Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Waxa Ay Daahfurtay Kulan Lagu Lafa-gurayay Mashaariicaha Dhallinyarada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Maxamed Cabdillaahi Siciid (Khaawi) oo ay ku Weheliyaan Ag/Waaxda Dhalinyaradda Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi, Ag/Waaxda Qorsheynta Ee WDH&Ciyaaraha Cabdi-Rashiid Caydiid Yaasin Iyo Agaasimaha Waaxda Gender-Balance Khadra Kaliil ayaa maanta  daahfuray kulan lagu lafa guraayo mashaariicda dhallinyaradda ee ay wadaan ururada bulshada, kuwa caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobayba.

kulankan oo Sadexdii biloodba mar la qabto ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay , Agaasimaha Komishanka Xakamaynta Aidska iyo Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Maamul-Wanaaga iyo La-Dagaalanka Musuqmaasuqa JSL.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Dhallinyaradda Ee WDH&Ciyaaraha JSL Maxamed Xasan Cabdi oo warbixin kooban ka siiyey kasoo qayb galayaashii kulankaasi iyo waxyaabaha lagu lafa guri doono ee ay ka mid ka yihiin siyaasadda Dhallinyaradda, mashaariicda horumarineed Ee Dhallinyaradda iyo Qorshaha labaad ee Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Ee WDH&Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa isna halkaasi ka sharraxay faahfaahinna ka bixiyay Siyaasadda Dhalinyaradda Qaranka iyo Qorshaha horumarinta Dhalinyaradda Reer Somaliland Dawrka ay ku leedahay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaruhu oo runtii muhiim u ah Qarankeena Somaliland.

Dhanka kale waxa isaguna madasha ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka maamul wanaaga iyo La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Liiban Ismaaciil Buraale, waxaanu yidhi:

“Waxaan ku Amaanayaa Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha qabashada kulankan oo kale, oo ah mid lagu ogaanayo waxyaabaha loo qabto Dhallinyaradda,Had Iyo  jeerna waxaanu diyaaar u nahay in aanu Wasaaradda iyo Ha’yaddaha dawlada garab istaagno. Oo aanu la shaqayno”

Sidoo kalena waxa kulanka ka hadlay, Agaasimaha Komishanka Xakamaynta AIDS Cabdishakur Ismaaciil Muumin, waxaanu yidhi:

“Hadda iyo jeer waan in aynu ka shaqaynaa bed-qabka Dhallinyaradda, maadaama ay dhallinyaraddu had iyo jeer yihiin kuwa uu haleelay ama fidiya xanuunka HIV/AIDS.”

Ugu dambayn waxaa kulankan ka hadlay, furayna Shirka Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdilahi Siciid (Khaawi), waxaanu uga mahadceliyay kasoo qayb galayaashii, iyo hay’adaha kala Duwan Ee Dawladda sida quruxda badan Ee ay kulankan uga soo Qeyb-Galeen una soo ajiibeen ,runtiina ay Qeyb weyn ku leeyihiin in laga wada shaqeeyo Horumarka Dhalinyaradda Reer Somaliland.

Agaasimuhu wuxuu hadalkiisa kusii daray,

“Ujeedada kulankan waxa uu daaran yahay, sidii wasaaradda dhallinyarada Iyo Ciyaaruhu u ururin lahayd mashaariicda horumarineed ee ururada bulshada iyo kuwa caalamiga Ahiba ka wadaan wadaankeena Somaliland

Waxa sidoo kale xusid mudan in ay ururada bulshada iyo kuwa caalamiga ahiba sii libin laabaan mashaariicda ay hayaan uguna adeegaan Dhallinyaradda hufnaan iyo karti badan.

Kulankan intii uu socday waxa lagu falanqeeyay siyaasadda Dhallinyaradda Somaliland, Qorshaha labaad ee Qaranka qaybtiisa dhallinyaradda iyo mashaaricda dhalinyaradda ee ka socda gudaha dalka ee ay wadaan ururada bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah.