Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa hudheelka Safari ee magaalada Boorama, ku soo gabgabeeyey kulan dib-u-eegis iyo qiimayn….

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa hudheelka Safari ee magaalada Boorama, ku soo gabgabeeyey kulan dib-u-eegis iyo qiimayn ,ah oo ku saabsan doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee qabsoomay 13-kii November 2024.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka,Shaqaalaha waaxaha kala duwan ee KDQ, Madaxda gobolada iyo degmooyinka ee KDQ iyo Xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada (Taskforce) ee ka qaybgalay Doorashadii 13-kii November 2024. Waxaa kale oo kulanka qayb ka ahayd Hay’adda Netherland Multiparty Institute for Democracy (NMID).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta habsami-u-socodkii doorashooyinka, caqabadihii la kulmay, casharradii laga bartay, iyo talooyin ku saabsan horumarinta hannaanka doorashooyinka mustaqbalka ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada JSL.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka laga hadlay waxaa ka mid ahaa:

1. Habsami-u-socodka doorashada: Qiimayn ku saabsan sida habraacyadii iyo qorsheyaashii doorashada loo hirgeliyay.

2. Caqabadihii soo wajahay: Falanqayn lagu sameeyey caqabadihii dhacay iyo talooyin ku saabsan sidii looga hortagi lahaa mustaqbalka.

3. Casharradii laga bartay: Aragtiyo iyo waayo-aragnimo laga helay doorashooyinkii hore, oo lagu hagi karo hawlaha doorashooyinka soo socda.

4. Horumarinta mustaqbalka: Talooyin ku saabsan xoojinta qorsheyaasha iyo hannaanka doorashooyinka si loo helo doorashooyin hufan oo casri ah.

 

Komishanka Doorashooyinka somaliland

Bandhige@gmail.com