iyo gobanimo.

 

Abdilahi Hassan.