Siyaasadda Difaaca (Defense Policy)
Hababka siyaasadda gaashaandhigga amma difaaca (Defense Policy Approaches) dal wal ba waxa uu leeyahay xeelad u qarsoodn oo uu qaato, si uu ugu ilaaliyo danaha amniga qarankiisa. Waana lagu kala duwan yahay, sababtoo ah waxa ay ku xidhan tahay tasariikhda iyo qaab-dhismeedka juquraafi ee dalka, awoodda dhaqaale iyo xoogga millatari ee wadanka.
Waxa ka mid ah hababka siyaasadda difaaca ee ugu caansan:
1. Niyad-jebinta Cadawga (Deterrence)
Habkan waxa mabda’ u ah diyaarinta istaraatijiyad difaac oo lagu niyad-jebinaayo cadawga soo weerari kara dalka, iyadoo la muujinayo diyaargaraw, karti iyo rabitaanka in lagu bixiyo kharashyo la taaban karo.
Waxa istaraajiyad u ah Xeeladaha:
u diyaargarawga iska difaaca hubka culus: ka diyaargarawga halista hubka culus si looga hortago weerari dalka lagu soo wajihi karo.
Diyaar garawga Caadiga ah (Conventional Deterense)- diyaarinta ciidan xooggan si ay uga hortagto weerarro millateri oo dalkunwajaho.
Difaaca Danaha ku xidhan (Extended Deterense): in dalkunyeesho xulafo ay dhanka difaaca ka midaysan yihiin amma Ilaalinta xulafo ay isla la-hawlgalaan, iyada oo mar wal ba la badsanayo xulafada millateri.
2. Difaaca Guud ee Dalka (Defense): waxa mabda’ u ah Ilaalinta dhulka iyo madax-banaanida dalka iyadoo loo marayo hab ciidan, iyadoo la dhisaayo, lana horumarinaayo qorsheyaasha iyo istaratijiyadaha:
* Difaaca dhulalka (Territorial Defense): qorshebxooggan in laga yeesho difaaca xuduudaha dalka iyo kaabayaasha muhiimka, lana diyaariyo ciidan qalabkeeda haysta.
Difaaca hawada (Air Defense): Ilaalinta xuduud haweedka dalka. Carqaladana waa mid ina haysata oo in la sugo xuduud haweedka Somaliland ilaa hadda waa qorshe u baahan hirgelintiisa.
Difaaca Goobo ka Cagaaran Isticmaalka (Anti-access/area denial (A2/AD))- habkan waa nidaam millateri oo ujeedkeedu yahay in la xakameeyo gelista amma isticmaalka meelo gaar ah, lagana ilaaliyo in cadaw galo amma ku soo ruqaansado.
Habkan waxa mar wal ba lagaga ilaaliyaa cadaw inuu soo gaadho goobo haddii ay galaan khatar ku keeni kara dalka
Waxa qasab ah in habkan (A2/AD) uu ka koobnaadp dhisid war-doon (intelligence), indhaha ku hayn hadday tahay in kamaradaha casriga lagu xidho amma qalabka digniinta bixiya (Surveilance) iyo in la diyaariuo hubkii amma qalabkii lagu difaaci lahaa ( reconnaissance (ISR).
Habka waxa uu u baahan yahay tiknoolajiyad iyo cidii aqoonta u lahayd in la diyaariyo.
3.Isticmaalka Diblomaasiyadda: waa in siyaasadda difaaca ay mar wal ba ku jirto isticmaalka habab dibloomasiyaded oo mar wal ba looga taxadiro dagaallada tooska ah. Habkana waxa uu keenayaa in la helo isbaahaysi. Waa in la dhisaa khubaro millateri (milatery attaché) safaaradaha ka hawlgala oo la socda arrimaha difaac ee Somaliland.
Abuurida Iskaashiga Caalamiga ah dhanka difaaca: Caalamku waa xaafad kaliya oo waxa lagu badbaada sida aad iskashi iyo saxiibo dhanka difaaca ah unueelato, haddii ah xog iswqydaarsi iyo caawi ma ba noqoto. Marka waanin la helo cid aan isku dan nahay oo arrimaha aan iska kaashano.
Abuurida Dhaqaale difaac (.Economic Statecraft): Waa in laga fikirl hab dhaqaale oo ahnu ku soo jiidan karno iskaashi difaac amma aynu dal awood leh ugu kasban karno inuu ku dhiirado iskaashiga difaac. Waxa ay noqon karta agab dhulkeena laga heli oo difaaca ku wacan amma goobo istaraatijiyad oo tobabaro lagu qaadan karo.
Cunaqabatayn: Ku soo rogida ganaax dhaqaale oo cadaawayaasha ah si loogu cadaadiyo inay beddelaan dhaqankooda.
Gargaarka iyo Maalgashiga: Bixinta gargaarka iyo maalgashiga xulafada iyo la-hawlgalayaasha si ay u xoojiyaan dhaqaalahooda iyo ammaankooda.
Habkanloo wajahayo difaaca waxa ay ku xidhan duruufaha gaarka ah ee waddanku leeyahay iyo nooca khataraha uu wajahayo. Iyadoo mar kasta lagu tashanaayo in siyaasadda difaaca si joogto ah u kobcayso, kana jawaabayso isbeddelka dhaqdhaqaaqa juqraafiyeed iyo horumarka tignoolajiyada ee aynu gaadhno.
Waxa intaa dheer in hay’adaha difaaca iyo ciidanka mar wal ba la ga dhiso aqoonta casriga ah iyo noloshooda aasaasiga ah.
Waxa taas barbar socota dhisida ambiga gudaha, sida booliska iyo dabmi baadhista.
Siyaasadda amniga waxa ay qayb qaadataa badbaadada iyo amniga bulshada. Mar wal baba waxa jaangooya baahiyaha gaarka ah iyo caqabadaha dalka u gaarka ah, laakiin istaraatijiyadaha caanka ah qaarkood waxaa ka mid ah:
Dhisida Rayidaynta Booliska (Community Policing): Habkan waxa uu horseedayaa dhisidda kalsoonida iyo iskaashiga u dhexeeya sharci fulinta iyo bulshada. Haddii booliska iyo bulshadunisku xidhmaan waxa imaanaysa la shaqaynta ururada bulshada, dugsiyada, iyo ganacsiyada si looga hortago dembiyada.
Waxa kale oo barbar socda wacyigelin lagu barasrujinaayo shacabka iyo laamaha amnigu in ay wada shaqeeyaan iyo Ku dhiirigelinta dadka deegaanka inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.
Abuurida Siyaasadda Kahortagga Dembiyada: Dhaqangelinta tallaabooyin lagu dhimayo dembiyada iyo khalkhalka sida, abuurid hannaan xog-raadis, ciidan u u tababaran iyo barnaamijyo lagu qiimaynaayo heerka dambiyada iyo waxyaabaha sababay iyo bixinta barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro ku saabsan da’yarta khatarta u ah dembiyada iyo rabshadaha.
Waxa kale oo muhiim ahka faa’iidaysiga tignoolajiyada si loo horumariyo amniga.
*Isticmaalka kamaradaha (Sutviellance Camera) si ay ula socdaan meelaha caamka ah.
Nidaamka Digniin (Alarm System): Ku rakibida nidaamyada digniinha guryaha iyo meheradaha si loola socdo xaaladooda amni.
Diyaarinta barnaamijyo mobile (Mobile apps) oo bulshadu ku soo gudbin karto dambiyada dhacaya ama fududaynayanin booliska iyo bulshada ay isku xidhaan.
Waana in la abuuro hannaan iskaashi oo hay’adaha amniga isku xidha amma la xoojiyo.
Si ambiga gudda loo xoojiyo waa in iskaashi caalami ah lala yeesho dalalka kale si la iskaga gaashado dambiyada abaabulan amma isku xidhan
Waa muhiim ah in la ogaado in waxtarka hababka siyaasadda amniga maxalliga ah ay ku xiran tahay dhowr arrimood, oo ay ku jiraan heerka ka qaybgalka bulshada, tayada sharci fulinta, iyo helitaanka dhaqaale. Iyadoo la fulinayo hab isku dhafan oo i (Public-Private Partnership) oo dhinaca amniga ah, taasina waxa ay keenaysa in bulsho ahaan aynu abuuri karno degaan ammaan oo isku xidhan…. Lasoco qaybaha dambe oo aynu tallo kaga dhiibam doono Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Ka faa’iidaysiga tiknoajiyadda ee dhanka hanaanka dawliga, La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Hoggaaminta…