Madaxweyne Siilaanyo wuxu xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay Michael Keating

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay Mr. Michael Keating.

Kulankaasi ka dib waxa saxaafadda warbixin ka siiyey wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, iyo Ergeyga qaramada midoobay, iyadoo saxaafaduna su’aalo ka waydiisay ujeedada socdaalkiisa iyo arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Axmed Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com