6. Siyaasadda Dhaqaale iyo Istaraatijiyadaha loo Baahan yahay
Siyaasadda dhaqaalaha qaranka iyo hababka istiraatijiyadeed ee loo maro meelmarinteeda waa naqshadaha haga horumarka dhawaale ee waddan kasta oo higsi horumarineed leh.
Waxa hormood ka ah qaabaybta siyaasadan iyo hirgelinteeda madaxda hoggaaminta leh oo adeegsanaya xirfadlayaasha shaqada qabta. Siyaasadaha dhaqaale ee guulaysata waxa ka kooban yihiin istiraatiijiyado iyo siyaasado kala duwan oo loogu talagalay in lagu gaadho yoolal dhaqaale oo horumar waarankeena, sida kor u qaadista kobaca dhaqaalaha, hoos u dhigista saboolnimada, iyo wax ka qabashada dhawaalaha iyo heer nololeedka muwaadiniinta amma bulshada.
Qaybaha Muhiimka ah ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka waxa ka mid ah:
Siyaasadda Maaliyadda (Fiscal Policy): Tani waxay ay jihaysaa kharashka dawladda iyo go’aamada cashuuraha si loo helo dakhli dawladu ku hawlgasho. Inkastoo horumaro fiican laga gaadhay dakhli ururinta iyo casriyeyntooda, haddana waxa jira in dakhli badan inagaga lumo cashuuro badan oon la qaadin nidaamka cashuur-bixinta oo u baahan in dib-u-habayn lagu
Nidaamka dakhli ee dawladu waxa uu sabab u noqon karaa sicir-barar iyo kharashaad iyo dakhliga oo kala bata, taasina ay sabab u noqoto dib u dhac dhaqaale. Cashuurta oo shacabka la gu kordhiyaa iyadoo aan wax sabab ah amma sharci loo marina waa dhib shacabka culays ki noqota.
Siyaasadda Lacagta (Monetory Policy): Siyaasadan waxa lagu maamulaa amma xakameeyaa dhigaalka lacagta iyo heerka dulsaarka si loo maareeyo sicir-bararka iyo horumarinta xasilloonida dhaqaalaha. Bangiyada dhexe, sida Bandhigaga Kaydka lacagta dawladda, ayaa masuul ka ah. Siyaasadan caqabado badan baa inaga haysta oo sicir-bararka waa mid shacabka Somaliland muddo badan la soo tabcansanayeen, rajana ka waba in ay mar uun helaan xukuumad wax ka qabata oo siyaasadan dejisa. Dawladdu awaamiirta jaangoynta isku beddelka way soo saarta, balse waxa lacagta maamula ganacsato isku beddelkeeda ka shaqaysata oo tooda ku socda, taasina ay keento in maciishadunku qaaliyawdonshacabka.
Waxa suuqyadda Somaliland dhaqan ka noqday in shaygu haddii uu qaaliyoobo aanu halka ka soo noqon wax ku kordha mooyaane.
Siyaasadda Ganacsiga (Trade Policy): siyaadasan waxa ay ka dhasha amma la ratibma waxay shuruuc iyo xeer-nidaamiyaal ku astaysan nidaamka ganacsiga caalamiga ah, oo ay ku jiraan canshuuraha, kootada, iyo heshiisyada ganacsiga. Siyaasadaha ganacsigu waxay saamayn ku yeelan karaan isu-socodka badeecadaha iyo adeegyada u dhexeeya waddamada, taasoo taabanaysa warshadaha dalka iyo macaamiisheeda.
Mudane madaxweyne, siyaasadda hadda jirtaa maaha mid dhiirigelisa muwaadiniinta dalka maalgashaday ee warshadaha ka hirgeliyey, sababtoo ah waxa niyad-jehiya badeecado kale oo dibada kaga yimaada, tayo iyo qiima ahaana ka liita. Waxa ay u baahan tahay in qorshe laga yeesho dhiirigelinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.
Siyaasadda Warshadaha (Industrial Policy): ujeedadeedu waa in lagu hormariyo warshado gaar ah oo qayb muhiima ka qaata horumarinta dhaqaalaha, sida aan kor ku soo xusnayna dhiirgelin ma helaan warshadlayda dalkiu. Tusaale ahaan, kaabis iyo daryeel dawladda ka ma helaan amma canshuur dhimis iyo dhiirigelin kale ba, iska baa daa ee lagama xakameeyo badeecadaha dibada inooga imaanaya.
Siyaasadda Maalgashiga (Investment Policy): waxa ay keenta ama dhiirgelisaa in dalka ay ku soo higsadaan maalgashadaya maxali iyo kuwo shisheeyo. Waxa keenta arrintan in dawladdu maalgashadayaashe ajeniba ah ku soo jiidan karaan sida cashuur-dhaaf loo smeeyo ama xeerar la fududeeyey, si loo horumariyo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha.
