Guuldarooyinka Ka Muuqda Waxqabadka Uu Soo Bandhigay Baanka Dhexe Ee Somaliland (WQ: cabdiraxiim cabdilaahi shiine)

Baanka dhexe ee Jamuuriyadda Somaliland waxaa la aasaasay sannadii 1994, ujedooyinka loo aasaasayna iyo adeegyadda uu bixiyana waxaa ka mid ah.

1: Ilaalinta xasiloonida lacagta si loo hubiyo xisiloonida ascaarata iyo suuqyadda

2: Ilaalinta xasloonida nidaamka maaliyadeed ee guud ahaan dalka

3: Dejinta siyaasada lagu kobcinayo dhaqaalaha waddanka iyo weliba bixinta adeegyo ay dawladu ubaahana tahay sida lacag dhigashadda deyn bixinta iyo wixii la mid ah .

Aan usoo daadago  ujeedada maqaalkayga  aan kaga hadlayo waxayabaha ka qaldan waxqabadka baanka dhexe ee Somaliland. Muqaal ka kooban 24minit oo lagu baahiyay qaar ka mid ah Tv yadda dalka aay lagu soo koobay waxaqabadkii sannadkii galbaday 2019 ee baanka dhexe Somaliland , waxaqabdkaa waxaa ka muuqda madmadow aan bulshadda looo iftiimin.

Sixir Bararka Iyo Sarrif Bararka

Sixir bararka iyo Sarrif bararku waa la ujeedo oo kala duwan haddana si toos ah xidhiidh u leh.

26 April 2018 waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay hogaanka cusub baanka dhexe JSL oo kala aha Guddomiye Cali Ibraahim Jaamc Baqdaadi Iyo Agaasime Axmed Xasan Carwo.

Hogaanka cusub ee baanku wuxuu muujiyay dadaal uu kaga hortagayo Sarrif bararka oo bulshada walaac weyn ku hayay taas oo ay ganacsataduna ku faa’iidi jireen oo kolba gacanta ama heerka  ugu saraysa ee isku badalka dollarka iyo shillinka ay bulshada lacagata kaga qaadan jireen taas ama ay hordagi jireenkolba heerka uu marayo isku badalku taas oo samayn weyn ku yeelatay nolosha dadka danyarata ah, waxay ku guulaysteen inay hoos udhigaan boqolkiiba toban 10%, halkaa waxaa ku kooban wixii ay ka qabteen Sarrif bararkii Dalka ku habsaday hogaanka cusub ee Baanka JSL.

Sixir bararka ku habsaday dalka sannaddiihii 2018,2019 ilaa 2020 waa sidiisii oo cidi waxba kama qaban, waxqabadka baanka dhexe waxaa ku jirtay inay wax ka qabteen sixirbararka taasina waa arrin aan waxba ka jirin oo waxa ay ku guuldarysteen hogaanka baanku inuu isla jaan qaadsiyaan sarrifka ay hoosta udhigeen iyo qimihii maceeshadda. Tusaale ahaan Rufaca sonkorta ah waxa uu waqtigaa gaadhay $7 (todoba dollar) oo udhigmaysay lacagta shillinka Somaliland 70000 Slsh (todobaatan kun shillin) taas oo gancsatadu markii uu dallarkii uu jabay si aanay ukhaasaarin una ilaaliyaan qiimaha maceeshadooda waxay ubadaleen inay qofka wax ka iibsannaya qiimaha maceeshada ugu sheegaan shillin Somaliland halka markii horre ay ku baayici jireen Dollar.

Eeda ugu horraysana waxaa leh Baanka dhexe ee jamuuriyadda Somaliland maadama uu isla jaan qaadsiin kari waayay Sarrifka iyo qiimaha Maceeshadda.

Hoos udhaca ku yimid Dollarku wuxuu sababay in dadkii dibada lacagaha looga soo diryay ama shaqaalihii shirkadaha gaarka loo leeyahay dollarka ugu shaqaynayay inay hantidoodi 30% boqolkiiba soddon khasaaraan madaama doolarkii hoos loo dhigay meeceeshadii iyo quutal daruurigiina qiimihiisu halkii hore un yahay.

Baanka dhexe ee Somaliland wuxuu ku guuldaraystay inuu soosaaro lacagihii yaryaraa sida 100shling, 50shiling, 10shilling si loola dagaalamo sixirbararka madaama ay lacagata imika Somaliland ka shaqaysaa ugu yartahay 500shilling taasi waxay sababtay inuu shay kastaaba uu kor ukaco markuu qaliyoobayo ugu yaraan 500shillinka Somaliland.

Tusaale ahaan : Qiimaha Cadayga lagu iibsaddo, Qiimaha Shaaha lagu cabo, Qiimaha Baska lagu raaco, Qiimaha Suuliga ama Xamaamka lagu galo. Dhamaantoo waxay kordheen inta udhaxaysa 50%(boqolkiiba konton) iyo 100% (boqolkiiba boqol).

Haddii lacagta yaryar ee shilling Somaliland lagu soo dayn lahaa suuqa taasi waxay hoos udhigi lahay in shayga la iibsanayaa si fudud uqaliyoobo ama uu ukordho Qiimihiisii hore mid la mid ah.

Waxaqabdayada uu soo bandhigay Baanka dhexe JSL inuu qabatay sannadkii 2019 isla markaana  aan fullin waxaa ka mid ah inuu soo saaray wareegto lagu joojinayo lagu joojinayo in shirkadaha Golis iyo Hormuud oo laga leeyahay Somaliya aan adeegayadoodu ka dhex shaqayn oo aan lacag la isku dirin gudaha Somaliland hadii aad marto suuqayada waaweyn dalka ama ganacsatada si aan bulshadu lacagta uga sarifin ama loo siin lacagata shillinka Somaliland madaama lacagata mobilda ku jirta wax kayar boqol doolar baxaynin waxay soo wadda furteen kaadhka shirkadda golis si doolarka si yar oo fudud loogu diro ama ay udiraan waxqabdka uu Baanka Jsl sheeganayo inuu mamnuucay adeega shirkadaas  waxay noqtay mid waxba kama jiraan ah.

Faraqa udhexeeya Agaasimihii horre Baanka Jsl ka Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan iyo Agaasimaha imika haya xilka Baanka Mudane Axmed Xasan Carwo waxa weeye in Agaasimihii hore Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan markii uu xilka wareejinayay uu ku faanay inuu lacagtii Somaliya uu qaybo kamid ah gobolada bariga Somaliland ha ugu horeeyo Gobolka Togdheer.

lakiin Agaasimaha xilka haya Mudane Axmed Xasan Carwo waxaa uu ku faanaa inuu soo kordhiyay malinta saddexaad ee Iidaha laga dhigo  maalin qaran oo dadku fasax yahay.

Qoraal uu bartiisa facebook ku baahiyay tariikhdu markay ahayad 9/08/2019 Agaasime Axmed Xasan Carwo ayuu ku sheegay inuu madxweyne ku xigeenka codsi fasax kordhin ah u diratay taasina maaha shaqadii uu qaranku udiratay Agaasimaha waana kaa farqiga udhexeeyay labaddaa masuul ee xilka iskaga kala danbeeyay.

La soco qaybta labaad ……..

W/Q cabdiraxiim cabdilaahi shiine