Waxa La Joogaa Xilligii Marayknku Aqoonsan Lahaa Somaliland Q. 2aad W/Q: Scott McCann W/T: C/raxmaan Hayaan

Sababta labaad ee ay tahay in maraykanku u badalo siyaasadiisa waa dhanka diblomaasiyadeed. Aqoonsiga somaliland waxa uu u oggolaanayaa Maraykanka inay xoojiso joogitaankiisa geeska Africa . maraykanku dhanka kale inuu ku sii taagnaado waddada faashilka ah ee uu kula dagallamayo argagixisada, waxa ugu muhiimsan inuu taageero hannaanka dawladnimada ee somaliland si uu iskaashi dhinac walba ah u helo oo ku saaban geeska afrika.

Geesta kale, Maraykanku inuu qadariyo madax bannaanida somaliland isla markaana uu aqoonsado gooni isu taaggeeda iyo la soo noqoshada madax bannanideeda, waxa uu fursad u helayaa inuu gaaadho danehiisa istaraatijiyadeed, millatari, iyo siyaasadeed, taasina waxa u saamaxaya, Somaliland wakhti xaadirkan dan weyn ayaa ugu jirta inay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysato dalka adduunka ugu quwadda weyn, siiba inay aqoonsi hesho. Taa badalkeeda maraykanku haddii uu ka hor yimaaddo aqoonsiga somaliland, waxa uu daycayaa xaqa ay dadka reer somaliland u leeyihiin inay  dal jira noqdaan, sidoo kale waxa ay mija xaabinaysaa danaha istaraatijiyadeed ee maraykanku ka lahaa mandaqadda geeka afrika.

Sababta ugu danbaysa ee ay tahay Marayakanku innuu u badalo siyaasaddiisa waa inuu somaliland la noqodo XUlafo. Somaliland kama mid aha Somalia, waxa ay isku arkaan dal ka gaar ah, in aqoonsi laga hor istaagaana taa waxba kama baddali akrto. Siday doontaba ha noqotee, in Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan, waxa ay u noqonaysaa maraykanku inuu helay dal cusub oo la xulafo ah oo wax badan kala shaqeeya arrimahagobolk geeska.

Somaliand waxa ay si toos ah u weydiistay maraykanka aqoonsi iyada oo ku badalanaysa dekedda istaraatijiga ah ee Berbera iyo saldhig millatari oo maraykanku helo, iyo inay si weyn uga hor timid isla markaan hor istaagtay, dadaallada ay dawladda shiinuhu ku doonaysay inay ku soo gasho somaliland. Codsiga aqoonsiga ee somaliland waa fursad aad u weyn oo marykanka soo marta. Waa ta koobaade, inuu Marykanku saldhig ka samaysto magaalda Berbera isla markaana uu dekedda Berbera soo degaa, waxa maraykanka siinaysaa inuu gobolka si weyn ugu lug yeesho, iyada oo saamynta dalka shiinaha ee uu ku leeyaay Jabuuti ay sii kordhayso isla markaana xidhiidhka Maraykanku Iyo Jabuuti oo uu ku yaallo saldhiga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika, yahay mid maalinba maalinta ka danabysa sii diciifaya

Waxa xusid mudan in boqorkiiba 11 shidaalka adduunka u kala gooshaa uu maro marinka baabal Mandabka ee u dhexeeya gacanka cadmeed iyo badda cas, taasoo ka dhigaysa marinkan mid aad ugu muhiim ah dhaqaalaha dunida. Dekedda Berberi waxa ay u suurtagalinaysaa maraykankna inuu galangal u yeesho dariiqadan xasaasiga ah, si kasta oo saamaynta uu Maraykanku ku lahaa afrika inteeda kale uu shiinuhu kaga hor maray.

Waa ta labaade, codsiga somaliland ee aqoonsig waxa uu caddayn u yahay inay ku doonaysaa inay ku badalato xidhiidh rasmi ah oo ay la yeelato dawladda Maraykanka taasoo maraykanka u saamaxaysa inuu isna soo hor mariyo shurrudo ka horreeya aqoonsiga oo ay ka mid tahay xoojinta iyo sii wadidda xidhiidhka taiwan

Dhanka kale somaliland waxa ay sutida u qabtay oo ay si cad uga hor timid inay xidhiidh la samaysatao shiinaha, oo la ogyahay inuu wakhtiyadan danbe saamayn ballaadhan ku leeyahay guud ahana siyaasadda afrika, taa badaalkeedana waxa ay la safatay siyaasadda Maraykanka ee bariga afrika, haddaba haddii uu maraykanku aqoonsado somalilnad waxa ay u saamaxaysaa inuu saamayn wax ku ool ah ku yeesho siyaasadda Hargeisa ee ku saabsan Tiawan. Siyaasadda Maraykanka ee arrimha dibadda waa in aanay hoggaamin iska ilaalinta ay iska dhawarayaan inaanay ka cadhaysiin Shiinaha ama ka baqan isku dhac

Scott McCann is a Junior Foreign Policy Fellow at the Center for the National Interest. Scott is a former Marcellus Policy Fellow with the John Quincy Adams Society. He holds a B.A. in Political Science from Louisiana State University and an M.A. in International Studies with concentrations in international security, intelligence, and conflict resolution from the Josef Korbel School of International Studies at the University of Denver.

SOURCE:NATIONALINTEREST