Mudane Madaxweyne Talo: Qaybta 9aad W/Q:(Ibrahim Khadar )

9️⃣. Ka faa’iidaysiga tiknoajiyadda ee dhanka hanaanka dawliga
Nidaamka “E-Governance” (maamulka elektarooniga ah) waxa uu ka mid noqday dawladnimada, hadday noqoto dakhli ururin, wax—soo-saar. Waxbarasho, siyaasad iyo xog kaydin ba. Waxa uu ahmiyad weyn ka qaata fududaynta adeegyada iyo daah-furnaanta hannaanka maamul, waxaana la isma qaatay inuu musuqmaasuqa hoos-u-dhigo, maadaama adeegyada la qabanaayo si toos ah loo wada arki karo. Tusaale ahaan, nidaamka cashuur qabashada ee e-tax waxa lagu ogaaday in aan wax lagu lunsan karin.
➡️Faa’iidada uu inoo leeyahay E-Bixinta Governance-ku
1️⃣Fududeynta Helitaanka Adeegyada Dowliga ah
Muwaadiniinta waxay adeegyada dowliga ah qaar badan oo helideedu waqti badan ka qaadato si fudud ugu heli karaan internet-ka, sida bixinta lacagaha canshuuraha, diiwaangelinta ruqsadaha ganacsi amma adeeg, iyo codsiyada adeegyada bulshada ee kale. Waxa kale oo muhiim ah in nidaamka caddaaladda laga xoojiyo adeegsiga dhijitaalka (e-court System) waxa kale oo arrintan fududaynaysaa in muwaadinka aan soo gaadhi karin meelaha adeegyada dawladda laga bixiyo inuu si fudud meesha uu doona ku dareemi karo in xaquuqdiisa muwaadinnimo loo sugay. Sidoo kale, maalgashiga caalamiga ah waa waxyaabo aan ku soo jiidan karno.
2️⃣Yareynta Kharashaadka iyo Waqtiga
E-governance wuxuu meesha ka saarayaa amma culayska ka yaraynayaa xafiisyada dawladda ee muwaadiniintu kuyuu u galaan amma waqti badan kaga lumo helida adeegga. Dalkana waxa ay ka badbaaniyaysaa in wax-soo-saariu ku yaraado, sababtoo ah hal muwaadin oo waqtigu ka lumo waxa ay caqabad ku noqonaysaa hal maalin oo uu wax-soo-saar ah.
Sidoo kale waxa ay inoo kaydinausaa kharash badan oo dabaacadaha dawladda kaga bixi lahaa.
3️⃣Kor u Qaadidda Hufnaanta iyo Daahfurnaanta
Tiknolojiyadda dijitaalka ah waxay fududeysaa maareynta xogta, dabagalka hawlaha amma hantidhawrka iyo yareynta musuqmaasuqa.
Muwaadiniintu waxay si fudud ula socdaan adeegyada dowladeed, iyagoo helaya macluumaadka ay u baahan yihiin waqti iyo meel kasta.
4️⃣Kor u Qaadista Ka-qaybgalka Dadweynaha (Public Participation)
Tiknolojiyadda elektarooniga ah waxay u oggolaaneysaa muwaadiniinta inay ku lug yeeshaan talo-soojeedinta iyo go’aan-qaadashada dowliga ah (e-participation).
Abuurida tiknoolajiyad shacabka u fududaynaysa in ay faallo amma tallo ka dhiibtaan waxa ay tabayaan waxay keenaysaa in hay’adaha dawladda iyo muwaadiniintu xogogaal isu noqdaan.
5️⃣La Dagaallanka Musuqmaasuqa
E-governance waxay yareysaa xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya dadka iyo shaqaalaha dowliga ah, taasoo hoos u dhigaysa fursadaha ay uu ku dhici karo musuqmaasuqu.
Hawl-qabad kasta oo nidaamkan lagu filiuo waa ku tix-raac leh oo la hubin karo macaamilaadka dhacay.
6️⃣Kor u Qaadista Horumarka Dhaqaalaha
Fududeynta nidaamka dowladeed waxay dhiirrigelisaa ganacsiga iyo maalgashiga maadaama ay meesha ka baxdo nidaam xafiseedka kala sarraynta ee waqtigu ku lumo (Bureaucracy) .
