Gudoomiye Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe), guddoomiyaha golaha Dhexe ee Xisbiga KAAH, waxa uu ka mid yahay shakshiyaadka dedaalka weyn galiyey …

Gudoomiye Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe), guddoomiyaha golaha Dhexe ee Xisbiga KAAH, waxa uu ka mid yahay shakshiyaadka dedaalka weyn galiyey in Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro cod miisaan leh ka helo deegaannaada Bariga Somaliland, gaar ahaan Togdheer, Sanaag, Saaxil & Saraar.

Sh.Cabdilaahi Baashe, ka sokow inuu yahay siyaasi firfircoon oo ka midho dhaliya hadba mabda’ siyaasadeed ee uu u istaago, sidoo kale waa shakhsi hormuud ku ah dhinacyo badan oo bulshada, tusaale ahaan Cabdillaahi waxa uu ka mid yahay dadka kooban ee sida weyn uga qayb qaatay in dhidibada loo taago waxbarashadda Somaliland, isagoo tan iyo asaaskii Somaliland marxalada kala duwan kala soo dabaashay tacliinta Somaliland, gaar ahaan dugsiyada maadiga ah, macaahidda diiniga iyo jaamacadaha. Dedaalka Cabdillaahi galiyey waxbarashada dalku maanta waxa uu ka muuqda ardayda reer Somaliland, waxaana ka mid ah goobaha waxbarasho ee uu aasaasay dugsiyada Al-Mustaqbal oo ka mid ah dugsiyada ugu ardayda badan magaalada Burco, Dugsiga Cabdalla Nuuri oo uu asaasayaashiisa ka mid ahaa iyo Jaamacadda Najaax ee Burco oo ka mid ah jaamacadaha waaweyn dalka iyo goobo kale oo waxbarasho.

Sidoo kale Cabdillahi waxa uu ka mid yahay culimada Somaliland, looguna tixgalin badan tahay gobollada bariga Somaliland, waxaana uu door muuqda ka qaadatay in la isu soo dhaweeyo lana walaaleyo bulshada Somaliland isagoo ku dabaqaya aqoontiisa diiniga ah.

Sida la saadaalinayo haddii ay dhab noqoto in Cabdillaahi-Baashe ka soo muuqdo golaha wasiirrada ee Madaxweyne Cirro soo dhisi doono, waxaan rajaynayaa in boos ku haboon loo igman doono, kaas oo ah waxbarashada uu mudada dheer ugu soo adeegay bulshada Somaliland, qof kasta waxa uu aqoon iyo khibrad u leeyahay haddii loo diro dalkeenu waa uu horumari doonaa, si gaar ahna haddii dalkeenu dib u qiimayn ku sameeyo hanaanka waxbarashada iyo tacliinta shaki kuma jiro in jiil diyaarsani soo bixi doono…

W/Q Zaki Ali

Bandhige@gmail.com