Sheekada inanta Ismaaciil C Ubax wax ka qoray, ma xaqiiqaa mise maaha? (WQ: Cabdicasiis Ibraahin Ciise ”Daacad”)

Sheekada inanta Ismaaciil C Ubax wax ka qoray, ma xaqiiqaa mise maaha?

Sheekadaasi wax ay u eegtahay Male-awaal. Sababtuna waa in si fiican loo soo dareeriyay ilaa inanta cabanaysa uu Ismaaciil u samaynayo mushkilad ah, inay qabto cabasho ah in nin arrimo u gaar ah ka fushaday, dabeeto muuqaal ka duubtey, haddana ugu hanjabo iyaduna intaasba raalli ka ahayd oo iminka ay mushaharkeedii oo uu badh cuno ay u damqatay!!

Haddana, isla sheekadii oo baahinteeda aanay waxba ka soo wareegin ayuu Ismaaciil soo tebinayaa inantii aan idiin sheegay sheekadeeda waa la xidhay! Ciidamada ayaana ay gacanta ugu jirtaa. Midda kale, inanta iyadii baa la eedeeyay oo qaran ceebays lagu haystaa! Sidee?! Anigu waydiimahan baan is waydiinayaa oo Male-awaal sheekadan ugu qaatay.

1. Inanta yaa warkeeda bixiyey oo ciidamada gaadhsiiyey?

2. Haddii uu ninkii yahay, ciidanka ma wuxu ugu warramay baa aynu aamminnaa, “Inantaas oo aan is aragnay baa cabasho idiinla iman doontee, waa ay i ceebaysanaysaaye xidha!” Sidee dee?!

3. Inanta iyo masuulku iyagaa is ogaa sida uu Ismaaciil sheegay. Masuulku isma fashilin karo sida macquulka ah, wasaaraddana agaasimeyaal badan baa ka shaqeeya oo xoghayno hablo ah leh, sidee ayay ciidanku haddaba uga dhex aqoonsan karaan inanta?!

4. Waa kuwee ciidanka inanta intay u tagaan keligeed xidhaya oo eedayn dhan ah ka gudbinaya oo xataa xaqa eedaysanaha ku tumanayaa?! Miyaanu sharci jirin?!

5. Iyaba waa yaabe, haddana kuye, “Waa la sii daayey inantii!”.

Anigu wax aan u arkaa ceebayn ah, masuuliyiinteenna dawladda aynu u dhiibannaa waa kuwo hablaha ka toobalcaaraysta inuu Ismaaciil leeyahay. Xafiisyadeenana shaqo kama socoto ee dulmi iyo kamarad qarsoon baa lagaga shaqeeyaa. Midda kale, sharcigeenu waa mid indho la’ oo dulmanaha lagu ciirsado, dulmi-faluhuna gacanta sare leeyahay. In ciidamadeenna loo adeegsado qof eedaysane ah oo aan sharci ahaan dawgeeda aanay u marin iyo boqollaal kale oo sharafdarro ku keeni karta sumcadda jiritaankeenna.

Ugu danbayn, haddii ay run tahay sheekadani, maxaa sidii sheekadii gabadhii Super Market-ka aynu jawaab degdeg ah uga heli waynay oo dad soo bixiyaan, ma waxa la waayey qof Ismaaciil warkiisan ku labeeya oo xaajadan og?!!

 

Bal intan iga jaahilsaara walaallayaal?