Masiibooyinka iyo Sababaha Keena (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)

Sida aynu ognahay dadku markay maqlaan kalmada “ Masiibo” waxay la xidhiidhiyaan ama ku tilmaaman inay tahay natiijo ka dhalatay hab-dhaqan khaldan oo aadamuhu gaytsay taasoo Illaahy ku ciqaaboyo cidii gaysatay khaladaadkan ,kuna abaalmarinayo Dhul-gariir, Daad, Duufaano, Dabaylo , Bad-qarqan I.W.M. Haseyeeshee , Musiibo uma jedno mid Ciqaab ahaan ah oo cid lagu ciqaabayo ,balse waxaynu u kala saari doonaa siyaabo kala duwan waxaynanu cadayndoonaa mid kasta waxa dhaliya iyo khasaaraha ay gaysan karto inagoo u kala saarayna qaybo –qaybo. Qaeexitaan ahaan , masiibooyinku waa dhacdo si kadis ah ku dhacda ama mudo yar oo kooban isla markaana gaysan karta khasaare lagu waayi karo naffo , hanti , iyo dhaawac duleed oo noolaha iyo deegaankaba ah . Sidoo kale, Masiibooyinku waa dhacdo ka mid ah dhacdooyinka laysla yaqaano ee aduunka ka dhaca waxay geystaan khasaare aad u daran oo naf iyo maalba leh, marka ay ka dhacaan deegaan nololleed ay ku  dhaqanyihiin ama lug leeyihiin dad  iyo maal.  Intaa waxa dheer ,  masiibooyinka  guud ahaan waxaa loo kala saara laba qaybood oo waawayn , midkastaana waxay sii leedahay qaybo hoosaadyo  yaryar oo kale .

1. Masiibooyinka Dabiiciga ah, waa masiibooyinka ka dhasha wax ka baxsan wixii uu bini aadamku maamulo , ama waa kuwo ka yimid natiijo dabiiciya oo ay keentay  falgalka ka dhex dhacaya  koonka ee aan ahayn kuwa aadanuhu maamulo .Tusaale ,

B) Dhul gariirku waa mid kamida Masiibooyinka  dabiiciga ah wuxuuna ku yimaado cilad ama khalkhal ku yimi laba dhadhaab ama awkab oo is ku dhaqaaqay kadibna is xogqay . Marka ay laba kawkab ama laba dhadhaab  is xogaan ama is lissaan waxaa   ka dhalanaya kulayl iyo gariir kaasoo keenaya mawjado gariir ahi ianay ka soo firdhaan meesha xoqitaanku ka jiro kuna firdhaan kowkabka heriirisa ,sidaasna ayku keenaan ruxan iyo lula dhulka ah mararka qaar ruxaankaasi keeno burbur dhisme yaal badan iyo dhimasho intaba , sida badanaa ka dhacda Asia. Dhulgariiska waxaa halbeega  lagu cabiraa waa Richter, aalada loo adeegsadana waxaa loogu yeedhaa Seismography oo af-Somali ku soqonaysa Gariir-qore .Sannadkii 2019ka bishii june ayuu ka dhacay deegaanada xeebaha Puntland waxaa lagu qiyaasay inuu cabirkiisu ka yaraa 5.0 Richter.

T) Sunaamida, sunaamidu waxay ku timaadaa khalkhal ka dhashay biyaha badda hoostooda  oo uu sababay Fulkaane ama dhul-gariir.Kadib waxay baddu ku jawaabtaa  inay biyaha baddu kor u kacaan boqolaal Feet , gaystaana waxyeelo aan sahlanayn mararka qaar waxay baabi isaa magaalooyin dhan .Deaan ahaan , dhulka Somalidu degto dida ay qoreen website ka Adeso-African  2004 tii ayay ku habsatahay magaalo xeebeeda Bender Beyle , waxayna sabatey dhimasho 298 ruux iyo 50.000 qof oo ku barokacay  sabab la xidhiidha Sunaamidaas.

