= Muddo bil iyo dheeraad ah may shaqaynin cagaftii qodi jirtay xaabaha waqooyiga Hargaysa ee Baqiic ee uu aasaaskeeda iyo taladeeda lahaa Sh. Aadan Siiro ‘AHN’. Tan iyo markii uu geeriyooday Sheekhu waxa meesha ka baxay ka warhayntii iyo xil-iska-saaridii hawasha xabaalaha Baqiic.
= Waxa la yidhi’ Meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido.’ Shalay ugu yaraan shan xabaalood ayaa ay dadku qodanayeen oo bilow ilaa dhammaad lagu hawlanaa, halkii markii hore intay Cagaftu qodo inteeda badan Xabaasha ay dadku iilka uun diyaarsan jireen. Qodista xabaashu waxa ay dadka ku qaadataa afar iyo shan saacadood.
= Maayir Mooge maalintii geeriyada iyo aaska Sh. Aadan Siiro ‘AHN’ wuxuu xabaasha dusheeda ka ballanqaaday inuu la wareegi doono hawshii uu Sheekhu ka hayey xabaalaha Baqiic oo uu masuuliyadeeda isu xil qaabay Sheekhu Ilaahay jannada ha waraabiyee. Ballanqaadaasi inuu ahaa uun mid afka laga yidhi waxa kuu caddaynaysa dacaya iyo baylahda ka muuqata xabaalaha. Malahayga waxa fiicnaan lahayd dadkii kale ee goobta joogay oo hawsha xabaalaha tunka u rita oo sidii Sheekha isu xil qaama. Hadalladii Sh. Aadan Siiro ‘AHN’ waxa ka mid ahaa” Waar wax aydaan qaban karayn, ummadda ha u ballanqaadina.”
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan