==============================
Siyaasadda Arrimaha Dibadda: Aqoonsi Raadinta
Ictiraaf raadinta Somaliland waa arrin aad u kakan oo 33 sanno dedaaladeeda lagu jiray, aadna caan uga ah dooda siyaasadda Caalamiga ah iyo madalaha lagu jaangooyo xidhiidhka caalamiga ah. Laga soo bilaabo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxa aynu dhisanay nidaam dawli ah oo shuruudihii dawladnimo laga rabay buucisay, balse ma helin aqoonsi rasmi ah oo ay ka hesho beesha caalamka, ilaa haddana caalamka maamul ahaan buu inoo aqoonsan yahay (de facto state), balse sharci ahaan uma jirno (Dejure), taasina waxa ay inagu keentay caqabado badan oo keenay in aynu ku wayno xaq badan oo aynu dunidan ku lahayn.
Aragtiyaha Jira ee siyaasi Sidee bay u Sameeyaan Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland?
Waxa aynu yarana dul istaagi aragtiyaha jira ee dawladaha amma siyaasiyiinta arrimaha siyaasiga, dibloomaasi amma xidhiidhada caalamiga ah jaamgooyaa ku saleeyaan go’aamadooda:
1. Aragtida Xaqiiqa doonka ku dhisan (Realism)
Marka loo eego aragtidan “Realism” oo ka mid ah aragtiyaga amma nadariyadaha siyaasadaga arrimaha dibada waa mid ay khubarada siyaasadaha caalamiga ah falanqeeyaan ee aragtidan ku arooraa ku aaminsan yihiin in aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland ay dabsr ku yihiin amma xaddidaysondanaha istiraatijiyadeed ee quwadaha waaweyn iyo kuwa gobolka., gaar ahaan dooda ku jahaysan doorka caalamiga ah ee ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ah mabda’a keena in Soonaaliya kaliya lagu aqoonsan yahay shuruucda caalamiga ah, taasina waxa ay meesha ka saartaa madax-bannaanida Somaliland. Siyaasiyiinta amma hoggaamiyayaasha aragtidan aaminsan waxay ku doodaan in dawladuhu ay danahooda ka hormariyaan wax kasta, haddii wax danahooda khilaafaya sharci ba ahaadaane yimaadana waa ay iska dhego mariyaa. Waxa xaqiiqo ah in dawladdo jaarka ah macaamil dawladnimo inala leeyihiin. Tusaale ahaan, Jilayaasha gobolka sida Itoobiya iyo Jabuuti waxay ilaashadaan xidhiidh aan toos ahayn oo ay la leeyihiin Somaliland, laakiin waxa inay ka ka maquurtaan aqoonsiga rasmiga ah si ay uga fogaadaan inay carqaladeeyaan dheelitirka awoodeed ee gobolka ama ka soo horjeeda Soomaaliya. Waxa tusaale nool u ah is-afgarqdja Somaliland iyo Itoobiya wada galeen dhawaan ee dhanka badda, taasina ay keentay kacdoono badan in Somaliland ku soo wajahdaan.
2. Aragtida “Liberalism” ku dhisan:
Aragtidan Libaraalka cid kastoo siyaasadooda Arrimaha Dibaddu ku salaysan tahay waxa ay ahmiyada saaraan iskaashiga caalamiga ah, maamulka dimuqraadiga ah, iyo sharcinimada hay’adaha. Ku-dhaqanka Somaliland ee mabaadi’da dimuqraadiga ah, sida qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo ilaalinta xasiloonida gudaha, waxay aragti ahaan xoojin kartaa qadiyadeeda aqoonsi. Balse, waxa waxa aan yagleelayn nidaam caalami ah lagu aqoonsanayo gobollada go’ay waxaana koo arkaa in ay abuurayso caqabado caalami ah. Tusaale ahaan, Somaliland waxa ay hay’adaha caalamiga ah ku ammaanaan dawladnimada iyo xasilloonida, laakiin nidaamka siyaasigabah ee aragtidan liberaaliga oo siyaasadda caalamka inteeda badan majaraha u haya, waxa ay ku doodaan in aqoonsiga ay caqabad ku tahay in aanay jirin nidaam iyo qaab-dhismeedka dhinacyo badan leh oo lagu qaabilo xaaladahan oo kale marka ay xidhiidhada caalamiga ah tahay.
