Maxaa faa’iido ku jira isku shaandhaynta maxase faa’iido darro ah? (WQ: Rashiid Odowaa)

Islku shaandhaynta Golaha wasiirrada iyo hay’adaha xukuumadda  waxa loo yaqaan marka  Ra’iisal wasaare ama madaxweynuhu uu  wasiirro uu  isku  beddelo wasaaradaha dhexdooda,sidoo kale marka  wasiirro iskood isu casilay jagadooda la buuxiyo,marka qaar cusub la soo magacaabo qaarna la eryo ujeedka loo sameeyaa  waa marka wasiirrada qaar  sabab xil gudasho  la’aan ama  fadhiidnimo loo saluugo,waxa kale oo dhacda marka muddada ay xilka hayeen badato ama la soo gaadho xilli kala guur ah iyadana waa la sameeyaa waxa kaloo dhacda in sabab siyaasi ah loo beddelo isagoo qofku xilka hayaa aanay jirin sabab loo saluugaa waxanay ku xidhantay rabitaanka Madaxweynaha oo isagu awoodda ugu sarraysa leh.

Waxaynu eegi doonaa maxaa haddaba Faa’iido ku jirta Qaran ahaan iyo bulsho ahaanba maxase faa’iido darro ah..

MAXAA FAA’IIDO KU JIRA ISBEDELKA MADAXDA

  • Runtii isku shaandhyntu “Reshufling” waa mid xiiso gaar ah u leh bulshada waxad ka arki kartaa meel kasta oo la isugu yimaaddo iyadoo la is weydiinayo hebel halkee loo magacaabay iyo hebel markaas waxad dareemaysaa Tahniyadda iyo ducada ilaahay ha kugu asturo xilkaas laguu igmaday marka halkaas waxad ka dareemaysaa Moral dareen cusub
  • Waxay dar dar gelisaa shaqada oo shakhsiyaadka cusubi waxa laga yaabaa inuu Xawli ku dhaqaajiyo shaqada qaranka ee loo igmaday.oo uu muujiyo dadaal dheerad ah waxanu ka fikirayaa mar haddii dadkaas oo dhan lagaa soo dhexdoortay fashilaad iska dhowr.
  • Waxay abuuri kartaa Fursado Cusub oo shaqo abuur oo dad badani helaan.waayo wajiyadaas cusub waxa ka iman fikrado kala duwan xarakaat kastaa wuxu leeyahay khayrkiisa.
  • Waxay dar dar geliyaan howlaha xisbiga talada haya waxanay abuuri karaan umad badan oo xisbiga ku soo xidhanta halkaana xisbiga ayaa dhidibada sii aasan kara.

MAXAA FAA’IIDO DARRO KU JIRTA ISKU SHAANDHAYNTA

Hase wax kastaaba wuxu leeyahay dhinac faa’iido darro ah waxa ka mid ah;-

1-Waxa dhici karta in wasiirrada hore iyo maareeyayaashu ay hayeen qaarkood khibrad badan oo qofka cusub ee la soo magacabaa uu la qabsan kari waayo howsha qaranka ee loo igmaday halkaasna  dayacaad ayaa ka iman karta.

2-Qolada la eryo laftooda iyo dad kale oo laga tagay waxa ka iman karta mucaaridad ay xukuumadda kala hor yimaaddaan haddii aanay isku shaandhayntu cilmiyaysnayn waxay abuuri kartaa taagdarro dowladda ku timaadda

3-Waxay keentaa bulshada dhexdeeda woxogay kala Sarrayn ah ‘Supremacy” ayaa dadka qaar isu arkaan in iyaga laga maarmi waayay halka qaar kalena ay u arkaan inay yihiin dad laga tagay “Inferiority” oo la nacay

4-Mararka qaarkood waxa dhacda in dad gaar ahi mar kasta ka faa’iidaystaan xilalka xukuumadda dadkaas oo ah dadka awoodda magac iyo maal leh oo ay garbiyaan dadka kale ee aqoonta iyo kartidaba leh siiba dhalinyarta.waayo dad badan ayaanba soo gaadhi Karin halka talada lagu goynayo.

5-waxa dhici karta in laga fikiro uun in jagooyinka Siyaasad ahaan dadka lagu raalli geliyo lakiin aan loo eegin yaa farsamo(technocrat) ahaan yaa  qaban kara taasna waxay keentaa fadhiidnimo.

Dhowaan bishan 03/09/2021 ayuu Madaxweynaha Somaliland sameeyay isku shaandhayntii ugu ballaadhnayd waan hambalyaynayaa dadkaas m/weynuhu soo xushay kuwa xilka laga qaaday waxan odhan lahaa waa sunaha dowladnimo in maalinba qof xilka hayo kuwa kale in la magacaabo sugayay waxan odhan lahaa iska suga maalmihii may dhamaan.

Waxa inta badan m/weynayaasha caalamku ay ka danbaysiiyaan shir jaraaid isku shaandhaynta ka dib kaas oo ku faah faahinayo sababta keentay isku shaandhaynta iyo waxyaabaha laga filan karo mustaqbalka.

Allaa mahad leh

Rashiid Odwaa

M.A.Diplomacy and International Relation

rashidsalan@gmail.com

063-4101213