Maxaa Ka dhashay xannibaadda xukuumadda Biixi ku hayso diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia? (WQ: Muxiyadin Maxamuud Xuseen)

Diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia oo laga leeyahay dalka Imaaraatka muddo-na ka shaqaynayay garoonka diyaaradaha Hargaysa ayaa bishii March ee sannadkan u hoggaansamay amarkii dawladda Federaalka ay ku xannibtay hawada Soomaaliya, waxa la xasuustaa in isla bishaas 19-keedii hawada laga celiyay diyaaradda Fly dubai oo sidday rakaab kuna soo wajahnayd garoonka Cigaal ee magaalada Hargaysa.

 

Diyaaradaha ayaa tiraba dhawr mar isku dayay in ay dib u bilaabaan shaqada balse xukuumadda Muuse Biixi oo ka cadhootay amarkii ay u hoggaansameen ee dawladda Federaalka Soomaaliya bixisay ayaa ka hor istaagay inay duullimaadyadii dib uga bilaabaan Hargaysa.

 

Boqollaal qof oo ka yimid waddamada galbeedka ayaa Hargaysa ugu xanniban diyaarad la’aan iyadoo dunidu furfurantay usbuucyadii ugu dambeeyay, garoonka Hargaysana aan laba xidhin marka laga reebo duullimaadyada ka yimaada Muqdisho, badi dadkaas waxa keentay diyaaradda Fly Dubai oo la shaqeynaysa diyaaradda Emirates, mana jirto diyaarad kale oo Dubai ku celisa si ay halkaas uga sii raacaan Diyaaradda Emirates oo markii hore keentay Dubai.

 

Dadkan badankooda waxa ka go’ay saadkii ay siteen maadaama uu ku talo galkoodu ahaa in muddo kooban ay dalka joogaan balse hadda dhinacna waa ay uga bixi kari la’yihiin waxaana qaarkood lagu leeyahay kirada iyo kharashaadka huteeladii ay degganaayeen.

Diyaaradda Ethiopian Airlines wakiilkeeda Somaliland-na yahay wiil uu Abti u yahay Madaxweyne Biixi ayaa iyadu jaanis ka heshay xannibaadda xukuumaddu saartay diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia iyada oo kor u qaadday qiimaha in ka badan laban laab intii hore, waxaana hadda uu marayaa qiimaha tigidhka halka mar ah (One way ticket) Hargaysa-Addis ababa lacag ka badan $900 halka markii hore tigidhka labada dhinac ah (Go & Back) ee Hargaysa- Addis Ababa uu ahaa celcelis ahaan ahaan inta u dhaxaysa $250 illaa $350.

Dadka muddada ku xanniban magaalooyinka Somaliland ayaa badankood ka habsaamay hawlahoodii halka qaarkood ay qoysaskoodii ka dayacmeen mana haystaan lacag ay isaga bixiyaan ticket cusub oo diyaaradda Ethiopian Airline ah maadaama ay ka dhigtay qiimaha mid aad u sarreeya.

Sidoo kale waxa shaqo beel ah boqollaal dhallinyaro ah oo iyagu haystay shirkadaha dadka u jara tigidhada (Travel Agencies) kuwaas oo la shaqeynayay shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia.

Diyaaradahan ayaa waxa ay nolosha u fududeyn jireen qiimo aad u hooseeyana ku qaadi jireen dad badan gaar ahaan shacabka Somaliland iyo Puntland ee aadi jiray meelaha dadkeenu inta badan u safraan sida Hyderabad oo dadka xanuunsan loo qaado iyo ardayda aadda Turkiga,Bangladesh iyo meelo kale.

Go’aanka xukuumadda Biixi ayaa ah mid aan laga fiirsan oo khasaare iyo dhaqaalo bur bur usoo jiidi kara shacabka iska tamarta yar ee xaaladaha caafimaad u aadi jiray waddamada dibadda iyo weliba ardaydii jeebkoodu  yaraa ee waddamada shisheeye waxbarashada u raadsaday.

 

Qalinkii: Muxiyadin Maxamuud Xuseen

Email: Masxaf44@gmail.com