Nin gacantiisa ku qoray Kitaab Qur’aanka kariima ah oo dhererkiisu dhan yahay 700 mitir

 

Nin reer Masar ah oo waxbarashada iskuulka dhexda ku joojiyay ayaa rajaynaya in uu taariikh sameeyo kadib markii uu saddex sanno qorayay Kitaab Qur’aanka kariimka ah oo uu rumaysan yahay in uu yahay kan ugu wayn adduunka oo dhan.

Sacad ayaa xardhay oo si qurux badan gacantiisa ugu qoray Kitaabkan Qur’aanka ah oo dhererkiisu yahay 700 mitir.

Maxamed oo ku nool magaalada Belqina oo waqooyiga Qaahira ku taalla ayaa ilaa iyo hadda bixiyay kharashka ku baxay qorista kitaabkan.

Wuxuu rumaysan yahay in Kitaaabku uu gali dooni diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah ee Guinness World Records.

Wali diiwaankaas lama galinin Kitaabka Qur’aanka ah ee ugu wayn caalamka ee gacan lagu qoray.

Laakiin si uu rajadiisa uga midho dhaliyo wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo kharashka uu u baahan yahay.

Mar uu Sacad u waramayey Telefishinka wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu yidhi:

“Dhererka Kitaabkan Qur’aanka ah waa 700 mitir, dabcan waraaqihiisana lacag badan ayaa ku baxday.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Anigaa mashruucan maalgalinayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waaxana ahayn qof iska caadi ah oo ma haysto hanti iyo wax kale toona.”

bandhige@gmail.com