Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye oo ay wehelinayeen wasiir kuxigeenka WW&S Md.Axmed Xasan Nuur, Agaasimaha guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed iyo agaasimaha tacliinta sare Md.Axmed Muuse Muruud ayaa maanta kulan la yeeshay agaasime waaxeedyada wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.
Shirkan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa daarranaa dardargelinta hawlaha waxbarasho ee ay waaxaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashadu u xil saaran yihiin.
madaxda wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa dhammaantood kula dardaarmay agaasime waaxeedyada in dedaalka la sii xoojiyo hawlaha waxbarashada, si kor loogu qaado tayeynta nidaamka waxbarashada dalka.