Ganacsatada iyo shirkadaha waxay si fudud leh u heli karaan rukhsadaha iyo oggolaanshaha ay u baahan yihiin in ay ganacsigooda ku fuliyaan.
7️⃣Xoojinta Nabadgelyada iyo Maareynta Masiibooyinka Dabiiciga ah
E-governance wuxuu fududeeyaa maareynta xaaladaha degdegga ah, sida musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo la adeegsanayo xog ururin iyo cilmi-baadhis ku saleysan tiknolojiyadda. Tusaale ahaan, abuurida nidaam digniin u dira shacabka oo uga diga khataraha amma masiibooyinka dabiiciga.
E-governance waxa uu inoo sahlayaa sugida amniga, waxaannu fududaynayaa ka hortaga dambiyadda iyo in shacabku dareemaan amni iyo nabadgelo
8️⃣Xoojinta Isku xidhnaanta Dowlad-Goboleedyada iyo Hay’adaha
Nidaamka elektarooniga ah wuxuu fududeeyaa is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka ah ee heer qaran iyo heer gobol. Tani waxay horseedaysaa maamul isku xirnaan badan oo waxtar leh.
9️⃣Sugida Xogta Tiro-koobka iyo Xog-ururinta
E-governance wuxuu fududeeyaa ururinta iyo falanqaynta xogta bulshada, taasoo u sahlaysa dowladda inay gaadho go’aamo ku saleysan xog sugan oo lagu saleeyo adeegyada dawliga ah.
Waxa aan halkan ku soo qaadan karna wadamo iyo maamulo nidaamkan hirgeliyey oo astaan u noqday faa’iidasa e-governance, gaar ahaan waddamo badan oo Afrika ku yaalla ayaa horumar ka sameeyey hirgelinta e-governance, iyagoo adeegsanaya tiknolojiyada si ay u fududeeyaan adeegyada dowliga ah, u xoojiyaan maamul wanaagga, u fududeeyaanna helitaanka adeegyada dadweynaha.
1️⃣South Africa E-governance Initiative: Dowladda Koonfur Afrika waxay adeegyo badan ka dhigtau nidaamka dijitaal, iyadoo abuurtay Masalo dhigitaal ah (e-Government Portal). Sida: Diiwaangelinta shaqooyinka amma ruqsadaha kala duwan iuo codsashadooda, codsashada shahaadooyinka, iyo bixinta adeegyada bulshada sida daryeelka caafimaadka, marin-u-helida caddaaladsa (access to Justice), kaalmooyinka kale. lacagaha kaalmada.
2️⃣Ghana E-governance Initiative: Ghana waxay hirgelisay barnaamijyo ay ka mid yihiin Mashcuuraca maamulka dhigitaalka dawliga (e-Ghana Project) nidaamka isku xidhka maaliyada (Ghana Integrated Financial Management Information System (GIFMIS).
3️⃣Morocco E-governance Initiative: Morocco waxay hirgelisay nidaam dhigitaalka dawliga ah oo la yidhaa “e-Morocco Strategy”, oo lagu bixinayo adeegyo badan oo dowladeed.
4️⃣Kenya: Kenya waxa kanhirgalay nidaamka dhijitaalka dawliga ee u adeegida muwaadiniinta “E-governance Initiative: e-Citizen Platform” oo lagu fududeeyo adeegyo ay ka mid yihiin: diwaangeljnta dhalashada iyo guurka, ruqsadaha ganacsiga, shahaadooyinka darawalnimada, iyo bixinta cashuuraha. Waxa kale oo nidaamkan ku xidhan nidaamka lacagaha mobaylka (MPESA).
5️⃣Rwanda E-governance Initiative: Rwanda waxay noqotay hormuudka Afrika ee hirgelinta e-governance iyada oo adeegsatay barnaamijka ay la yidhaa “Irembo Portal”. Barnaamijkan waxa lagu bixiyaa in ka badan 100 adeeg dowladeed oo dijitaal ah, sida bixinta shahaadooyinka dhalashada, ruqsadha iwm.
6️⃣Mauritius E-governance Initiative: Mauritius waa mid ka mid ah dalalka ugu horreeya ee Afrika ka hirgeliyey e-governance. Waxay dhistay Mauritius e-Government Strategy oo lagu fuliyl adeegyada canshuuraha, ruqsad-bixinta, iyo maamulka ganacsiga. Muwaadiniinta waxaa loo hawl yareeyey inay marin u helaan adeegyada dowladda iyaga oo isticmaalaya internet-ka.
