Waxa aanu shaki ku jirin fara-gelinta Ruushka ee dalka Suuriya in ay xaalada iyo siyaasaddii qasnayd ee dalkaas ay jiho cusub u leexin doonto. Haddaba, waxa aynu maqaalkan si kooban ugu yara eegi doonaa waxa sababay fara-gelinta Ruushka iyo waxa ka dhalan kara arrintaa.
Ruushku waa waddan jaar kala ah suuriya dhanka Turkiga oo u dhaxeeya labadooda (Ruushka iyo Suuriya) markaa waxa la odhan karaa aad bay isugu dhaw yihiin waxaanay ka muuqataa sida uu ahmiyada gaarka ah u siiyay marka la barbar dhigo Liibiya oo ka mid ahayd saaxibadiisii qadiimiga ahaa lakiin waxba u qaban kari waayey.
Haddaba, haddii Ruushka ujeedadadiisa tahay in uu taagero Bashar Al-Asad waa uu samayn karaa laakiin tani waxay halis ku tahay oo ay sii xumaynaysaa xaaladdii markii horeba jirtay ee ku adkayd nidaamka Madaxweyne Asad oo ahayd in uu waddanka wada gaadhsiiyo maamulkiisa dawladdeed.
Sida oo kale wax weyn kama badalayso qaabkii ay u dagaalamayeen kooxaha Jihaadistayaasha (Jihadists) sida Jabhat-al Nusra taas oo Madaxweyne Asad khatar joogta ah ku ah jiritaankiisa, kuwa aan ahayn Jihaadistayaasha(Non-Jihadists) iyo kooxaha kale ee mucaaridka ah kana dagaalamaya Suuriya.
Arinta kale ee halista ah ee xaalada sii xumayn kartaa waxay noqonaysaa, isbahaysigan Ruushka, Eeran, Xisbullah iyo Madaxweyne Asad oo u muuqda isbahaysi shiicaysan ama shiicadu hormood u tahay iyo kuwa aan Sunniga ahay(Non-Sunnis), waxay dabka ku sii shidaysaa, xaaladdii qasnayd ee diimaha ku salaysnayd, tana waxay soo dadajin kartaa in uu si toos ah meesha uga baxo maamulka M/weyne Assad maadaama uu ka soo jeedo dadka ugu tirada yar dalka Suuriya.
Haddaba, maxaa ku kalifay M/weyne Putin in uu ciidamo u diro dalka Syria?
M/weyne Putin waxa uu maskaxda ku hayaa khataraha dhagarraysan ee Suuriya ka jira sida, isaga oo ka werwersan in nidaamka dawladeed ee liitaa sii buruburayo (Anarchy), haddii uu nidaamkaa Assad uu meesha ka baxana ay halis tahay in ay meesha la wareegaan dad maslaxado kale matalayo oo aan dan siyaasaadeed oo ruushku leeyahay wadin ama ka soo horjeedaba iyo Madaxweyne Putin oo si weyn oo taxadir badani ku jiro u la socda faragalinta waddamada Maraykanka iyo Yurubta Galbeed oo uu arko cadow ruushku leeyahay.
Ma dhabaa in uu la dagaalamayo kooxda ISIS mise waxa kale ayaa jira:
Madaxweyne Vladmir Putin mar uu ka hadlayay United Nations General Assembly todobaadkii hore,waxa uu sheegay sababta ugu weyn ee ay ciidamadiisu u galeen Suuriya ay tahay in uu la dagaalamayo kooxaha argagixisada sida ISIS, Jabhat-al Nusra IWM.
Hase ahaatee, xaqiiqadu taa way ka fog tahay. Dawladda ruushka waxa uu daaran yahay dagaalkeedu in ay cagta mariso koox kasta oo uu u arko in ay masaaliixda dalka ruushka ee Suuriya ay halis ku tahay oo ay ku jiraan kuwa aan Jihaadka ku baqayn (Non-Jihadists).
Arintani waxay sababaysaa laba arimood oo waaweyn:
Kow, In ay si toos ah iyo si dadbanba ay isugu dhacaan dawladda maraykanka iyo xulafadeeda oo dhinac ah hawshan Suuriyana doonayay in iyaga loo daba fadhiisto oo ay maamulaan ilaa xadna ka soo horjeeday dawladda Madaxweyne Asad iyo dawladda ruushka iyo xulafadeeda oo ay Iran iyo Xisbullah ugu horeeyaan.
Dawlaadda maraykanku waxay si toos ah u caawisaa kooxda la yidhaa Free Syria oo uu cuud iyo cudud millateriba la garab taagnaa si uu meesha uga sifeeyo nidaamka Madaxweyne Bashaar Al-Asad oo uu aaminsan yahay in uu halis ku yahay maslaxada maraykanak iyo Israel ba ee bariga dhexe.
Tan labaad oo ah in dadkii rayidka ahaa ee Suuriya ay cagta mariyaan dawladdihii dunida ugu quwada weynaa oo nabadii ay ku dhacdo ceel dheer oo suuriyana isku badasho goob dawlado kale ku dagaalamaan (Proxy War) xalkiina sii fogaado, qaxoontigii iyo barakiciina sii bato.
Sidee ayay dawladda ruusku u aragtaa fara-gelinta Iran ee Suuriya oo ay xulafo dhaw yihiin?
Waxa jirtay xilli ruushka soo martay markii uu ahaa Soviet Union oo adduunka meel kastaba uu ku lahaa xulafo siyaasadeed oo isaga taabacsan. Haddaba, dawladda ruushku iyada oo ilaashanaysa saamaynta ay bariga dhexe ku lahayd,waxa la odhan karaa in ay Suuriya soo weerarto waxa sababay, iyada oo ay u muuqatay in taageeradii iyo xulafaddii Suuriya meesha ka sii baxayso. Tusaale ahaan, 2013 bishii August, ruushku waxa uu Madaxweyne Bashar-al Assad u soo jeediyay in aan aanu isticmaalin hubka suntan ah ( Chemical weapons) laakiin M/weyne Assad ganafka ayuu ku dhuftay soo-jeedintaa ruushka oo kalsooni badani ka muuqatay. Taasina waxay lama filaan ku noqotay dawladdii ruushka oo ogaatay in Suuriya laga sii hoos saarayo.
Arimaha kale ee hurdada ka sii toosiyay ruushaka waxa ka mida, taageerada Iran ee Suuriya.Waxay Suuriya si toos ah ugu tiirsanayd waddanka Iran oo saraakiil millateri iyo dhaqaalaba ku bixin jiray taageerada Bashar-al Assad.Waxa kale iyana aad u caawin jirtay dawaladda Assad, Xisbullah oo ah dhaqdhaqaaq dhisan ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
Qoddobka kale ee soo dadajiyay faro-gelinta ruushka waxa ka mida,heshiiskii Nukliyeerka ee Iran iyo Maraykanka.
Haddaba, arimahan oo dhan waxa ay dawaladda ruushku u tixgelisay in ay si toos ah u baabiininayaan saamaeynteedii iyo is-xulluufaysigii ka dhaxeeyay suuriya oo la wareegayaan Iran iyo waddamadda Galbeedku.
Muxuu noqon karaa gorgortanka siyaasadeed ee dawladda ruushku ka leedahay difaaca Suuriya.
Ujeedada waddanka ruushku ka leeyahay galitaanka suuriya waxay noqon kartaa iyada oo ay dawaladda ruushku doonayso in ay gorgortan siyaasadeed ka la hortagto waddamada Maraykanka iyo Galbeeka yurub iyada oo dawladda ruushku tixgelinaysa labadan arimood:
Dawladda ruushku waxa ay dagaal millateri ku qabsatay waddanka ay jaarka yihiin ee Ukraine oo ka mid ah midowga yurub. Arrintaa badalkeeda, waddamada Yurub iyo Maraykanku waxay ay kaga jawaabeen in ay cunaaqabatayno xagga dhaqaalaha ah ay saaraan waddanka ruushka taa oo dhaqaalihiisii saamaysay.Waxa la odhan karaa, ruushku waxa uu uga dan leeyahay galitaankiisa Suuriya in uu gorgortan siyaasadeed ka dib laga qaado cunaqabatayntan dhaqaale.
