Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro isbel kasta oo degdeg ah oo uu ku sameeyo hannaanka dawladnimada Somaliland ay hadda ku socotay, waxa ay la mid noqon doontaa isbedelladii Abiy Ahmed Ali uu Itoobiya ku sameeyay ee markii danbe uu ka shallaayay, gaar ahaan waxa ugu daran isbedel aan wada tashi badan laga galin lagu sameeyo , heshiisyadii dawladdii hore la gashay shirkadaha caalamiga ah iyo dalalka.
Inkasta oo warar badan oo aan la hubin oo hordhac ahi suuqa ku jiraan oo ku saabsan qaabka uu madaxweynuhu u dooranayo wasiirrada, haddana khaladka ugu weyn ee uu sameeyaa waxa uu noqon doonaa inuu golihiisa ka buuxiyo wasiirro xilal hore uga soo qabtay dawladihii Siilaanyo iyo Daahir Riyaale Kaahin iyo Tan Muse Bihi Abdi ba kuwaasoo la soo arkay waxa ay yihiin. Haddii uu raggaa magacaabo madaxweynaha cusub waxa meesha ka bixi doonaa isbedelkii uu ku ololeeyay oo noqon doona hal bacaad lagu lisay. waayo dawlad cusub oo kastaa waxa ay ku fiican tahay wajiyo cusub oo hannaanka dawladnimada dardar cusub la soo gala.