Masuul dabeecadda ka aradan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Xasan markuu salaada subax tukado kuma noqdo hurdada. Waana masuul xil haya, wuxuu shaqada tagaa 7:00 aroornimo, wuxuu xafiiskiisa yimaadaa iyadoo ay xaadhayaan shaqaalihii nadaafadu iyo ilaalihii xafiiska oo markaasi quraacanaya. 

Dadka doonaya inay hawl iyo shaqo ugu yimaadaan, waxa ay soo xaadiraan 6:30 aroornimo oo way barteen inuu yahay nin shaqada hore u soo gala, oo aan jaad iyo jinni cunin. Dad badan ayaa aad ugu sacabo tumay, hab-dhaqankan masuulku muujiyey. Xafiisyadii kale ee lagu shaqaynayey way xidhan yihiin, kiisa oo keliya ayaa ka shaqaynaya, waa tii la yidhi” Qofkaan xishooni waa ximaar. 

Mararka qaarkood wuxuu soo raacaa basaska shicibka, markaasay dadku ku murmaan waa masuulkii hebel iyo maaha waa mid u eeg. Wuxuu shaqadiisa dhammeeyaa iyadoo aanay gaadhin 11:00 aroornimo, halka xafiisyada kalena wakhtigaasi ay shaqadu u bilaabmato.Waxay indhahaagu qabanayaan xafiisyo la dhooban yahay oo dadkii is-gaadheen siday u sugayeen masuulkii xafiiska maamulayey. Xafiiska Xasan wuu haawanayaa oo beri hore ayaa lagu kala tegay. Laakiin nimco weliba nusqaan leh. Xasan wuu ka soo baxay waajibkii ilaahay iyo shaqadii ummadda, laakiin waxay inkaari kaga dhacday maacmilka dadka iyo sida dadka loola dhaqmo. Dadkaasi uu shaqada u qabanayo, way isla-dhibmuteen. Wax nin la fool xun, ayuu nin ku faanaa

Qofna ma qancin karo, markay laba eray is-weydaarsadaan, ayuu bikh iska siinayaa sidii foodlay yar oo naaska la taabtay, waxa qalbigiisa ka maqan xigmadii ahayd” Bulsho waxa u taliya: doofaar nin cay uga dulqaad badan, kudkude gaajo uga adkaysi badan, kurtin qorrax uga adkaysi badan, dhagaxna qabow uga adkaysi badan”

Ma aqoonsana in macaamilka dadku yahay aqoon iyo dhaqan ummaduhu ku kala socdaan. Waa keligii toosane, keligii toosiye, keligii taliye, keligii tiirshe, keligii tiiriye, keligii tebiy. Keligii, keligii.

Wixii loo soo jeediyo marna ma aqbalo. Hadalkiisu waa xukun aan racfaan laga qaadan Karin. Markaad saddex kalmadood is-weydaarsataan kalmada afraad ee afkiisa ka soo baxdaa waa tuugyahow. Waxa ku dhacay xannuun ah inuu keligii daacad yahay, dadka kale oo dhamina tuug yihiin. Waxay dadku ku doodaan in aanay is-qabanayn maacmil xumada Xasan isagoo xil haya iyo shaqada uu ku soo kalahayo. Wuxuu naftiisa ka aaminsan yahay in uu yahay nin aragti fog oo mustaqbalka waxa dhici doonaa lafa-gura, oo wuxuu qof kasta ku yidhaa, xigmadii ahayd’ Waxyi iguma soo dego haddana waxba ima seegaane, waxa aan ahay nin waayaha adduunka wax uga muuqdaane.’ Hasayeeshee sida aan is-mooday xigmadu kuma jirto waa sida laguu arko. Rag faan iyo talo-xumo ayuu eeday, dumarna xan iyo suuq wareeg ayey eedeen.

Maaha kaba qaad u sujuuda madaxda xilka haysa, wuxuu ku qancsan yahay waxa ilaahay u qoray in aanu  meelna ku seegayn, helina doona goor ay ahaataba. Waa nin ay u kala caddahay ka cadowgiisa ah iyo ka nasteexiisa ahi, maaha munaafaq dadka ka daba-hadla, qofka ay colka yihiin si cad ayuu u yaqaanaa, ka ay saaxiibka yihiina sidoo kale. Xittaa hadday balaayo ka dhacayso marka dadka la kala saarayo, runta ayuu miiska u saaraan kan gardarran, waxbana uma hambeeyo, dadka qaarkii waxa ay si hoose ugu xantaan in aan loo kaxaysan meelaha garta lagu goynayo waayo waxba ma xeeriyo, shay kastana diirka ayuu ka saaraa. Waa tii hore loo yidhi” Meel boqor joogo gacantaadaa la ilaashadaa, meel caalin joogana carrabkaaga”Hasayeeshee haddii ay qof isku dhacaan, ayuu jiq noqonayaa sidii bisad dabada lagaga joogsaday.

 

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@hotmail.com