Waddani iyo Kulmiye, waa kud ka guur, oo qanjo u guur (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Tan iyo sanadkii 1991-kii oo ahayd markii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Iskeed-socotada ah ee Somaliland, ma ay helin hanaan dawladeed taabagal ah oo yididiilo gelin kara quluubta shacabka intooda horkuca jecel, tan macnaheedu ma ahan inaan waxqabad jirin, balse, macnaheedu waa inaan la helin nidaam isxukun, isla xisaabtan, dabagal iyo qiimeyn dawladeed ku dhisan, waxoogaaga horumarka ah ee la sameeyayna ma haystaan hanaan shuruuceed iyo siyaasad qaran oo hawlgal ah oo ilaalisa waaritaankooda.

Isbedelkii siyaasadeed iyo kii hogaamineed ee halkan ka dhacay sanadkii 2010-kii, kaasoo ay hogaanka dalka kula kala wareegeen xisbigii UDUB ee hogaamiyaha uu ka ahaa Mr. Daahir Rayaale, iyo KULMIYE oo uu hogaamiye ka ahaa Madaxweynaha Maanta ee Axmed Siilaanyo, ayaa waxaa ay dad badani aaminsanaayeen in wax badan oo isbedel ah la arki doono, sida dhinacyada la dagaalanka Musuqmaasuqa, abuuritaanka shaqooyin badan, xoojinta ku dhaqanka shuruucda dalka, iyo abuuritaanka qaran leh  intijaah durugsan, qorshe habaysan, siyaasad midho-dhal leh, iyo saami qaybsi ku qotoma caddaalad iyo sinaan, iyo umad kuwada naaloota midhaha qaran hal meel u wada jeeda.Nasiib darro-se, dhamaanba rajooyinkaasi waxay noqdeen kuwaq gudhay muddo ku siman 18 bilood gudahood, Nidaamkii meesha yimina wuxuu noqday mid ku foofa bililiqaysiga dhulkii danta guud ahaa ee kazoo hadhay nidaamkii Daahir Rayaale wixii ay horey u iibsadeen, Musuqmaasuqa iyo xalaaalaysiga dhaca cashuurta maatada iyo danyarta laga guro ayaa noqday wax aan cidina iskula yaabin, iskulana xisaabtamin, halku dhega xubnaha  ka tirsan xukuumadda Siilaanyo ayaa wuxuu noqday imisa |Fooq ayaad dhisatay, iyo Imisa V8 ayaad leedahay?  Waxaana la waayay cid danta caamka ah ka fekerta oo nidaamkaas ka tirsan.

Marka taas laga yimaado, waxaa iyaguna haatan Kamanka Isbedelka inoo tumaya Xisbiga WADANI, oo inoo  sheegaya wax la mid ah wixii KULMIYE inoo sheegi jiray 2005-2010-kii, oo ahaa in dalkani isbedel u baahan yahay, kuwa isbedelka keenayaana ay iyaga yihiin, inagoo og in isbedelkii uu KULMIYE inoo sheegayay in uu noqday FOOQAQ  iyo V8-yo si dulmi ah loogu iibsaday cashuurtii danyarta laga ururiyay, hadaba, arinta qosolka lihi waxay tahay in Qolada WADANI ee iyaguna maanta shacabka u sheegaya inay isbedel wadaan  ay yuhiin isla kuwii hormuudka ka ahaa KULMIYIHII fashilmay, laakiin, maanta intay iska bixiyeen Shaadhkii KULMIYE, shacabka usoo xidhay Shaadka kale oo layidhaadho WADANI, bal hadda ragas ila eeg, waa kuwee? Waa Xirsi, Duur, Xuseen Axmed Caydiid, C/RIZAK Khaliif, Nimco Qawdhan, Waabeeye, C/raxman Talyanle, Geedoole, Maxamed Biixi Yoonis, bal dhinaca kale eeg, C/raxmaan Cirro  oo mudo 15 sanno ah ahaa  Gudoomiyhii Barlamaanka Somaliland, laguna tiriyo inuu nus (half) ka yahay maamul xumadda, musuqmaasuqa, iyo rajo-xumida dalka ka jirta ayaa isaguna ah Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi usoo xushay inuu u tartamo xilka madaxweynenimo,Golaha uu hogaaminayay 15-kaas sanadoodna uu ka gaabiyay inuu soo saaro xeerar iyo shuruuc badan oo lafdhabar qaanuuni ah oo noqon lahaa dhulkan, isla mararkaana,waayaha qaar kazoo baxay warbaahinta maxalaga ah iyo kuwa caalamiga ahba isagoo ku dhex-feedhtamaya golihii uu hogaaminayay dhexdiisa, ayaa isna maanta inoo sheegaya inuu isbedel inoo keeni doono, Somaalidu waxay ku maahmaahdaa: SOMAALIDU NINKAY ADHIGA KALA QUUSATO AYAY GEELA U DIRATAA|.

Iskusoo Wada Duuboo, Shacabyahow hadaad dhug leedihiin, oo aad leedihiin caqli inuu fekeri kara, waqxaan idin leeyahay WADANI IYO KULMIYE, WAA KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR, ee kala doorashadooda wakhti ha iskaga luminina, xalkuna wuxuu yahay in isbedelku idinka idinka yimaado, ee ha sugina isbedel ay idiin keenaan WADANI iyo KULMIYE, waayo garaadkoodfa siyaasadeed, bisaylkooda wadaniyadeed iyo garashadooda hogaamineed ma gaadhsiisna heer ay isbedel togan ku abuuri karaan, fikirkooduna ma dhaafsiisna wax ka baxsan KA XOOGSO INTAAD XILKA HAYSO.

Gunaanadkii, gabayaagii weynaa ee Faarax Nuur (ilaahay Ha u Naxariistee) wuxuu yidhi, SIDII AAN KA WEYNAYAY AYAAN SOMAALAILAND WAX UGU SHEEGAAYE, KOLSE HADDAAN WAXAAS YEELA IYO WAANO KALA QUUSTAY, SOW INAAN DANTAY WAARIYAA IGU WANAAG MAAHA.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.