Jawaabtayda ka hor waxa aan halka kan ugu mahadnaqayaa cid wal oo isku dayday in ay ka jawaabto su’aashii cusleyd ee ahayd waa maxay danta qaran ee jiritaanka Somaliland, oo aan bartayda Facebook idinku la wadaaggay jimcihii aynnu soo dhaafnay.
Runtii si niyad wanaagsan, xirfad iyo aqoon badani ku jirto ayey asxaabtu isugu dayday, laakiin waxa hubaal ahayd in dhamaan jawaabbuhu kala duwannaayeen oo qof waliba meel gaar ah la aaday sida fikirkiisa iyo aqoontiisu siisay, qaladna ma aha in uu sidaa yeelo.
Kala duwannaanshiyahaasi se waxa uu inna tusayaa in aaney jirin dan qaran oo Somaliland meel ugu qoran. Ma jirto dawlad Somaliland soo martay oo inta ay aqoonyahankeedii isugu yeedhay dajisay siyaasad cad oo mustaqbalka dhaw iyo ka fog Somaliland lagu samata-bixin karo oo dhinac walba ah, dabadeedna lagu shaqeeyey oo xudun siyaasaddeed dalka iyo dadkaba u ah. Marka laga yimaado in lagu celceliyo waxa aynnu ka baxnay Soomaaliya oo xorriyadeenii ayeynu dib ula soo noqonnay. Doodaasi ma aha marnaba mid dhameystiri karta yoolka qarannimo ee ummadani ay hiigsaneyso.
Sababtaas ayaa keentay in dhamaan ka qayb galayaasha doodu uu ninba sida ay la tahay u sharaxo danta qaranka Somaliland. Muwaadin haddii aad u safartay adduunyada kale ee ay ku jiraan waddamada aynnu jaarka nahay waxa aad waydiisaa dadkooda wax bartay iyo kooda kaleba waxa danta qaranka ee dalkoodu tahay.
Si fudud ayey muwaadiniintaasi daaqadda kaaga dhiibayaan jawaabta, waayo waxa jirta siyaasad guud oo u qoran, oo hay’aadka qaranka iyo shacabku ay ku wada shaqeeyaan. Isla markaana la waraabiyey shacabka iyo masuulliyiinta dawladda taas oo fahamsiisay masaalaxa guud ee waddankooda. Waana tiirka ugu weyn ee isku hayn kara dad dhul ku wada nool oo ay dawladdi ka dhexayso.
Innaga se waydinkaa xaal keena arka ee in ka badan 90 jawaabbood oo kala gaar ahi innooga yimaadeen qoraalkii yaraa ee koobnaa ee aan bartayda Facebook soo dhigay maalintii jimcihii ee bishu ay 19 ahayd. Hadda waa innaga oo hal dal iyo hal dawlad wada sheegganeyna. Haddii ay dan qaran jiri lahayd waxa ay ka muuqan lahayd jawaabbaheena. Nasiib-darro se ma jirto, idinka ayaana caddeyn u ah oo ninba si gaar ah waa kaa meesha uu rabo u la kacay.
Markii aan imi dalka 2015 waxa aan la kulmay masuulliyiin qaran oo muxaafid iyo mucaarid ba leh oo aad u badan. Waxa aan booqday 16 Wasaaraddood, waxa aan raadiyey mid waliba siyaasadda ay ku shaqeyso (ministerial policy document), sida ay u wada shaqeeyaan masuulliyiinta wasaaraddu (administrative manuals), qorshaha hab-raaca qaran ee shan sannad laha ah (national strategy plan) iyo kaalinta ay ku leeyihiin qorshe horrumarineedka heer qaran (national development plan).
Waa halkaa halka ay runtu iiga soo baxday. Waxba se ku sii tiigaali maayo oo qaranku asturaad badan ayuu innooga baahan yahay. Intaa ka dib waxa aan bilaabay su’aallo in aan waydiiyo masuulliyiinta kaydka ah oo mucaarid iyo muxaafid ba leh iyo kuwa shaqada haya haatan ee dawladnimada shookaanta u haya intii aan ka gaadhay.
Su’aasha aan waydiinayey waxa ay ahady; waa maxay danta qaranka ee jiritaanka Somaliland? Masuulliyiinta aan su’aashan waydiiyey ee 28 ka ahaa dhamaantood sida aad su’aashan uga jawaabteen si la mid ah ayey uga jawaabbeen oo waliba qaar kood idinku aad ka jawaab qurux badnaydeen!
Sababtuna wax kale may ahayn, waa in aaney jirin siyaasad dan qaran ahi (national policy document) oo meel innoo taal. Markaa waa in nin waliba uu meesha uu rabo ula kacaa. Sannadkaa waxa aan laabtay aniga oo aad uga naxsan dalkan 25 sano jiray ee aan lahayn (national policy document) qayixi karta hay’aadka dawladdu qorshaha qaran ee ay ku wada shaqeeyaan ee u gaarka ah iyo sida ay u ilaalineyso danta caamka ah oo la isla yaqaan laga na mideysan yahay.
Waxa se aan go’aansaday in aan hawshaa intii karaan kayga ah aan ka qabto oo aan isugu yeedho dhamaan cid wal oo aan aqoon ku tuhmayey, si aannu gurmad ugu noqonno dalka iyo dadka. Dajinta hawshaasi hadda waa ay socotaa dhawaan na waa la soo bandhigi doonaa Insha allahu iyada oo tiirar waaweyn ku xusan oo dhameystiran.