J) Duuffaanta iyo Dabaylah xooga lehi waxauy ku yimaadaan natiijo la xidhiidha is bedelka cimilada heerkulka oo isbadala , isbadalkan heerkulku wuxuu noqon karaa mid xili le ah oo ku yimid sabab ka dhalatay wareega dhulka .Duffanadu waxay gaystaan qasaare naf iyo maalba ah. Markaynu, Somaliland u eegno waxaa ugu damabaysay saamayn ba’ana reebtay Sagar Cuclone. Waxay sababtey in dadyow  badani ku waayaan naffahoodii iyo kuwo kalena ku dhaawacmeen hantidoodiina ku waayeen.

X) Fulkaanahu wuxuu ka mid yahay masiibooyink dabiiciga ah eek a dhaxa deegaanada buuralayda ah , waa kulayl xad ka bax ah oo keenaa in dhagaaxda iyo ciiduba noqdaan dab shubmaya oo dareere ah, wuxuuna kuyimaadaa saba la xidhiidha macdanta Lava ama Magma. Wuxuu saamayn ku yeeshaa deegaan

2. Masiibooyinka aan dabiiciga ahayn oo ah musiibooyinka ku yimaada natiijo ka dhalatay xidhiidhka ibnu aadamku la leeyahay deegaanka ay ku dhaqaynyihiin , tani waxaa loo kala saari karaa;

B) Mid ka timid cilad farsamo ama technolajiyadeed, waxay noqon kartaa sida tareenada dhaca, Shilalalka ,Dhismeyaasha iyo Biriishyada wax ku duma ,burburka dayuuradaha. Kuwani kaliya waa kuwo la xidhiidho xaalad uu buni aadamak si toosa gacanta ugu hayay, waxayna ku yimaadaan qalad farsamo.

T) Mid bulsheed marka la leeyahay waxaa khaasatan loo sii jeedaa kuwa uu bini aadamku sida tooska ah ee ula jeedada ah u sameeyo , sida dagaalada iyo qaraxyada. tanai waa mid dunida kasoo jirety waxaana sababa khayraadka oo yaraada.  Dghanka kale haydaynu ka eegno , Maasibadu masiibadu waxay leedahay wajiyo isku xig xiga , waji kastaana wuxuu leehay dhibkiisa dabeecaddiisa jiri taan ahaaneed, wajiyadani waxay noqonkaraan laba waji oo waa weyn oo kala ah ;

1. Wajiga ka hor taga , oo ah intaanay dhicin masuubadu in laysku dayo sidii loo yarayn lahaa waxyeeladda ku soo foolka leh dadka la filayo inay saamayn doonto masiibadu , taasi waxay sahlaysaa inay yaraadaan khasaaraha nafeed ee keensanlahayd masiibadu.

2. Wajiga ka jawaabisata , oo ah sidii dib u dajin iyo taageero loogu fidin lahaa dadyawga ay saamaysay Masiibadu .Wajigan waxaa ku jira in dib looga shaqaysiiyo hanaankii adeegyadda  aas aasiga ahi u shaqyn jireen la saxo . Gabi ahaanba , marka laga hadlayo maaraynta Masiibooyinka lama laha waxaa si dhamaystiran  meehsa looga saarayaa suurtagalniadii ay ku dhici lahayd Masiibo laakiin waxaa loola jeeda waxaa la yarynayaa waxjeeladii ay gaysanlahayd si si sahlan looga soo kabto masuubidaas dhacday.

Waxaa jiri kara qaybo kale oo aynaan halkan ku xusin oo ay ku jiraan Daadadka,  Xanuunadda iyo  Kiimikooyinka .

 

Ugu dambayn, waxaynu si fudud uga hadalnay Masiibooyinka iyo Sida ay u dhacaan, waxaana aynu sidoo kale ka hadalnay maxay yihiin kuwa ugu caansan Masiibooyinka ka dhaca dunidan aynu ku noolahay , sidaas darted waxaynu fahan kooban ka haysaa sabaha keena Masiibada.