Maxaa Diidaaya in Imtixaanka (Online) lagu qaado (WQ: Abdifataah M. Ahmed)

Waxa Jirey shir saxaafaddeed Dhawaan ka soo baxey Wasaaradda waxbarashada Jamhuuriyada somaliland oo saraakiil wasaaradda ahi ay kaga hadllaayeen sidda laga yeeli doonno imtixaanaadka Ardeyda oo u dhignaa (ha loo qiimeeyo),Aragtida iyo Fikirka ahaa ha loo qiimeeyo dhab ahaantii wuxuu ahaa fikir iska jaban oo raqiis ah oo ka hor imanaaya su,aalahani,Miyaan laga sii fekrin imtixaanka Ardeydu sidda uu noqon doonno saddex billood ka hor markii nidaamka cussub hirgelintiisa laga fekiraayey?haddiise Ardeyda wax loogu dhigey hannaanka cussub ee masaafada fog(Distance Learning/E-learning/online Education),isla sidii loogu dhigey in lagu imtixaano maxaa diidaaya?.mase la weydiiyey jaamacadduhu in ay imtixaanadooda hab (Online) ah ku qaadan karaan iyo sidda ay suurtagalka u tahay intaan amar qiimeyn dusha lagaga keenin?Maxaase sababey in Ardeyda waxbarashada sarre ku jirta sidda jaamacaddaha (Higher Education) ay saraakiishu u yidhaahdeen u qiimeeya miyaan aqoonba loo laheyn waxbarashadda sarre iyo nidaamkeeda?Muddo 3 billood ah ka dib oo ardeyda waxbarashadda loogu dhammeystiraayey iyaga oo guryahooda jooga”Learning at Home” (Virtual Classes),in hadda isla nidaamkii wax loogu dhigaayey imtixaanka lagaga qaada(Online Exam) waa Sax iyo qorshe sax ah.

 

Hargeisa:ka dib muddo billo ah oo Ardeyda wax loogu dhiggaayey habka waxbarashadda masaafada fog inta lagu jiro safmarka  karoonaha,hadda ayey xarumaha waxbarashadda somaliland gaar ahaan tacliinta sarre sida jaamacadduhu isku dayeen qabashada iyo hirgelinta imtixaan qaadid (Online) ah.waxa Jabtey Aragtidii aheyd “Ardeyda Semestero horre ha loogu qiimeeyo oo aan marna suurtogal ka aheyn waxbarashadda sarre” Waxbarashadda sarre sharcigeeda kuma jirto in ardeyda imtixaanka loo qiimeeyo. xaaladdahani oo kale haddii ay yimmadaan waxa furan in imtixaanka dib loo dhiggo lana baajiyo wakhtigiisa,(Cancellation of the scheduled  or dated Examination),(Postponment/Delay of the University Exam),waxaana imtixaanka dib loogu dhigaa billaha soo socda marka laga baxo karoonaha si loo qaado,laakin wax  qiimeyn ardeyda Jaamacaddaha dhiggata (GPA)gooda lagu darayaa  meeshaasi kuma jirto.

Ma haboona in hoos loo dhiggin awood iyo kartida bahda waxbarashada”don’t undermine the power of education sector”,in la tijaabiyo khibradooda aqooneed ee dhanka Tiknolojiyadda ayaa wanaagsan si imtixaanada loogu qaaddo hab (Online) ah,waayo siddaan rumeysanahay jaamacaddaha iy koolajyadu waxa ay haddaba awoodd u leeyihiin meel marinta hawshaasi,kuwaasi oo heysta khubaro iyo aqoonyahan waayo-aragnimo iyo aqoon fiican u leh aqoonta tiknolojiyadda loona baahan yahay in lagu tijaabiyo qorshahani cussub.in aan hoos loo dhigin kartida iyo aqoonta bahda waxbarashadda sarre ee dalka ayaa waajib innaga saaran yahay,in aan fikir iyo aragti jaban oo raqiis ah loola iman ayaa inala gudboon,in loo fasaxo sidii ay imtixaanaadka (Online) ugu qaadan lahaayeen haddii uu socdana loogu taageeri lahaa iyada oo la illaalinaayo nidaamka kala fogaanshaha bakhtiga ah ee la matalaayo ee karoonaha ayaa la innaga rabaa.”hadda dalka ardeyda dugsiyadda sarre iyo kuwa jaamacaddaha ka qalinjabinaaya ayaa loo ogol yahay “Physical Examination” shuruudihiisa wata,Akhriste qeybta dambe ee qorraalkan oo toddobaadkan insha Allah idin soo gaadhi doonta la soco sida “Online Exam” u guuleysan doonno waxna loogu qaadi karro.”After two months of online Education,it is for the time of Online Exams”.

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com