Maxaa sababay burburkii dawladdii Islaamka ee la odhan jiray Cuthmaaniyiin(1299-1922)?
Sidee baa loo baa,bi iyey? Yaase baa,bi yey?
Dadku qoraalka dheer ma akhristaane, waan soo koobayaa inta aqoontayda ah.
Dawladdii Islaamka ee u dambaysay waxay ahayd dawladdii Cuthnaaniyiinta oo loogu magac daray Suldaankii markaa xukumayey, kadib burburkii dawladdii ka horaysay ee Cabaasiyiinta ee ay burburiyeen maangooliyaankii cawaanka ahaa.
Muddo badan oo ay dawladdii u dambaysay ee Islaamku(Ottoman) awood lahayd, dhul badanna gaadhay, waxay wajahday dhibaatooyin dagaal oo lagaga soo horjeeday xukunkoodii. Meelaha dagaalkaasi ka socdayna waxay ahaayeen dhulkii ay ka maamulaysay Yurub sida goboladii la odhan jiray #Balqaan( Balkan regions). Intaas ka dib waxaa la soo gaadhay dagaalkii 1aad ee dunida. Xarunta dawladdii Ottomans-ku waxay ahayd Turkey. Sidaas darteed Turkey-gu markaa wuxuu xubin muuqata ka ahaa xulafadii Jarmalku hogaaminayey( central powers). Waxaa la jibeyey xulafadii Jarmalka ee Turkey-guna ka mid ahaa.
Haddaba sidee loo maamulay dawladihii la jebiyey ee Turkey-gu ka mid ka ahaa ama dawladdii Cuthmaaniyiin( Ottomans). Waxaa loo qaybiyey sidan: Waxaa la aqoonsaday Jamhuuriyad la yidhaad Turkey oo dadka Turkiska ah oo keliya uuni leeyihiin, wixii kale ee aanan Turkey ahayna waxaa la yidhi madax bannaani ha loogu dhawaaqo sida Creek-ga, qaar kalena waxaa la hoos geeyey urur ay Ingiriiska iyo Faransiisku lahaayeen oo la odhan jiray League of Nations, qaar kalena waxaa si toos ah u qaybsaday Ingiriis iyo Faransiis.
Goboladii Yurub ku yaalay ee dawladdii Islaamku maamulaysay waxaa la siiyey madax bannaani buuxda, laakiin goboladii kale ee Islaamka( Carabta) ahaa waxay galeen gacmo guumeysi oo labo weji leh. Markii la gaadhay xilligii reer Yurub ka tegayeen dhulkii ay guumaysanayeen dhulkii Carabta waxay u qaybiyeen dawlado magacyo kala duwan wata oo qabiilo lagu saleeyey waana waddama maanta loo yaqaano tusaale ahaan Suuriya, Ciraaq Cumaan, Kuwait. Sidaas darteed, meesha waxaa laga fogaayey dawlad Islaam ah dawlad keliya ku midaysan. Markii carabtii sidaas loo qabiyey waxaa sahlanaatay in Israaiil lagu beero bariga dhexe oo dhulkii falastiniyiinta looga qaado.
W/Q: Mustafe Barkhad Cabdilaahi” Dhimbiil”
Ku nool Hargeysa, Somaliland
Email: Dhinbiil2014@gmail.com