“Ka dhoohsananteena qadiyadaasi iyo wax ka qabad la’aanteeda ma laga yaba in ay noqoto mid sabab u noqota dabargo’a umadeena iyo halaaga dilaa ah oo gunyar socodka iyadoo aynu ka dareem lanahay, Alleh kama yeelee!.”
Sida aad iiga baraten kolba waxaan jalleeca , meesha danteena guud ee aynu wadagno ay ka liicdo ee u bahan baraarujinta iyo wax iska tusaaleynta iyo meesha ay ka giigsantahay ee isku bogaadin looga bahanyahay.Maanta mawduucan waxaan ku soo qadanaya qadiyad muhimad weyn inoo leh aniga werwer xoog leh igu haysa anigan taasi oo ah in aynu isweydino, kuna hamino in taranka dadkeenu halka salka ku hayo joogno ama uu marayo amba mustaqbalka fog iyo kan dhawba uu ahaanayo in aynu indho gaar ah ku hayno marwalba.
Sida caqligeenu fayow inoo shegayo marka la soo kobo,iyado hawshani ay qabtaan khubaro ku takhasusey tiro koobka bulshada, taranka waxa xukuma oo laga qiyaas qata caruurta dhalaneysa ee wadankaasi iyo geerida mudooyin go’an isla dhacaya, darasado mudooyin go’an la isku barbar dhigo sida ay kalo yahiin ayaa tusaaleh lagu qaata. Iyadoo tirokoobyada guud iyo ku gaarka ahba lagu jaagooyo qorshayaasha,lana ogaado arrimo badan oo bulshooyinka looga bahan in laga ogaado,sida xooga dihin ee dada shaqeyn kara iyo mudada la sii sadalinayo in laga fa’ideysan karo sida gobalada loo ka dagan yahay ee bulshada,iyo labka iyo dhega siday kalo yahiin iwm.
Hadaan teena marka ay eegno wax inagu ceeb ah marka horeba in ayno ka hadali weynu, ka warerweynu, oo aynu waxkaqabadkeeda mudnaanta ay leedahay aan siinweyno,taasi ah mid inaga maqan gabi ahanba, arrintaasi oo kuwo idinka mid ahi igu waafiqi kartan in aynu dayacney si axmaqnimo ah oo aad moodo caqligii keeni lahaa hawlgab weyne ku dhacay amaba la inaga dafay. Iyadoo laga duulayo in ay haysano khubaro badan oo bartay cilmiga tirokoobka hadii dawlad iyo shiciba suuf iyo xanjo aynu isku dhajino lana nimaado go’an adag oo wax qabad ah,iyadoo cilmiyo ee lagu shaqeyn jiray uu tecnoolajiyada cusubi ay sahashay.
Taasina waxay il tahay Rashid ahaan in wajib muqas oo dhamaanteen ina saaran ay tahay, in aynu caradan aynu daganehay ee Alle inagu beeray inoona qorsheeyay,ay tahay in aynu ilashano, noqono kuwa camira dad iyo maalba sida uu Alleh ka raali ka yahay,Ka fa’ideysno khayradkiisa,ubadkeenana u sii salaxno,dagaankeena ka ilalino waxyeelooyin ula kaca ah ee aynu ku hayno hadh iyo habeenba,Maadama ay aynu daganahay dhulkan,uuna yahay dalkii aynu ku dhalaney,kuna asturanahay kuna barbarney,laynaguna asayo,ee meelkale aynan ku doorsaneyn.
Haddaba, marka aynu teena u nimaadno, 40kii- ama 50kii sanno ee u dambeeyey ayno jaleecno waxa ina daashadey dowlad la’aan ama dowlad xumi iyo haddii aynu nahay reer somalilnad oo aynaan wali helin wax aqoonsi caalami ah, taas oo arrimo badan inagaga xidhan yihiin. Shaqadii dowladduna ay ka badin wayday adkaynta nabadgalyada iyo dhidibo u taagidda hanaan dowladeed iyo wixii laga qaban karo baahiyaha as-aasiga ah. Sida aad igu waafiqi doontaan badankiinu waxa jira duruufo aad u muhiima oo ay inala soo darsey oo tiradeena iyo tarankeenaba uu aad u yaradey tasina ay jiidi karto meel halaag ah hadii aan deg deg wax looga qaban . Duruufahaasi waxa ka mid ah:-
- Ajanabi fara badan oo waddamo badan ka yimid oo inala dagen wadankeenan.
- Shaqo la’aan baahsan oo xididaysatay.
- In guurkii uu aad iyo aad u yaraaday.
- In miyigii laga soo guuray, oo magaaladii layskugu yimid. Taasina ay leedahay culays xagga dhaqaalaha iyo dhinac walba leh.
- Dad badan oo waddanka dibaddiisa joogi jiray, oo ku soo guryo noqonaya dalkii hooyo oo bahan qorshe suuban oo wax ku ool ah.
- Deegaankeenii oo waxyeelooyin joogtada ah aynu ku hayno xawli ba’an ku socdo oo in faramadhnan kala hoyano oo ka qado ay ku dhawdahay iyo cimilada aduunka oo aad isku badalaysa,waxyeeloyinkeedunaa y yahiin aafoyin dhibtadooda wadata.
- Maamu l-wannaagii keeni lahaa horumarka ee waxna ku kala fududayn lahaa, oo isaguna meesha ka maqan.
- Xanuuno badan oo noocyo badan leh oo dadkena si gumad dahson ama daahir ah ku haya ,wax ka qabadkooduna laga gabinayo.
- Danbiyadii oo batay oo da’yartii iyo dada dhexe rag iyo dumar kuwa ka mid ah wakhtigoodii jeelasha ku qaatan.
- Wax-soosarkii dalka oo noqday mid aan tiirin kareyn koboc dhaqaalaheena habayaratee.
- Wadankeena oo ay mawjado mukhaadarad ahi oo inagu cusub iyo kuwa jirijirey ay ina hafeyen.
- Dhaqanyo xumxum oo aynan lahan jiran oo soo badanaya oo dib inoo dhigaya ay ina heystan.
- Dhalinyaro badan oo wadankeena ka tahriibtay,kuwo badanina ay ku ledeyn Saxaraha iyo Badaha.
- Dumarkii dada dhexe iyo kuwii yaryara oo jidhkooda marinaaya madooyin iyo kiniinyo ay ku doonayan in ay ku cadadan ama ku naxan oo ay aysan aqoon u laheyn wax yeelada ay soo gaadhsiinayan ay marka ay uurka yeeshan, iyo xunaha tarankoodaba.
- Dumarka marka ay dhalayan ilmahu ka dhinto amaba israaca oo aad u soo badanaya,iyo caruurta shan jir ka yar oo kuwo badani ay u dhimanayan dayacado,aqoon iyo cafimaad daro.
- Raggii oo dada 50 iyo waxii ka sii weynba ila 70ka ay macno hawlgab iska noqdeyn xaga maskaxda iyo jidhkaba,sababta oo ah waxa jilciyay 50kii sano ee u danbeeyay oo muteysteen dagaalo,maamul xumi,dawlad la’an.kuwa kalena garahaan raga reer magaalku lagu saliday baryahan danbe kiniinyo aysan aqoon u laheyn oo ay u ageegsadan galmadda dumarka iyagoo ka raadina in ay helaan awood dheerad,aqoondarana ay haysato xaga kiinigan, kuwo badani ay kuba dhinten ,cid ka wacyi galisana aysan jiran, iyo ragii iyo dumarkiiba uu faro baas qaadku ku hayo cafimaadkooda,dhaqankoodii , iyo wanaag qoyskuna ku baba’ayo kuwaasi oo iyaguna xunuuno taranka iyo xuuno kale oo gadhsiinaya siin kara.Sidoo kale ragii guursan jiray dumarka mid wax badan oo ay iyaguna aad iyo aad u sii yaraanaya,duruufo dhaqaale awgeed.
- Iyadoo la inooga keeno Rashin iyo dawooyin dhacay ama tayadoodu aad u liidato oo wadamada dibada la keenayo iyado aynu iska wada ognahay waxyeeladooda hadna aynu aminsanahay fikrad cusub oo qaldan oo lahadh ah oo odhaneysa la isku joojin maayo!
- Caruurta reer somaliyeed ee dibadaha ku dhashay oo ay aad ugu adkato in ay wadankooda ku nooladan,kana shaqeyan,umadoodana wanaag ku soo kordhiyan.
- Dagaaladii aynu la galay Siyaad bare iyo kuwii sokeeyaba waxa inagaga leday dad badan oo da’ walba lahaa.
- Wax ka qabadka danaheena guud oo aynu
- Xisaab la’an shicibkeena oo ah dadka aynu masuuliyada dawladnimada u doorano ee madax inoo noqda aynan la xisaabtamin waxii aynu ku dooraney oo awoodii,dhaqaalahii taladii dalka sida ay doonan ee dani inoogu jiran u takrifala.
- Aklaaqdii iyo asluubta qoyska lagu dhiqi jiray oo xidhiidh furantay,taasina ay dhawac weyn u geysato si jiritanka qoyska iyo korinta ubadkeena.
Dhammaan arrimahani iyo kuwo kaleba waxa ay shaki la’aan hoos u dhigayan am ay khusaynayaan tiradeena iyo heerka tarankeena umad ahaanba.waxaan dawlad iyo shiciba u soo jeedinaya in tarankeena iyo tirkoobyo fiiro gaar ah loo yeesho laguna darsado qorshayaasha mustaqbal ah in la sameeyo Anigu Rashiid ahaan waxaan aaminsanahay, in aynu karaamada iyo cisiga Eebbe in siiyey in aan dhawrano inta yare e dunidan aynu ku suganahay oo lagu tashado hadal yar iyo hawl badan lana nimaadno wax kasta oo uu dedaalkeeda, kartideeda iyo isku duubnaanteeda la arrintasi guul laga gadhayo,talana Alle sarano,aragti fog oo danheena la nimaadno
Rashid sulub calin.
Barmamijka guuleystayaal geediga wada
Sulub2007@yahoo.com. 4426781… 659746679