7️⃣Uganda E-governance Initiative: Uganda waxay hirgelisay madasha National Information Technology Authority (NITA-U) oo kor u qaadaysa adeegyada dijitaalka ah. Tusaale ahaan, adeegyo dowladeed oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta shahaadooyinka, bixinta canshuuraha, iyo ruqsadaha.
8️⃣. Tunisia E-governance Initiative: Tunisia waxay abuurtey barnaamijyo ay ka mid yihiin Tunisie Digitale 2020-kii oo ujeedkiisu yahay horumarinta maamulka dijitaalka ah, lagana helo adeeg kasta oo dhigitaalka lagu bixin karo.
➡️Somaliland meelo badan oo ay guul ka gaadhay digitaalka way jiraan, balse waa nidaam muwaadiniintu gaar u leeyihiin sida lacagta elektarooniga ah ee mobilada (e-mobile Money), tusaale Zaad amma E-Dahab, halka nidaamka dawliga ahna la bilaabay in cashuurta lagu qaado elektarooni ahaan (e-tax portal) iyo wali ba diiwaangelinta xogta shaqaalaha, kaadhka muwaadinka iyo cod-bixinta, balse waxa aan u baahanahau in la xoojiyo Wasaaradda Tignoolajiyada, lana sameeyo xarun farsamo oo e-governance u gaar hay’adaha ambiga iyo caddaaladduna baahi weyn u qabaan.
🔂Caqabadaha E-Governance-ka ee Somaliland haysta
➡️Helitaanka Internet u gaar ah dawladda si xogtu u sugnaato iyo gaadhsiinta degannada go’anaha ah.
➡️Aqoonta tiknoolajiyada ee shaqaalaga dawladda oo xadidan, taasina ay caqabad ku noqoto adeegsiga tiknoolajiyada, waxaana aad caan uga ah xafiisyada dawliga ah nidaamka waraaqaha (Manual).
➡️Aqoonta kooban waxa ay keenta caqabad ah in xog badan oo xasaasi ah si fudud loojabsan kari amma meesha ay ka baxdo asturnaanta xogtu, taasina ay fash ku keento nidaamka dawliga ah. Waxa kale oo ay keentaa in dawladdu awoodi waydo faaf-reebka xog badan oo amniga guud ee qaranka khatar ku ah.
➡️Caqabad Dhaqaale: caqabada dhaqaale waa mid ina hor taagan horumaeo badan. Tusaale ahaan, awood uma lihin helida qalab badan oo inoo suuragelin kara nidaamka e-governance.
➡️Aqoonsi La’aan: aqoonsi la’aanta 33-ka sanno aan la dala dhacaynay waxa ka mid yahay waxyaabaha inaga hortaagan in dunida xidhiidhadeenu inoo furmaan. Dhinaca e-governance, waxa uu caqabad ku yahay baananka, helitaanka god internadeed (portal) inoo gaar ah, koodhadhka telefoonnada oo Somaliland u gaar ah iwn.
➡️Waxa loo baahan yahay in istaraatijiyad xoogga iyo siyaasaddo laga yeesho nidaamkan, iyadoo Wasaaradda Tiknoolajiyada loo xilsaaraya in ay daraasad aasaas u ah fulinta e-governance ka samayso. Tusaale ahaan, caqabada u yar ee inaga haysta hirgelin la’aanga nidaamkan waxa u horreeya e-mails hay’adaha dawladdu isticmaasho oon ahayn mid dawladda u gaar ah oo cinwaanka shakhsiga ah ayey saraakiisha amma masuuliyiintu isticmaalaan, halkaas a xog iyo xidhoodhk badan baa ku luma, masuulka xilka la wareegana meel cusub buu ka soo bilaaba. Marsr badan waa la isku dayey balse waa hirgeli wayday, taasina waa mid u baahan dabagal iyo in si cilmiyeysan loo wajaho…. La soco qaybta u dambaysa ee aynu tali kaga dhiiban doono hoggaaminta xisbiga WADDANI aan ka rajaynayno amma uga baahanahay….
Qore:Ibrahim khadar
Bandhige@gmail.com