Labada musharax ee iskugu soo hadhay doorashada Faransiisku waxay isku weerareen dooda adag oo xalay dhex martay

 

Musharaxiinta doorashada madaxtinimada dalka Faransiiska ee kala ah Marine Le Pen iyo Emmanuel Macron ayaa xalay isku wajahay dood aad u kululeyd oo socotay laba saacadood oo toos looga daawaday Telefishinka.

Dooda ayaa dhacday laba maalmood ka hor inta aysan labada musharax isku wajahin wareega labaad uguna danbeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiksa.

Le Pen oo ka socota xisbiga midigta fog ee kasoo horjeeda muhaajiriinta ayaa ku tilmaantay Macron nin aanan naxariis laheyn oo hantigoosad ah, waxa kale oo ay ku sifeeysay in ay daciif tahay siyaasadiisa dhinaca argagagixisada.

Musharaxa xisbiga siyaasadiisu ay dhex-dhexaadka tahay ee Emanuel Macron ayaa isna ku eedeeyey Marine La Pen in ay tahay beenaley argagixiso khatar ah.

Maalinta Axada inagu soo fooda leh ayaa lagu wadaa in shacabka reer Faransiisku ay soo doortaan madaxweynaha xiga ee badali doona kan haatan talada haya.

bandhige@gmail.com