Waxa aan mar kale soo laabtay sannadka aynnu hadda ku jirno ee 2016. Isla su’aashii oo aan niyaddayda marnaba ka bixin. Waxa aan su’aashii waydiiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo aannu kulan gaar ah lahayn. Sida aan ku sheeggay qoraalkaygii hore Guddoomiye Muuse isaga oo aan neefsan ayuu daaqadda su’aashii iiga dhiibay.
Haddaba maxay ahayd jawaabta Muuse? Muuse waxa uu yidhi ‘’Su’aashani waa su’aal aan in badan is-waydiinayey qudhaydu, anigu background kayga marka la eegayo askari military ah ayaan ahay military-gu na mar walba waa in uu ku shaqeeyo strategy ama hab-raac siyaasi ah, waayo dan amni ayey ilaalinayaan, dalku na in uu hab-raac yeesho ka maarsan maayo.
Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi:
“Madaxweyne wal oo Somaliland soo maray meel ayuu qarannimada soo gaadhsiiyey, nin waliba wax buu taray. Haddii aan xukunka ku guuleysto anigu, meellaha ugu waaweyn ee aan is leeyahay wax ka qabo waxa ka mid ah dajinta siyaasad qaran oo dhan walba mustaqbalka dalkan ka anfacda, waana inta ay sameeyeen hoggaamiyayaasha qaramadooda guusha gaadhsiiyey. Waxa aan dajin doonaa insha allahu aniga oo aqoonta kala duwan ee aqoonyahanka dalku leeyahay ka faa’ideysanaya siyaasad qaran oo baaxad leh oo waliba aan ku daba-galo masuulliyiinta dawladda in sida ay tahay loo fuliyo.”
Intaa markii uu yidhi isaga oo darreen qiira ahi ka muuqdo, ayuu haddana ku daray:
“Maxamedow intii hore oo dhan qaran baynu dhisayney oo aynnu toos toosineynay, maanta wax badan ayey madaxweynayaashii afarta ahaa dalkan u sameeyeen oo hanti u ah, waxa ay maanta Somaliland u baahan tahay qorshe siyaasaddeed dawladnimo, oo dhaqaalaha innoo dhisa, nabad la isku haleyn karo sameeya, oo dadkeena mideeya.”
Waxa uu inta ku daray:
‘’Haddii uu Cabdiraxmaan Tuur Somaliland ku dhawaaqay, Cigaal na uu hay’aadkii dawladnimo iyo nabad-galyada innoo sameeyey, Rayaale dimuqraadiyad hirgaliyey, Siilaanyo dhaqaalihii kor u qaaday, oo uu bilaabmay maalgashi caalami ahi, furfurnaanshiyo dhaqaale iyo ciidan hierarchy dhameystiran leh, anigu na waa in aan qarankan khariidadii uu 50 sano ee soo socda uu ka badbaadi lahaa ee uu ku hor mari lahaa adduunka na kula shaqeyn lahaa aan ka shaqeeyaa oo aan dajiyaa.’’
Jawaabtaa Muuse Biixi waxa ay si sax ah uga jawaabtay maqnaanshiyaha ‘’national policy documents’’ waxa kale oo ay daahfurtay ogaanshiyaha uu ku kaliyeystay waxa qarankan ka maqan oo idinkuna jawaabbiihunu ay dhamaan il-duufeen. Waana sidaa sida aan u idhi su’aashii aan waydiiyey 28 masuul, waxa kaliya ka gartay Muuse. Idinka oo in ka badan 90 jawaabbood bixiyeyna, ma jirto hal qof oo kaliya oo yidhi ama is waydiiyey oo horta dalku ma leeyahay siyaasad qaran oo qoran oo meel taal, danta qaranku horta haba joogto eh.
Akhriste, hadda dood miyaad ka qabtaa? Ma ku qancisay se jawaabta Muuse ileen waxa uu gartay jiritaan la’aanta ‘’national policy document’’ oo ah siyaasadda qaran ee gude iyo dibbed ba ah e’? Nasiibka ay Somaliland leedahay ee aan sheeggay waa in uu jiro qof garanaya waxa qaranka ka maqan, hammadiisu na tahay in uu dajiyo siyaasad masaalax weyn oo ummadeed ku dhisan haddii uu awoodda dalka iyo waliba isku dayga hirgelinteeda.
Intiinii lahayd cilmi-baadhista jawaabteeda la sii hayaa waa maxay, fadlan wax ka barta hababka kala duwan ee helista culuunta iyo dajinta aaraahda siyaasaddu sida kala duwan ee ay u shaqeyso. Waydiinta cilmi-baadhis hore oo aad sameysaa waxa ay ogaal siineysaa garashada waxa la filan karo waana hababka ay ku yimaadeen waxa nidaamka Research ka lagu yidhaa ontological and epistemological assumptions oo hadda aanan halka kan ku sharixi karin qoraalka oo dheeraanaya awgii idinka oo aad u mahadsan dhamaantiin.
Allaa Mahad Leh
Maxamed Xaaji Maxamuud
The University of Warwick
Department of Politics and International Studies