3. Aragtida “Constructivism” ku dhisan
Aragtidan oo asaljeesu yahay in dadku aqoonta iyagu abuuraan oo aanay tilmaan wax ku baran, balse ficadooda iyo xidhiidhadooda cilmigu ka dhasho. Waxa ay kankid tahay aragtiyaga caalamka ka jira ee ay aaminsan yihiin hoggaamiyayaal badan, saamayna ku leh ficilada ay wax ku aqoknsasaan.
Xaqiiqada iyo dhacdooyinka guuleed ee soyaalja Somaliland ee ah inay taariikh ahaan ka duwan tahay Soomaaliya iyo sida ay ugu guulaysatau dhisida dawladnimada wax ku oolka ah iyo aqoonsiga raadintweeda waxa ay abuurtay aragti ah in dadaalka ay ugu jirto dib-u-qaabaynta xeerarka caalamiga ah ee ku xeeran dawladnimada. Si kastaba ha ahaatee, madalaha caalamiga ah oo uu ugu horreeyo Midowga Afrika, wuxuu ka shaqeeyaa ka soo horjeeda aqoonsiga amma in Somaliland la aqoonsado, sababtoo ah dal kasta oo Afrika ah cid baa doonaysa in ay ka goosato, nina dhuxul hoostiisa taal isku shidi maayo. Tusaale ahaan: Dadaalka dibloomasiyadeed ee Somaliland waxa ay inta badan waxa inta samayn ku yeesha aragtiyahaas, halka Somaliland ahaana aan dedaal xoogga lagu bixin kasbashada cida caqabada inagu ah
4. Aragtida ku dhisan Soyaalka Gumeysiga (Postcolonialism)
Aragtidan waxa ay ku noqonaysaa hannaankii ismaamul ee gumaystuhu u qaabeeyey dhukalkuu guumaystay, waxaana marka siyaasadda caalamiga ah la joogo koo cuskadaa sida umad marka doonaysa in ay la soo noqdaan dawladnimadii ay ka xoraysteen guumaystaha.
Xuduudaha Somaliland waxa ay la jaan-qaadayaan xuduudihii gumaysigii hore ee British Somaliland, taas oo meesha ka baxday markii ay la midowday Soomaaliyadii Talyaaniga 1960. Laakiin, waxa cid kasta oo Somaliland aan ogolayn aqoonsigeeda ku doodaa “Sugida, ixtiraamida iyo ilaalinta xuduud dhuleedka Soonaaliya, taasina waxa ay ka tarjumayso nidaamka caalamiga ah ee eexda ku salaysan ee dhanka ah dawladaha Afrikaanka ah ee ku doodaya caddaynmaha madaxbannaanida ka baxsan qaab-dhismeedka gumeysiga. Tusaale ahaan, Iska caabinta Midowga Afrika ee aqoonsiga Somaliland waxay ka salka ku haysaa in u quus-gooyaa dhaqdhaqaaqyada kale ee gooni-u-goosadka ah ee Afrika oo ay u arkaan in ay caqabad ku yihiin xuduudihii gumeysiga.
