Maxaad ka taqaan aabihii kamistariga jaabir bin xayaan?
Magaciisa waa jabir bin xayaan bin cabdi laahi al asadi. Waxa uu noolaa qarnigii 8aad. Waxa uu ku dhashay khurasan oo maanta ka tirsan dhulka iiran.
Jaabir aabihii waxa uu magaalada kuufa ee Ciraaq ku lahaa farmashi daawada lagu iibiyo taas oo ah sababta keentay in jaabir barto kiimikaalka iyo kamistariga. Jaabir waa qofkii ugu horeeyay ee dadka baray kamistariga sida uu sheegay fiilasuufkii reer Britain ee farancis bacon.
Waxyaabaha uu aad ugu takhasusay ama soo kordhiyay waxa kamid ah:
• Uumi bixinta (evaporation).
• Sifeynta waxyaabaha kimikaalka ah (sublimation, calcination).
• Sidoo kale waxa uu curiyay qalab ama aalado loo adeegsan karo cilmiga Kimisteriga.
• Sida loo diyaariyo birta iyo sida loo sameeyo aashitada.
• Sida birta looga ilaaliyo daxalaysiga.
Jaabir waa ninkii ugu horeeyay ee ku guulaystay in macdanta ka dhigo dahab isaga oo adeegsanaya Maadooyin kiimikeed.
Alaha unaxariisto jaabir geesigii Islaamka
WQ: Cabdicasiis Bashiir Jaamac