Arrinta labaad ee la odhan karo wuu ka leeyahay waxa ka mida, in uu doonayo millaterigiisa iyo war-doonkiisaba in uu u isticmaalo la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta ah oo markaana waddamada galbeedku u damaanad qaadaan xidhiidh ganacsi oo waafi ah( a prize of trade)
Dawladda ruushku awood ma u leedahay in ay isku balaadhiso Suuriya
Ruushku waxa hub ahaan uu la soo galay Suuriya 14 Helicopter iyo baabuurta zaadka iyo hubkaba qaada, 6 kaare(Tanks) iyo 15 Aartilari(Artillery)
Marka la eego suurtagalnimada in dawladda ruushku ay balaadhin karto saldhigyadeeda iyo ciidankeeda haddii wakhtigu ku dheeraado, waxa dhici karta in aanay dawladda ruushku wax kordhin ah aanay samayn dhinaca ciidanka, maxaa yeelay, caqabada ugu horeysa ee ay tahay in ay xal u heshaa waxa ay noqonaysaa arinta Geography-ga.Tusaale ahaan, waddanka Turkiga oo ay xad wadaagaan ahna meelaha ay soo marin karto saanadaheeda millateri, haddii ay maraakiib dagaal iyo diyaaradaba dawladda ruushku goโaansato in ay keento suuriya, waxay ku kacayaan qiime aad u sareeya wakhtina way qaadanaysaa.
Markaa arinkaasi ma noqon doono mid ay ku degdegto una malayn mayo in uu la fudud yahay ruushka istaraatiijiyadani.
Muxuu noqon karaa xalka dalka Suuriya
Qaska iyo jahawareerka siyaasadeed ee ka jira dalka Suuriya ma aha hawl si fudud lagu dhamayn karo maxaa yeelay dhinacyo badan oo aan isku fikir iyo aragti ka ahayn xaalada siyaasadeed ee waddankaa ayaa faraha ku la jira.
Tusaale ahaan, waddamada carrabtu waxa ay ka soo horjeedaan M/weyne Assad oo ay u arkaan in uu Iran iyo Xisbullah saxib dhaw la yahay, cadowna ku yihiin ummada Suniyiinta halka dawladda maraykanka iyo waddamada galbeedku ay u arkaan in suuriya la nugleeyo iyada oo Israel-na ay kalsooni u tahay, waddanka Iran iyo Xisbullahna garab muhiim u ahaa lagaa baabiyay una arkaan in biyuhu godkooda ugu soo gali doonaan haddaanay Assad taageerin.
Waxa jira ruushkii oo isna aaminsan in lagu dulshaxayo oo danihiisii iyo haybadiisii dawladnimo ee adduunku soo laalabantay xaqna uu u leeyahay inta yar ee u hadhay in uu ku mitido.
Haddaba,si loo xasiliyo waddanka suuriya,waxa iska cad in la is waafajiyo danahan siyaasiga ah ee kala duwan.Xalka qudha ee arintan lagu dejin karaan, waa xal siyaasi ah.
Waxay aniga iigu muuqataa in qodobadan la raaco si xasiloonidii siyaasadeed ee dalkaa suuriya loo soo celiyo:
- Waa in dhamaan dhinacyada isku haya Suuriya ay qaramada midoobay dhex dhigto heshiis xabad joojin ah muddo laba bilood ah oo wada-hadal loogu baaqo dhamaan dhinacyada danaynaya arinta suuriya.
- Waa in dhinac kastaaba ogolaada in dawlad wadaag ah la sameeyo, afar sano ka dib na doorasho caalamka oo dhami markhaati ka yahay la qabto gaar ahaan ururada caalamiga ah iyo urur goboleedyada sida Qaramada Midoobay, Ururka jaamacadda carabta, ururka islaamka, Midowga Yurub iyo dawladda Maraykanka.
- Waa in la sameeya dhul ka caagan dagaalka oo hayโaddaha samafalku ku shaqayn karaan si dadka cuntada, biyaha iyo dawadaba loo gaadhsiiyo.
- Waa in meel looga soo wada jeestaa dhinacii wadahadalka diida
- Waa in Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta,Maraykanka,Ruushka iyo Iran ay soo diyaarinta jadwalka wada-hadalka qayb ka noqdaan kuna heshiyaan halka wada-hadalku ka dhacayo.
- Waa in Markaykanku damaanad qaado dhaqdhaqaaqyada millateri ee Israa’iill.
Maxamed Ibrahim Saleeban
Hargeisa, Somaliland.