Sidee ayay Somaliland u ekaanaysaa haddii wasiirradii 2003dii illaa 2017 ay mar kale xilal qabtaan, oo hawlihii barigaa laga gacan-qabtay ay mar kale Jaanis u helaan iyaga oo waliba sidii hore ka dhiirran?
Miyaanay noqonayn uun XSM ka Soomaaliya ee doorkii danbe dardar cusub la soo galay oo waxyaabihii uu waagii hore ka waaban jiray hadda isaga oo aan cidna waxba iskaga tirinayn si kalsooni leh u samaynaya oo cid ka qabatana ay la’yihiin?
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxaan anigu shakhsiyan kula talin lahaa in raggii la soo jabay uu si kale wax u siiyo balse aanu xilal u dhiiban waayo Isbedelkii doorashada uu ku galay laga arki maayo.
Tolow maxay dadku siyaasad uun uga wada hadlaan miyaanay jirin wax kale oo laga hadlaan? mooyiye. aan iska sii watee haddii madaxweynaha cusubi talooyinka dadka ka qaadan waayo ma la odhan doonaa cidna lama tashado oo cidna waxba kama qaato, yacnii kalidii saxane. Illayn maalintii dhawayd waa kii Buur madow lahaa dadkii u tagay nin aan wajigiisa farxadi ka muuqani kama uu soo bixin, nin uu wax u ballan qaadayna muu jirine.