Madaxwaynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo 15 sano hayay xukunka dalkaas ayaa geeriyooday
Dawlada waddanka Burundi ayaa shaacisay in Madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo 55 jir ah uu geeriyooday ka dib markii uu la ildarnaa wadne istaag.
Kadib 15 sano oo uu xukunka hayey, Mr Nkurunziza waxaa la filayay inuu xukunka ka dego bisha Ogosto. Sanadkii 2015-kii, rabshado dhimasho iyo dhaawac gaystay ayaa ka dhacay waddankaasi Kadib markii Nkurunzizi ku dhawaaqay in mar saddexaad uu u tartami doono.
Bandhige@gmail.com