Suldaankii beesha Yabaree ee deegaankeedu yahay Kililka shanaad ee Itoobiya, ayaa la diley sannadihii kontomeedyadii. Sababta keentay in la dilo suldaanka waxa lagu sheegay laba arrimood oo kala ah:
= Arrinta koowaad, waxa buuggiisa ku qoray Danjire Cawil, waxaanu nuxurka ku soo ururiyey qisadan: โ Aniga oo arday ah oo fasax ku jooga magaalada Jigjiga ee Soomaalida Itoobiya, ayaanu qureec u tegnay makhaayad. Dabadeed aniga oo makhaayadii fadhiya meel albaabka ku beegan, ayaa waxa soo hor istaagay makhaayaddii dhawr baabuur oo askar hubaysani ka buuxaan. Waxa baabuurka ka soo degay laba sarkaal oo Itoobiyaan ah iyo nin Soomaali ah, oo ku lebisan cumaadad, koodh, surwaal kaaki ah io goโ shaal ah. Dhexdana wuxuu ku xidhan yahay bastoolad. Dabadeed waxa ay soo galeen makhaayaddii oo shaah ayey dalbadeen. Nin ila socday oo la odhan jiray Cabdi Xaashi ayaan weydiiyy wuxuu ahaa ninkani. Waxaanu ii sheegay inuu yahay Suldaankii Beesha Yabaree oo la yidhaa Suldaan Sh. Xasan. Waxa kale oo ii sheegay inay dawladdu rabto inay dad Axmaaro ah dejiso dhulka Soomaalida, inta u dhaxaysa Tog-Wajaale ilaa Banka Aroorayska oo ah dhulk ku fiican beeraha. Iyo inay Suldaanka iyo ciidankiisu ay u socdaan inay soo calaamdiyaan goobaha la dejinayo beerlayda Axmaarada.
Waxa makhaayaddii soo galay nin aan maalin walba ku arko dukaanka Barre Xaashi Cilmi, dabadeed wuxuu salaamay Suldaankii, oo ay u eekayd inay is-garanayeen, waanu barbar fadhiistay. Ka dib Suldaankii ayaa shaah u dalbay, waanay wada sheekaysanayeen. Markii uu Suldaankii shaahii dhammaystay ee is yidhi kac, ayuu ninkii sidii oo uu Suldaanka waxa u sheegayo garabka qabtay, oo kursigii dib ugu celiyey. Ka dibna si deg deg ah ayuu ula soo baxay seef, markaasuu Suldaankii calooshii bannaanka soo dhigay. Suldaanku wuxuu isku dayey inuu la soo baxo bastooladii uu dhinaca ku sitay, balse umay suurtagelin inuu is-difaaco.
Dabeedna af-gemb ayuu dhulka ugu dhacay labadii sarkaal ee Itoobiyaanka ahaa naxdintii ayey xabbadii cirka u rideen. Ninkii dilka geystay si kalsooni ku jirto ayuu shaahiisii isaga sii watay, manuu baxsan. Dabadeed labadii sarkaal iyo askari kale oo ku soo biirtay ayaa ninkii iyo meydkii Suldaanka saaray baabuur. Waxaana ninkii lagu xidhay Harar, isla galabtaasi waxa la xidhay Barre Xaashi Cilmi, Maxamed Cige iyo Caaqil Farsle, oo ahaa caaqilka Beesha Jibriil Abokor gaar ahaan reer Yoonis oo ninka wax diley uu ka soo jeedo. Waxa ay halkaasi ku xidhnaayen muddo laba sanno ah. Ninkii dilka geystay waxa la taagay maxkamad, waxaanu qirtay inuu dilka geystay isagana ay ka soo goโday, maadaama oo uu Suldaanku dhulkii aabahay nagu abuuray uu doonayo inuu Axmaaro ku wareejiyo. Maxkamaddii dil ayey ku xukunktay ninkii sidiina waa lagu diley. Nimankii kale ee arrinta loo xidhayna waa la sii daayey.
= Arrinta Labaad, waxa iiga warramay C/raxmaan Kaahin oo aabihii dhacdadan goob jooge u ahaa, waxaanu yidhiโ wakhtiyaddii dhawr iyo kontankii waxa Jigjiga iyo nawaaxigeeda gacanta ku hayn jiray dawladdii Ingiriiska. Wakhtigaasi waxa Jigjiga awood ku lahaa beesha Sacad Muuse, balse markii Ingiriisku kacay waxa dhulka Jigjiga gacanta ku dhigay Boqortooyaddii Xayle Salaase ee Itoobiya u talin jirtay oo kaashanaysa Suldaan Xasankii Beesha Yabaree. Suldaanku wuxuu fardo ku soo dhaweeyey Xabashidii qabsatay Jigjiga iyo nawaaxigeeda. Dabadeed wuxuu Boqor Xayle Salaase soo bandhigay qorshe dhulkaasi lagu dejinaayo Xabashi, arrintaasina Suldaan Xasan wuu la qaatay. Wakhtigan waxa magaalada Jigjiga guddoomiye ka ahaa Xaashi Cilmi, oo isna ka soo horjeeday qorshaha Xabashida dhulka lagu dejinayo. Arrintaasi oo halkaa taagan ayaa nin ka tirsan beesha Yabaree uu diley Xaashi Cilmi, dabadeed arrintii ayaa dhalisay kacdoon iyo dagaallo. Beeshii Sacad Muuse ee Jigjiga iyo nawaaxigeeda deganayd oo arrintan ka tashanaysa ayuu u yimid nin ka soo jeeda beesha Jibriil Abokor/reer Yoonis, kaasi oo yidhi aniga ayaa saaxiib la ah Suldaan Xasan, oo ninkaasi ayaan ugu aarayaa. Dabadeed wuxuu soo bandhigay qorshihii uu ku dili laha, isaga oo sheegay inuu Suldaanka casuumayo, oo hudheel keenaya. Sidii uu qorshuhu ahaa ayuu ninkii ku fuliyey arrintii.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan