Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo booqasho laba maalmood ah ku jooga Hargeysa

 

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa Axaddii shalay soo gaadhay Hargeysa isaga oo booqasho laba maalmood ah ku joogi doona Somaliland.

Michael Keating in kastoo aanu weli la hadal saxaafadda waxay u badan tahay in uu safarkiisu la xidhoodho u-kuu-galka saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen Somaliland waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda xukuumadda Somaliland.

Michael Keating

Sida uu bogga uu Facebook-ga ku leeyahay ku daabacay Guuleed Dafac oo ah madaxa Xarunta Xuquuqda Aadamaha oo ah hay’ad waddani ah waxa uu ergaygu maanta la kulmay ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland iyadoo halka lagu falanqeeyey qodobo muhiim ah.

Wixii faahfaahin ka soo kordhay safarka ergayga Wararka dambe ayaanu idiinku soo gudbin doonaa.