5. Aragtida Waaqiciga ku dhisan “Pragmatism”
Aragtidan waxa ay ku salaysan tahay in is-afgaradku ku filan yahay isfahanka. Wadamo badan baanay siyaasadooda caalamku ku salaysan tahay.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalal badan ayaa qaata hab kan marka ayninala macaamilayaan oo si aan rasmi ahayn ula macaamila Somaliland iyaga oo aan siin aqoonsi. Waddamada sida UK, UAE, Turkey waxa ay xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale la leeyihiin Somaliland, iyaga aan ina aqoonsan, meel na iska dhiga shuruucda caalamiga ah ee lagu dhaqo macaanilka dawladaha. Tusaale: Imaaraadku waxa uu maalgashi badan ku sameeyay dekedda Berbera ee Somaliland, isaga oo u isticmaalaya goob istaraatijiyad ah, taas oo muujinaysa sida danaha dhaqaale iyo amni ay inta badan uga gudbaan mansabyada diblomaasiyadeed ee rasmiga ah.
Waana doorasho inoo taal in habkan aan ka faa’iidaysano oo inta aan awood u helayno aqoonsiga ku sii horumarnl.
Caqabadaha iyo Fursadaha Somaliland
Caqabadaha
Dhaqdhaqyada Gobolka Geeska Afrika (Regional Dynamics): Diidmada Soomaaliya ee aqoonsiga Somaliland waa caqabad weyn, maadaama ay Soomaaliya ku doodayso inay matasho dhammaan dhulalka ku jira xuduudaheeda gumeysiga.
Mawqifka Midowga Afrika (African Union’s Position): Midowga Afrika waxa uu ilaaliyaa mabda’a wadajirka dhuleed, iyaga oo ka baqaya in ay saamayn ku yeeshaan dhaqdhaqaaqyada kale ee gooni-goosadka ah ee qaaradda Afrika ka socda.
Xasilooni-siyaasadeed (Geopolitical Stability): Is-bedbedelka Geeska Afrika, oo ay ku jiraan iskahorimaadyada Itoobiya, Suudaan, iyo Soomaaliya, ayaa adkeynaya in Somaliland ay aqoonsi hesho.
Fursado
Dawladnimada Somaliland:: Dawladnimada dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xasilloonida ka jirta ee shacabkeedu codkooda wax ku doortaan, sharciga iyo kala dambaynta waxay si weyn uga duwan tahay xaaladda siyaasi ee Somaliya ka jirta, taasoo fududaynaysa kiiska aqoosi-raadis ee Somaliland, haddii si fiican loo iibgeeyo, istaraatijas fiicana lava yeesho, sababtoo ah haddii Somaliya dawlad ka hanaqaado waxa halis gakaya Somalikand aqoonsigeeda.
Juquraafiyadda Somaliland oo ah Goobta Istaraatiijiya (STrategic Location): Somaliland oo ku taal Gacanka Cadmeed iyo gacan ku haynta dekedda Berbera ee Imaraadka ayaa Somaliland ka dhigaysa shuraako qiimo leh oo dalalka doonaya inay kor u qaadaan ganacsiga iyo ammaanka gobolka ku soo hirtaan. Goobo badan oo Somaliland haysato waa meelo isha lagu hayo oo noqon kara kaadh Somaliland isticmaali karto, haddii si qorshaysan loo wajaho.
Doorka Qurba-joogta ee Iib-geynta Qadiyadsa: Qurba-jooga Somaliland ayaa kaalin mug leh ka qaadata u ololaynta ictiraaf raadinta Somaliland, waxaanay qaar badan awood siyaasi io mid dhaqaale ba ku leyihiin Caalamka, haddii isku xidh fiican loo sameeyana waa fursad lagu guulaysan karo.
Ictiraaf-raadinta Somaliland waxa qaabayn kara sida loo wajaho siyaasadda caalamka, loona sameeyo siyaasad arrimo dibadeed oo qorshe istaraatijayeed laga yeesho…La soco qaybaha dambe ee aynu talo kaga dhiiban doono ka faa’iidaysiga tiknoajiyadda ee dhanka hanaanka dawliga, la-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo hoggaamintaynu ka rabno xukuumadda xishiga WADDANI…