Wasiirka Xoolaha oo xilalkii u kala wareejiyey agaasimaha cusub ee Caafimaadka iyo agaasimihii hore

Wasiirka Wasaaradda  Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa maanta si rasmi ah xilalkii ugu kala wareejiyey agaasimihii hore iyo agaasimaha cusub ee Wasaarada Caafimaadka dhawaan loo soo  magacaabay.

Xaflad xilalka loogu kala wareejinaayey agaasimayaasha ayaa ka dhacdey Hotel Safari ee magaalada Hargeysa. Waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, dhakhaatiir, saraakiisha Hay’ayadaha wada-shaqaynta la leh Wasaaradda Caafimadka iyo shaqaalaha wasaaraddaas.

Ugu horeyn madashaa xil wareejinta waxa ka hadlay Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Somaliland Maxamed Maxile Boqorre. Wuxu soo jeediyey hadallo isugu jiray dhiirigelin iyo dardaaran, waxaanu sheegay in uu soo dhaweynayo agaasimaha cusub, agaasimihii horena uu sii sagootinayo. Guddoomiye Boqorre wuxu kula dardaarmay labada agaasime in ay ku dedaalaan in ay shaqaalaha ugula dhaqmaan qaab caddaalad ku dhisan.

Sidoo kale waxaa iyaguna munaasibaddaasi dhinacooda ka hadley dhakhatiir iyo masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka , waxaanay halkaasi kaga warameen muhiimada uu agaasimuhu u leeyahay qaab-dhismeedka Wasaaradda, waxaanay Agaasimaha cusub ku dardaareen in uu halkaasi ka sii wado wax qabka uu Agaasimihii hore soo qabtey.

Dhinaca kale waxa isaguna madashaasi ka hadlay Agaasimihii hore ee wasaaradda Caafimaadka, waxaanu yidhi

“Run ahaantii intii aan halkan joogay waxyaalo aad u faro badan ayaan ka bartay dalka iyo dadkaba, sida halkan idiinka muuqata waad aragteen hantida wasaaradda caafimaadka inta ay leeg tahay, run ahaantii intii aan wasaaradda caafimaadka joogayna wax aad u badan ayaan ku soo kordhiyey, agaasimaha cusubna waxaan filayaa inuu halkaas ka sii amba-qaadi doono hawlaha culus ee wasaaradda caafimaadka, ayuu yidhi Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadku.

Waxa isaguna madasha ka hadlay Agaasimaha cusub ee xilka la wareegaayey Saleeban Yuusuf Jaamac waxaanu sheegay inuu ku dedaali doono oo uu halkaasi ka sii wadi doono hawlaha Wasaaradda Caafimaadka waxna ku soo kordhiyo.

“Waxan u mahacelinayaa Madaxweynaha oo ii magacaabay wasaarad la muhiimad ah lana hawl ah tii hore amaba ka hawlo badan.”

Ugu Danbeyntiina waxa hadallo kooban ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax waxaanu halkaas xilkii ugu kala wareejiyey labadan masuul.

Wasaaradda caafimaadku run ahaantii waa mid ahmiyad weyn ugu fadhida qaranka, muddo badanna waxaan ka mid ahaa bahda caafimaadka taas oo aan ku dhex jiray ilaa markii aan shaqada bilaabay, ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Bandhige@gmail.com