Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta imtixaan ka qaadday 120 qof oo u tartamaya 30 jago oo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ah

Imtixaanka ayaa ka qabsoomay Xarunta Mac-hadka Dawladda ee CSI-da,waxaana ka qeybinta Imtixaankaas goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda,Farxaan Aaddan Haybe,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maxamed Geedi Caynaanshe,Agaasimaha Waaxda Shaqaalaysiinta ee Hay’ada shaqaalaha Ifraax Aaddan Cige,Cabdisalaan  Muuse Guuleed oo ka mid ah Xubnaha Mashruuca Baanka adduunka ee dib-u-habaynta shaqaalaha Dawladda  iyo Hawl-wadeeno ka tirsan Hay’adda shaqaalaha Dawladda.

Shaqaalahan cusub ayaa loo qaadanayaa kaalmo-shaqo oo loo qoondeeyay in lagu xoojiyo Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda,taas oo qeyb ka ah Mashaariicda uu Baanka adduunku ku taageero Dib-u-habaynta iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawladda.

Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland,Farxaan Aaddan Haybe oo si rasmi ah Imitixaanka ugu qeyb-biyay 120 Xubnood ee tartamayaasha ah ayaa sheegay  inay Xubnahai kasoo dhex-baxeen in ka badan 2,405 (Labo Kun Afar boqol iyo shan) oo soo codsaday Kaalmahan,guulna uu u rajaynayo guud ahaanba Xubnaha Imtixaanka ka qeyb-galaya,waxaana uu xusay in si cadaalad ah oo daah-furan loo qaadayo Imtixaanka,isla-markaasna loo sixi doono,ciddii Nasiibka iyo dedaalkoodu siiyana ay buuxin doonaan Kaalmahaas shaqo ee loo qoondeeyay.

@CSC MEDIA SECTION