Masaajidka la jaar ah Wasaaraddaha Waxbarashada, Beeraha iyo Maaliyadda, waxa ka muuqda daranyo iyo gogol la’aan! (WQ: Mowliid Aadan Cumar)

 

Masaajidka la jaarka ah Wasaaradaha waxbarashada, Beeraha, Maaliyadda, Xoolaha, Ciyaaraha,  Dibedda, Qorshaynta, Arrimaha gudaha, xafiiska hanta-dhowrka Qaranka, xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka, xarunta komishanka qaranka, masaajidkaa nasiibka u helay inuu ahaado goobta ay ku cibaadaystaan hay’adihii iyo wasaaradihii ugu muhiimsanaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka muuqda dayactir la’aan iyo gogosha ama roogga ku goglan oo midabkiisii isbaddelay, ka dib markii qiyaastay aan Rooggaa laga beddelin muddo Shan Sano ah.

Haddaba ujeeddada Wargelintaydan oo ah mid qof kasta ku waajib ah inuu u gudbiyo cidda wax ka qaban karta daryeelka masaajidka iyo masaajidada kale ee aynu ku cibaadaysano, waxa aan u soo jeedinayaa madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha la jaarka ah masaajidkan inay qorshe daryeel u sameeyaan masaajidka iyo culimada ka shaqaysaba, waxaanan leeyahay masuuliyaantaasi wax culays ah idinku keeni mayso haddii aad culimada guno u qortaan masaajidkana sannadkii mar dayac-tirtaan

Wa Billaahi Tawqiif

WQ: Mowliid Aadan Cumar