Warbixin: Muuqaal Documentary Ah Oo Laga Diyaariyay Somaliland. W/T: C/raxmaan Hayaan

Degelka ay internetka ku leeyihiin ururka loo yaqaanno unrepresented nations and peoples organizations, UNPO ayaa toddbaadkan lagu daabacay qoraal dheer oo ka hadlaya filin documentary ah oo laga diyaariyay horumarka ay somaliland gaadhay horumarinta dawladnimada, dib udhiska dalka, nidaamka doorashooyinka ee qori isku dhiibka ah iyo ammanka marka loo eego dalalka la jaarka ah. Filinkan documentariga ah oo ciwaan looga dhigay Dark secrets of a country that does’nt exist, waxa somaliland ka diyaarisay warbaahin ka dhisan dalka Marykanka oo magiceeda la yidhaahdo yes theory. Warbaahintan oo inta badan xoogga saarta dhanka baraha bulshada waxa ay bartooda ay ku leeyihiin youtube ku xidhan in ka badan 8 milyan oo qof. Filinkoodan ugu danbeeyay oo ay ku qaadaa dhigayeen somalialnd waxa ay ku soo bandhigeen dhaqanka, taariikhda iyo caadooyinka ay leeyiihiin dadka reer somalialnd iyaga oo sidoo kale diiradda saaraya xaaladda siyaasadeed ee somaliland. Waxaanay ku bilaabeen sidan.

Somaliland oo xornimadeeda kala soo noqotay midowgii wixii laysku odhan jiray Somalia, sannakdii 1991kii waxa ay ku taallaa geeska afrika. Gobolka oo inta badan lagu qeexo meel amnigeedu aanu fiicnayn isl markaana khatar ah ku ah dadka shisheeyaha ah, balse somaliland waxa ay muujisay inay tahay shamac ka dhex ifaya gobokan waana mid ka mid ah dalalka ugu amniga fiican ugu xasilllon Afrika ayaa lagu yidhi qoraalkan.

Xaqiiqo ahaan, somaliland waxa ay ku guulaysatay inay nabad galyo ka islaaxiso dakeeda , isla markaana ay dhowr jeer madaxweynayaashu isku badalaan hab nabad galyo ah, taasoo si weyn uga duwan dalka la dariska ah ee soomaliya. Dalkani hadda waxa uu leeyahay hannaan sharci dajineed iyo mid fulineed oo si fiican u shaqayanya kuwaasoo ku yimid hannaan dimuqraadiyadeed oo xor iyo xalaal ah.

Hadaaba inkasta oo ay somaliland leedahay shuruudaha looga bahan yahay dal madax banana, sida nabad galyo, xaisllooni, dhaqaale kobcaya, sidoo kalena ay u hoggaansato dhammaan xeerarka caalamiga ah, Jamhuuriyadda somaliland wali waxa ay wali sugaysaa aqoonsi caalami ah, taasoo ka dhigaysa in aan la arag guulaha ay gaadhay tan iyo intii ay xornimadeeda la soo noqotay

Filinkani inta uu socdo, waxa ka muuqata in kooxdan ama warbaahintan Yes Theory, ay si fiican u kala caddeeyeen somaliland iyo Somalia, iyaga oo meesha ka saaraya dhammaan aragtiyaha ay dadyowga caalamka qaarkood ka qabaan somaliland ee ah inay sida Somalia tahay meel aan ammaan ahayn, rabshado ka jiraan isla markaan halis ah. Taa baddalkeda waxa ay ku muujyeen filinkoodan in somalialn tahay dal soo dhawyn leh isla markaana amni buuxa leh, dadkeeduna yihiin dad ku dhagsan oo ilaashanaya taariikhdooda iyo dhaqankooda. Tusaale ahaan waxa lagu sheegay filimkan in heerka kalsoonida ee ay dadka reer somaliland ay ku qabaan hay’adahooda amniga laga garanayo sarrifka lacagaha ee yaalla waddoyinka dhinacyadadooda, kaasoo aanay jirin cid loga baqayaa, iyaga oo dadku salaadda iska taga lacagtii oo halkii taalla isla markaan ku soo noqdaan iyada oo sidii u taalla.

Sidoo kale filimkan oo soconaya 23 daqiiqadood waxa lagu waraysta y la taliyaha madaxweynaha somaliland ee wadaha haddalada somalialnd iyo Somalia Dr. Edna aden ismail, sidoo kalena ah madaxa ururka qaramada iyo dalalka aan cidi matalin ee afka ingirisda lagu yidhaahdo Unrepresented Nations and Peoples Organizzation, waxaanay ku nuuxnuuxsatay sida ay somaliland u tahay dal nabad galyo buuxda haysta balse aan wali indhaha caalamku nabadgalyadaa iyo horumarka kale ee samaysabyba  u arkayn, halka Somalia oo aan wax dawlad lagu sheegi karaa ka jirin lagu abaal mariyay in mar kasta loo heellanaado sidoo kalena lagala shaqeeyo dhinacyada horumarka iyo xuquuqda banii aadanka. DR. Edna ayaa waxa ay ku soo gabagabaysay inay somaliland u rajaaynayso mustabal ifaya iyo horumar waara.