Nolosha basharku waa mid si maalin la ah loo qabto hawlo kala duwan kuwaas oo saamayn xoogan ku leh ahaanshaheena barri iyo mustaqbalka dambe. Haddaba nolosheenu maxay u baahan tahay si aynu u noqono qaar ku taanaaday nolosha kawnka .
Malahayga qodobadani waxa ay inaga taageeri doonaan wanaajinta maalmaheena dambe .
1- Alle ka cabsi – Alle kabcsigu waa deeq uu Eebbe ugu galaday adoomihiisa uu jecelyahay . Waa hibo haddii qofka qalbigiisa ay ku dhibicdo uu noloshiisa ku qaadanayo farxad iyo xasilooni. Haddaba waxa kamida wax yaabaha xoojiya qofku in uu helo deeqdaa cajiibka kheyraadka ruuxiga ah sida salaadda , soonka iyo dhammaan cibaadooyinka uu Eebbe inagu adoonsaday.
Markaa walaal si aad u noqoto qof noloshan ku tanaaday noqo mid xidhiidh wanaagsan la leh Allihii abuuray kawnkan aynu ku kor noolahay.
2- Samee qorshe meel mar ah. Markasta oo aad dajiso islamarkaana qaabayso qorshe nololeed taabo gal ah waa markasta oo ay wacan tahay rajadda aad ka qabto timaadada iyo maalmaha soo socda . Hawlaha aad qabanaysaa ha noqodaan qaar ku fadhiya qorshaha aad u dajisay noloshaadda . Tusaale waa in ay Caddahay marka uu waagu kuu baryay waxa aad qabanayso ama ku qaadanayso maalintaada . Markaa waa in aad qorshaysaa hawlahaga maalinlaha , bilah ah iyo sannad la ahba.
3- Joogtee barashada . Barashadda aqoontu waa mid kamid ah tiirarka ugu xooga badan ee qofka saamaynta xoogan kuleh mustaqbalkiisa . Koboca aqooneed ee qofku waxa ay raad ku leedahay isbedelka wanaagsan ee uu ka samayn karo nolosha
Aqoonta waa ta qofka u sahlaysa in uu naftiisa ka fikiro, oo ku kalsoonaado, si joogto ahna uu u baadho manhaj , maadaama uu yahay wax-soo-saar biniโaadam oo u baahan baadhitaan joogto ah. Aqoontu waa mashruuc aan gunaanad lahayn, oo aan dhammaanayn, haddii uu xagal kasoo xidhmo, doc kale ayaa falsafadda cilmigu ka furtaa, taasina waxa ay daaha ka qaaddaa fagaag cusub iyo marxalad horumarineed.
Ummaduhu siday u kala aqoon badan yihiin, ayay ugu kala horeeyaan dhanka dhaqaalaha, waxsoosaarka, hal-abuurka iyo hodantinimadaba. Aqoonta ayaa aasaas iyo gundhig u ah horumarka bulsho kaste.
Walalkaay ka noqo nolosha arday dhugta aqoonta kala gedisan ee ceegaaga arlada aynu ku noolahay.
4- Akhriska – akhrisku waa irrida laga galo garshadda iyo aqoonta waana albaabka laga galo horumarka iyo horu socodka nolosha . Sida jidhkeennu ugu baahi qabo Hawada iyo cuntada, ruuxdeennuna ay ugu nooshahay cibaadada Alle iyo camalka san si lamid ah ayey maankeenna iyo maskaxdeennuna u dheefsadaan akhriska iyo aqoonta.
marka aad ka akhrisid 3 buug oo ku saabsan mawduuca aad rabtid ee xirfadeeda waxa la layidhaa ama la sheeg in aad noqonayso qof aqoon dheeraad u leh mawduucaa. akhrisku waa waxa ugu badan ee ay ka siman yihiin dadka aqoonta dheeraadka u leh xirafadahooda noloshooda.
Odhaah carbeed ayaa micneheedu yahay, โMa jirto ilbaxnimo, akhris iyo qoraal laโaantood.โ Marka aad si dhab ah u dhugato weedhan, waxa aad fahmeysaa in uu akhrisku yahayba, furaha horu-marka iyo guusha, amase tubta kaliye ee uu qofku ku gaadhi karo koriin nololeed oo dhamaystiran.
Maalin wanaagsan .
Qore- Rooble Muuse Cismaan ( Ugaaska).
____________________________________________
Tixraac.
1- Buugga: ุงูุชุตูุฑุงุช ุงููุจุฑู ูุงูุชูุฏู
ุงูุงุฌุชู
ุงุนู – bogagga (36-40)
2- Maxamed Mawlid Ismacil โQuraysh
3- Abshir C/qaadir .
Bandhige@gmail.com