Maraykanka wuxu maanta bedelayaa barnaamijka caafimaadka Obama Care

 

Xubnaha Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa la filayaa in maanta ay u codeeyaan sharci baabiโ€™inaya, islamarkaana beddelaya sharciga daryeelka caafimaadka ee loo yaqaan Obama Care.

Hoggaamiyaha xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka, Kevin McCarthy ayaa kalsooni ku muujiyey in ay taageero ku filan ka haystaan xubnaha xisbigiisa, si sharciga loo ansixiyo. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaan ansixin doonnaa sharcigan.โ€

Hoggaamiyayaasha xubnaha xisbiga Jamhuuriga, oo uu ku jiro madaxweyne Donald Trump ayaa maalmo badan ka shaqeynayey in xubnaha xisbigooda ay ka dhaadhiciyaan in ay u codeeyaan sharcigan cusub.

Laba xubnood oo saameyn ku leh xisbiga Jmahuuriga oo kala ah Fred Upton iyo Billy Lond ayaa arbacadii sheegay in ay taageerayaan sharcigan, kadib markii ay wada-xaajood ka sameeyeen isbeddelo lagu sameeyo xeerka.

Isbeddelada ayaa dhigaya in lacag 8 bilyan oo doolar ah loo qorsheeyo muddo 5 sanno ah in lagu caawiyo dadka xaaladaha caafimaad ee liita qaba, kuwaas oo aan awoodin in ay iibsadaan caymis caafimaad.

bandhige@gmail.com