Xisbiyahanno Mise Qof-yahanno? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Nin hirarka badda ku haftay ayaa loo gurmaday, markii la samata-bixiyey ee xeebta la keenay waxa lagu yidhi, ka warran badda iyo dadaalka dadkii kugu badbaadiyey. Wuxuu ku jawaabay,” biyaha baddu waa dhanaan, balse ragii ii soo gurmaday ee soo dabaashay, ninba intuu ii jiray ayuu ii soo jirsaday”. Wuxuu sarbeeday dhalasho ahaan siday iigu kala sokeeyeen ayay iigu soo gurmadeen.

Heerka qofnnimo jeclaysigu halkaasi ayuu dadka qaarkii ka taagan yahay. Wuxuu sarbeeday dhalasho ahaan siday iigu kala sokeeyeen ayay iigu soo gurmadeen.Waxa aan u haystay inuu xisbiga ugu jiro mabda’ ahaan, hasayeeshee sidaasi maaha arrintu. Waa nin shakhsi siyaasi ah oo xisbiga ku jira oo uu taageersan yahay ugu jira. Dhawaan ayuu warbaahinta nin oday ahi ka yidhi” xisbiga hebel waxa aan ugu jiray hebel, markii uu ka baxay ayaan isaga baxay”. Markaad u kuurgasho dad badan ayaa dhaqankaasi ku sifoobay. Wuxuu ugu horreeyaa dadka sida joogtada ah baraha bulshada naqdiga aan caqliga iyo cilmiga ku dhisnayn ugu geystay qof kasta oo soo bandhiga dhaliisha muuqata ee uu leeyahay qofka uu taageerayo.

Faallooyinkiisa waxa inta badan la socda sawirka siyaasiga xisbiga ku jira ee qof-yahan ahaan u taageersan yahay. Arki meysid isaga oo xisbiga guushiisa wax ka sheegaya ama eedaha indhalaha la’ ee loo geysanayo ka difaacaya. Inta badan waa weeryahan aan ka gabban wuxuu sheegayo, wuxuu safka hore kaga jiraa dagaallada sokeeye ee aan xabbad joojinta lahayn ee hadh iyo habeen ka socda baraha bulshada.

Wuxuu ku socdaa qorshe cad oo laga soo go’aamiyo xarumaha gobollada ee xisbiyada, isaga se wuxuu haysta kitaab hoose oo ku salaysan shakhsiga uu xisbiga ku joogo taageeradiisa. Wuxuu buunbuuniyaa hadallada siyaasiga uu xisbiga ku joogo. Caadi ahaan siyaasiyiintu waxa ay fursad isu helaan markay tagaan munaasibado, markaasaa makarafoonka aan waxba la isugu hambeyn. Muuqaalka iyo hadalka siyaasiga uu xisbiga ku joogo ayaa bogiisa FACEBOOK muddo dheer u sudhan, sidii sawirka madaxweynaha ee sudhan gidaarada xafiisyada dawladda oo kale.

Dawladnimada wuxuu u fahansan yahay in ninka uu taageersan yahay kursiga madaxweynaha loo xidho si dalku uu barwaaqo ceegaagta cagaha ula galo. Waa qof, qof kale ku dhexjiro. Dhaqanka xisbiyada dumuquraadiga ahi wuxuu dhigayaa in lagu tartamo barnmaajiyo siyaasadeed, oo ay ka mid yihiin waxa qorshe uga yaalla adeegyada bulshada, maceeshada iyo nolosha dadka danyarta ah. Isaga waxa isu saaran qofnimo jeclaysi reernnimo cuskan oo uu ugu dhegan yahay sidii bara-boobta.

Markii aad codbixinayso waxaad dooranaysaa xisbiga aad taageersan tahay. Xisbi siyaaseedku waa koox dadyoow ah oo isku fikrad qaba oo doonaya in siyaasadda dalka ay saamayn ku yeeshaan. Xisbi kasta waxuu leeyahay barnaamij siyaadeed u gaar ah oo muujinaayo fikrada xisbaga uu ka qabo habka bulshada uu hormareeyso. Xisbiyada siyaasaded waayahan danbe jira waxa ay fikradahooda ku saleeysan yihiin fikrado soo ifbaxay hadab wixii markaa ugu weyn ee ay bulshadu tebayso ee culays weyn ku haya.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com