Siyaasadda Bulshada (Social Policy): waxay wax ay qabanaysaa oo lagula tacaala wax ka qabashada arrimaha bulshada sida saboolnimada, sinnaan la’aanta, iyo daryeelka caafimaadka. Dawladdu waxa laga yaabaa inay hirgaliso barnaamijyo bulsho, sida caydh-bixin ama badbaadada bulshada, si ay u wanaajiyaan wanaagga muwaadiniintooda. Siyaasaddana waxa ay qayb ka noqotaa taageerada nugulka iyo abuurida barnaamijyo dhaqaale oo bulshada saboolka lagu kobcinaayo, waana caqabad Somaliland tabayso.
Hababka Istiraatiijiga ah ee Horumarinta Dhaqaalaha:
Kobaca Ku Jiheysan Dhoofinta (Export-oriented Growth) : Istaraatiijiyadani waxay awoodda saareysaa kordhinta dhoofinta wax-soo-saarka Somaliland u gaarka ah sida xoolaha nool, kalluunka amma fooxa. Waxa ay u baahan tahay in shacabka lagu dhiirigeliyo in ay wax-soo-saar la yimadaan, kadibna wadamada jaarka iyo meel kasta oo agabkeena u baahan loo dhoofiyo si loo abuuro kobac dhaqaale. Waxa kale oo loo baahan yahay in la maalgashado kaabayaasha dhaqaale, waxbarashada- loo qaabeeyo mid wax-soo-saarka dhiirigelinaysa-iyo tignoolajiyada laga faa’iidaystosi aynu u horumarino in xidhiidh dhaqaale oo dhanka dhoofinta la yeelano wadamada aan saxiibka nahay.
tartankooda dhoofinta.
Warshadaaha si looga maarmo soo Dejinta (Import Substitution Industralization(ISI): Habkan amma istaraatijiyadan waxa uu ujeedkeedu yahay in la yareeyo ku tiirsanaanta badeecadaha la soo dejiyo amma dibadaga inooga yimaada, iyada oo la horumarinayo warshadaha gudaha. Tusaale ahaan, findhicilka ugu hooseeya oo waxa uu inpoga yimaada dibada. Dawladuhu waxa ay ku xasiliyaan oo ku dhiirigeliyaan warshadaha gudaha cashuur dhimis iyo kaalmooyin dheerada la diiyo si ay u dhiirigeliyaan wax soo saarka gudaha. loogana maarmo ku tiirsanaanta.
Hagaajinta iyo sal-u-dhigista siyaasadaha Dhaqaale (Structural Adjustment): istaraatijiyadan waxay ku lug leedahay dib-u-habaynta siyaasadaha dhaqaalaha iyo hay’adaha dawliga ah ee arrinta ku lug leh si loo horumariyo waxtarka iyo tartanka xorta ah ee dhaqaale. Barnaamijyada hagaajinta iyo dib-u-habaynta qaabdhismeedku hay’adaha dawliga iyo siyaasadaha dhaqaale waxay inta badan ka mid yihiin cabbirada sida gaar-ahaaneed looga maqiyaas qaato heerka horumar ee dal, iyadoo mar wal ba lala eegaayo sharci-dejinta, iyo anshaxa hay’adaha maaliyadda ka muuqda.
Horumar waara (Sustainable Development)- Istaraajiyadan waxa ay la shaqaynaysaa istaraatijiyada horumar waara ee heer caalami ah oo qodobada ay ka kooban tahay maqiyaasyadooda la qaadanayo. Waxa kale oo ay xooga saaraysaa isu dheelli tirka kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka iyo sinnaanta bulshada. Sidoo kale, waxa ay ujeedadoodu tahay in la hubiyo in jiilalka mustaqbalka ay helaan kheyraadka iyo fursadaha ay u baahan yihiin si ay u koraan.
Waan garwaaqsanahau in hirgelinta siyaasadaha iyo istaraatiijiyada dhaqaale ay ku xidhan yihiin arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan kheyraadka waddan, qaab-dhismeedka dhaqaalaha, nidaamka siyaasadeed, iyo yoolalka horumarineed. Siyaasadaha dhaqaale ee waxtarka leh waxay u baahan yihiin qorshe taxaddar leh, hirgelin, iyo kormeer si loo gaaro natiijooyinka la rabo. Sidaa darteed, waxa aynu haysana fursado aad dib ugu eegtaan arrimahaas.
Qaybaheena dambe waxa aan tallo kaga bixin doonaa
1. Siyaasadda Difaaca
2. Siyaasadda Arrimaha Dibadda
3. Ka faa’iidaysiga tiknoajiyadda ee dhanka hanaanka dawliga
4. La-dagaallanka Musuqmaasuqa
5. Hoggaaminta aan ka rajaynayno xukuumadda xisbiga Wadda…