Mudane Masaxweyne Talo: Qaybta 10aad ..W/Q:(Ibrahim Khadar)

🔟Hoggaaminta aan Rabno
Qormadii 2aad waxa aan tusaale u soo qaatay hoggaamiye Lee Kuan oo Singapore taariikhdeeda beddelay, isagoo hoggaamintiisu sabab u noqotay in Singapore ka kacdo saboolnimo oo ka kid noqoto waddamada dhaqaalaha adduunka jaamgooya, xaaladaha ay soo martay iyo Somaliland sooyaalkeedu si bay isugu soo dhacayaan, waana sababta ay habboon tahay in hoggaamiye kasta oo doonaya inuu dhacda Singapore wax ka barta ay tahay inuu u akhriyo. Waxa hubaal ah haddii aan hoggaamiyuhu wax ba alkhriyin in ay adag tahay in hoggaamintiisu waaqici noqoto.
Lee Kuan Yew, oo ahaa Ra’iisal-wasaarihii u horreeyey ee Singapore, waxa taariikhdu u diiwaangelisay inuu dalkiisa ka badbaadiyo saboolnimo ba’an iyo guumayste, kana dhiqi xarun dhaqaale oo lagu jaamgooyo masayrja dhaqaalaha adduunka.
Hoggaamntii iyo aragtiyihii uu qorshaheeda la yimidnwaxa ay hirseed u noqdeen horumarka dhaqaale ee dalka Singapore maanta ku naaloonayo.
Siyaasadihii uu qaatay iyo tallaabooyinkii uu ku abaaray wax u qabashada ummadiisa waxa ka kid ahaa
🫵Horumarinta Dhaqaalaha:
➡️Soo jiidashada Maalgashiga Shisheeye: Lee Kuan Yew wuxuu abuuray qorsheya uu ku soo jiidanaayo maalgashiga shisheeye, isagoo abuuray jawi ganacsi oo saaxiibtinimo leh dhiirigelinaayana maalgashadayaasha, waxa uu cashuur dhaaf amma dhimis u sameeyey cid kasta oo wax uun gashanaysa dalka, waxa uu tusay sida sharci iyo siyaasi ahaan ba ay uga go’an tahay ilaalinta hantida maalgashadayaasha.
➡️Horumarinta Warshadaha: Waxa uu awoodda saaray horumarinta warshado casri ah, gaar ahaan waxa uu xukuumadiisanku amray in ay la yimadaan hal-abuur dhanka wax-soo-saarka ah gaar ah, samaynta maraakiibta dalku leeyahay iyo abuurida adeegyada maaliyadeed oo dalka dakhligiisa kobciya.
➡️Horumarinta Waxbarashada iyo Xirfadaha: Maalgelinta waxbarashada iyo xirfadaha ayey mudnaanta siiyeen. Dadka reer Singapore waxaa lagu dhiirigeliyay inay helaan xirfado looga baahan yahay suuqa caalamiga ah, waxaana meesha laga saaray waxbarashadii guumaystaha ee maskaxdooda lagu sumaynaayey, taasina waxa ay keentay in Singapore dhaqaalaheeda kornu kaco oo qof kasta yeesho xirfad wax-soo-saar.
➡️Hoggaan adag: Lee Kuan Yew wuxuu ahaa hogaamiye adag oo go’aan qaadasho leh. Waxa uu dejiyey xasilooninsiyaasadeed oo keentay in la helo dawlad ka madhanmusuq-maasuqa.
➡️Sarreynta Sharciga: Wuxuu ku dawladiisa ku hoggaamiyey ku-dhaqanka sharciga, si loo xaqiijiyo nidaam sharci oo cadaalad ah oo la saadaalin karo, dadkuna u siman yahay sharciga hortiisa Masax iyo muwaadiniin ba.
➡️Is-waafajinta aragtiyaha Bulshada: Lee Kuan Yew waxa uu kor u qaaday is-waafajinta jinsiyadeed iyo diineed, isaga oo aqoonsaday in bulshada qaybsan ay caqabad ku tahay horumarka dhaqaalaha.
➡️Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha:
👉Guriyeynta iyo Qorshaynta Magaalada: waxa la aasaasay Guddiga Horumarinta Guriyeynta (HDB) oo waajibaadkeedu ahayd inay siiso dadka reer Singapore guryo jaban. Arrintana waxa ay hoos-u-dhigtay saboolnimada iyo waxaanay kornu qaaday heer nololeedka shacabka. hagaajinta heerarka nolosha.
👉Kaabayaasha heerka-Caalami: Singapore waxay si weyn u maalgalisay kaabayaasha, dhistay dekedo casri ah, garoomo diyaaradeed, iyo nidaamyada gaadiidka. Wana sababta fududaysay ganacsiga iyo maalgishi lagu soo hirto ilaaa hadd
Hoggaaminta Lee Kuan Yew aragtida guud ahaaneed waxa ay ka sheegta wax badan oo fiican, balse si weyn qorayaasha dhaleeceeya qaarkood waxay ku doodaan in hoggaamintiisa ay ku jirtay amma kunlammaanay xoggaa kali-talisnimo ah oo uu cadaadin jiray mucaaradnimada iyo xorriyaadka qaar oo uu xadiday sida xorriyatul-qawlka, halka shacabka reer Singapore badankoodunsheegaan in waqtigaa loo baahnaa si loo gaadho horumarka laga dhaxlay hoggaaminta Kuan.
Waxa aan rajaynaynaa in wanaag badan oo Lee Kuan laga reebay uu inooga tago hoggaamiye kasta oonaynu dunida kula tartano.
➡️Hoggaaminta aan Rabno Somaliland ahaan
Mudane madaxweyne, muddada 5 sanno ah eed na hoggaamin doonto, waxa aan kaa rabnaa in aad nagu hoggaamiso qodobadan:
1️⃣Midnimada Qaranka
💥Mudnaanta Midnimada: Madaxweynaha waa inuu xoogga saaraa midnimada dhammaan gobollada Somaliland, iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta bulshada.
Wadahadal iyo Is-aaminid:
💥Waxa is-afgaradnu horreeya wada hada. Soomaalida waxa ay ku maahmaahda “aan wada-hadalbo, waa aan heshiino. Si degaannada kholafaadku ka jiro loo xaliuo, waa in bulshada kaadirkeeda llala yeesho, sida odayaasha dhaqanka, culimada, iyo dhalinyarada si loo xoojiyo wada jirka qaranka.
2️⃣Aqoonsi Caalami ah
💥Dadaal Siyaasadeed: Ka shaqaynta adkeynta xidhiidhka dalalka Somaliland saaxiibka la ah sida Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya, si loo xoojiyo taageerada gobolka.
💥Diblomaasiyadda Dibloomaasiyadda u weyn ee Somaliland u baahan tahay waa aqoonsi, sidaa darteed, waa in loo sameeyaa qorshe joogto ah, iyadoo la adeegsanayo aqoonyahanka, dhallinyarada, qurbo-joogta, iyo saaxiibbada Somaliland ee caalamka.
3️⃣Horumarinta Dhaqaalaha
💥Horumarinta Dakhliga: Kobci ilaha dhaqaalaha sida dekedda Berbera, ganacsiga xorta ah, iyo wax-soo-saarka gudaha si loo yareeyo ku tiirsanaanta taageerada dibadda.
💥Fursado Shaqo: Samee mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ah sida waddooyin, biyaha, iyo tamarta, si loo abuuro shaqooyin dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale.
4️⃣Dib-u-habeynta Hay’adaha Dawliga ah
💥Daahfurnaan iyo Isla-xisaabtan: Dib u habee hay’adaha dowladda si loo xoojiyo hufnaanta iyo kalsoonida shacabka.
💥Shaqaalaha Dawladda: Ku saley shaqaaleynta dawladda aqoon iyo xirfad, halkii ay ku saleysnaan lahayd qabiil ama saaxiibtinimo.
5️⃣Maareynta Khilaafaadka Gudaha
💥Degmooyinka Isku-dhaca: Sii mudnaan gaar ah xalinta xiisadaha ka jira gobollada qaar, gaar ahaan Sool iyo Sanaag, adigoo adeegsanaya wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.
💥Maamul Daadejisan: Dhis nidaam awood-siineed oo ay gobolladu ku helaan maamulka ay xaqa u leeyihiin.
6️⃣Horumarinta Shaqada iyo Waxbarashada
💥Abuur fursado shaqo gaar ahaan dhalinyarada oo ah cududda ugu weyn ee bulshada.
💥Xoojinta tayada waxbarashada iyo tababarka xirfadaha si dhalinyaradu uga qeybqaataan horumarka dalka.
7️⃣Ka Hortagga Dhibaatooyinka Degdegga ah
💥Wax ka qabashada caqabadaha sida abaaraha, amniga, iyo caafimaadka guud.
💥Hirgeli barnaamijyo degdeg ah oo wax lagaga qabanayo xaaladaha degdegga ah ee saameeya dadka nugul.
8️⃣Ku Hoggaami Tusaale Wanaagsan
💥Muuji hufnaan iyo daacadnimo si aad u kasbato kalsoonida shacabka iyo caalamka.
💥Wax ka beddel oo sare u qaad habka isla xisaabtanka si loo hubiyo in maamulku yahay mid daahfuran oo adeegsanaya hantida qaranka si mas’uuliyad ku dheehan tahay.
Waxa aan halka ku sol afmeeraya talada kooban ee aan ugu tallagakay Madaxweynaha la doortay, waxa aanay dhaxal-gal u noqon karta hoggaamiye kasta oo shacabkan hoggaamin doona.
Alle xukuumadda hadda shacabku doorteen ha ka dhigo mid guulaysata oo bulshada saboolnimada iyo kala tafaraaruqa ka saarta.
Alla Mahad leh
Qore: Ibrahim khadar
Bandhige@gmail.com