Ma Doorasho Ururro Mise Mid Madaxtooyo? : Guddiga Doorashooyinka Waxa Horyaal Laba Daran mid dooro. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Ka dib 28 Jeenawari markay ay dhammaato diiwaangelinta codbixiyeyaashu, waxa lagu wadaa inay guddiga doorashooyinka shaaciyaan doorashadda ururrada ama ta madaxtooyada ta la geliyo. Haddii ay ku dhawaaqaan in la geliyo ta ururrada, waxa cadho iyo cabaad weyni ka dhammaan doonaa labada xisbi mucaarad. Waayo waxa ay u arkaan halis weyn oo soo foodsaartay. Waxa dhici doonta in xisbiga Waddani ku kala qaybsamo inay galaan iyo in kale. halka Ucid ay gebi ahaanba diidi doonto.

= Haddii ay yidhaahaan waxa soo horraynaysa ta madaxtooyada, waxa dhici doonta inay xukuumadu gebi ahaanba meesha ka saartay, oo sidii kuwii hore qaarkoodna lagu qanciyo inay is-casilaan, halka kuwa kalena dantu ku kaliftay inay is-casilaadooda soo gudbiyaan marka meesha lagu cidleeyo. Waxa se dhici karta inay raacaan halkay dantoodu ku jirto oo ah inay ta ururrada ku dhawaaqaan, waayo qaylida mucaaradku waxba yeeli mayso, laakiin kala dirista ayaa halista ugu weyn ku ah.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com