Maxaad ka taqaan farshaxamada iyo curinta cajiibka ah ee Abwaan Xasan Daahir -Weedhsame? (WQ: Cawaale Deeqsi)

Maxaad ka taqaan farshaxamada iyo curinta cajiibka ah ee Abwaan Xasan Daahir ย – Weedhsame ? Bal aynu eegno mid ka mida heesihiisa hirgalay.

Heestani waa mid caan baxday oo uu ku luuqeeyo fannaanka Maxamed Axmed Bakaal ‘Cirro’ marka laga tago guud ahaan macnaha ay gudbinayso ee cajiibka ah, waxa jirta, summado gaar ah oo uu abwaanku heesta ku daray. Tusaale ahaan qalcadda hore ee heestu waxay ku dhammaanaysaa ereyo isku miisaan ah iyo shaqalka ‘ A’ oo meeris kastaa ku go’ayo. Habkan waxa loo dhigaa suugaanta carabiga ah.

 

“Naftan uubataynaysa

Ee kugu ag meeraysa

Qalbi baa af duubaaya

Addimadan ku soo doonta,

Indhahaa ku eeg eega

Aragaaga xiiseeya

Wadnahaa abuuraaya

Caashaqa iniintiisa

unugyada ku beeraaya,”

 

Dhan kale waxa heesta ku jirta qalcad kale oo sidaa si ka sii qurux badan iyaduna leh hab dhac isku mida iyo ereyo isku wada sar go’an. Markan waxa ay ka siman tahay inay ku wada dhammaato shibbanaha ‘ N’.

 

Ma adoo qudhaa uuman

Ma adoo qudhaa aawan

Dadka kale ka maan awran?

Amran oo karaamaysan?

Aynigaa ka muuq fiican?

 

Heestani waa mid qaayaheeda leh oo laga xiiso goynayn xeel dheerideeda. Ila eega iyada oo dhammays tiran.

 

Naftan uubataynaysa

Ee kugu ag meeraysa

Qalbi baa af duubaaya

Addimadan ku soo doonta,

Indhahaa ku eeg eega

Aragaaga xiiseeya

Wadnahaa abuuraaya

Caashaqa iniintiisa

unugyada ku beeraaya,

 

Inkastood irdhaynayso

Ama aad ilaaqayso

Ikhtiyaar naftii laashay

Kaa ooli kari weyday.

 

Anna ulasho deyn maayo

Adna digasho waa kuu ul,

Aniguna ilbixi maayo

Adiguna arxami maysid,

Anna aamusnaan maayo

Adna erey-san kaa waayey,

Anna ubaxyo kuu keenay

Adna odaxda ii dhiibtay.

 

Ma adoo qudhaa uuman

Ma adoo qudhaa aawan

Dadka kale ka maan awran?

Amran oo karaamaysan?

Aynigaa ka muuq fiican?

 

Mise waa ishaartayda

Ahlantiyo Salaantayda

Weedhaha Ammaantayda

Iyo eemamayntayda

Waxan ururka kuu qaaday

Kaa dhigay ilays kaahay.

 

Haddii aanan kuu eexan

Asaagaa ka soo leexan

Ama aanan kuu iilan

Kugu sedin arwaaxdaydan

Ama aanan kuu oommin

Ama aanan kuu ooyin

Ama Uurka kuu saafin

Ama erey-san kuu soocin

Ixtiraam ku siinaynin

Waad ii ilmayn layde

Aadmigu wuxuu haysto

Ma arkoo ma aabeeyo

Mana oga ma weyneeyo