Waxa La Joogaa Xilligii Marayknku Aqoonsan Lahaa Somaliland W/Q: Scott McCann W/T: C/raxmaan Hayaan

Maqaal lagu qoray degelka the National Interest isla markaan uu qoray qoraa iyo aqoon yahan u dhashay dlaka maraykanka oo amgiciisa la yidhahado Scott mac Caann ayaa lagu sheegay in la gaadhay xilligii Maraykanku aqoonsan lahaa Somaliland, waxa maqaalku ku bilaamay sidan

Sannadkii 2017, somaliland waxa ay qabsatay doorasho lagu soo dooranayay Baarlamaanka iyo dawladaha hoose, taasoo si nabdoon uga dhacday dalka oo dhan. Inkasata oo somaliland haddaba leedahay dhamaan waxyaabaha uu leeyahay dal qaran jira lagu tilmaami karaa, kuwaasoo ay ka mid yihiin, dhul cayiman oo la yaqaanno, shacbi weyne la garanayo iyo dawlad si sharci ah ku fadhida, haddana somaliland wali dunidu ma ay aqoonsan, waxaana hadda la joogaa xiligii Maryakanku arrintaa baddali lahaa isla markaana aqoonsi u fidinn lahaa somaliland.

Kadib 30 sano oo ay somaliland si xor ah isku maamulaysay isla markaana ururrada adduunka ee qiimeeya xorriyadaha dalalka ay ku tilmaameen somaliland mid dalal badna oo la aqoonsan yahay ka horreeya dhanka xorriyaadka aasaasaiga ah, waaa maxay sababta illaa hadda somaliland loo aqoonsan la’yahay?

Waxa jira laba sababood oo waaweyn oo ay su’aashaa kaga jawaabaan ururka midowga afrika. Arrinta koobaad waxa ay ku sheegeen in ay ixtiraamayaan xuduudihii gumaysigu ka tagay markii ay dalalka afrika xornimada qaatee, taasoo ku salaysan heshiiskii midowga afrika ee sannadkii 1964kii. Siday doontaba ha ahaatee dooddaadi waa mid jaban, sbabata oo ah somaliland waxa ay xornimada ka qaadastay boqortooyadii ingiriiska sannakdii 196kii , iyada oo leh xududeheeda ay maanta ku naalloonayso. Kadib somaliland waxa ay dooratay inay si iskeed ah ula midowdo dawladdii la odhan jjiray Somalia kadib markii ay Somalia xornimadeeda ka qaadatay Talyaaniga.

Sidoo kale, xuduudaha dalalka Masar, Maali Iyo Senegal, dhamaantood waa ay iska baddaleen sidii uu ka tagay gumaystuhu, waxaa ugu danbaysay koonfurta suudaan oo xornimadeeda qaadatay sannadkii 2011. Arrinta kale ee midowga afrika ay ug caga jiidayaan inay aqoonsi siiyaan somaliland iyaga oo ku doodaya in aqoonsiga somaliland  horseedi doono in qaaradda afrika ay ku bataan dalalka madax bannaanida doonayaa, arrintaasoo iyaduna aan sinaba xidhiidh ula lahayn qaddiyadda somaliland.

Dawladda maraykanku, inkasta oo haddaba ay aqoonsi ay somaliland siiso ku xidhayso sababahaa ay sheegaan midowga afrika, haddana, haddana mar kasta daneheeda istiraatijiyadeed iyo kuwa millatari ayaa wax walba ka horreeya, kuwaasoo ay ka mid yihiin kharashka dhiiga baxa ah iyo la dagaallanka argagixisada. Maraykanku waxa uu soomaaliya kharash aan xad lahayn ku bixiyay soomaaiya, dhanka kalena laga soo bilaabo weerarradii 11 sept, siyaasadda arrimha dibadda maraykanka waxa saamyn ku yeeshay mawduuca la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan qaaradda afrika

Aqoonsiga somaliland, dawladda Maraykanku waxa ay u arki kartaa, inay meesha ka saarayso taageeradii ay siinaysay muqdisho iyo dagaalka ay kula jirtay Al-shabaab. Sidoo kale wakhtiga ku baxay iyo kharashka ka galay dalkaasi soomaaliya ayaa ay dadka siyaasadda dajiya ee dalka Maraykanku u arki doonaan mid ay adagtahay inay siyaasadda jiho cusub mariyaan

Balse waxa jira sadex siyaabood oo ku khasbaya Maraykanka inuu aqoonsado somaliland isla markaan uu baddalo jihadi ay u socotay siyaasaddiisu. Waa ta koobaade, siyaasadda Maraykanka ee wakhti xaadirkan ee la dagaallanka argagixisad Al-shabaab waa mid guul darraysatay . kooxda gacan saarka la leh AL-qaacida Al-shabaab ayaa wali ku hawllan sidii ay u carqaladayn lahayd dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso dawlad shaqaysa, iyada oo si dhiirranana ah u beesanaysa saraakiisha dawladda iyo Kaaba qabiillada.  Sida ay sheegtay hay’adda uruurisa falalka argagisada caalamka, intii u dhaxaysay 1990kii iyo 2020, dalka Soomaaliya wax aka dhacay ku dhawaad 5,300 oo weerarro argagixiso ah.

Iyada oo khatarta aragaixisadu sidaa wali u taagan tahay ayaa haddana dawladda uu Maraykanku taageeraa aanay xataa si buuxda uga wada talin magaalada Muqdisho iyo caasimad goboleedyada. Geesta kalena laga soo bilaabo 2020, dhaqaalaha AL-shabaab ka soo gala cashuurta ay ururiso waxa uu ka badan yahay kan ay dawladdu qaaddo, gaar ahaan meelaha ay dawladdu ka taliso.

La soco qaybta labaad…