Wasiir Saajin Ayaa Dhaliilo U Jeediyay Madaxweyne kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Sacad Saajin, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, oo uu ku tilmaamay inuu doonayo in aanay cidi la tartamin, taas oo uu xusay in aanay suurto gal ahayn.

Wasiir Saajin oo u warramayey Sahan Tv, waxa uu sheegay inuu sharaxan yahay, waxaanu yidhi “Madaxweyne Xigeenku wuxuu leeyahay Meesha Guddoomiye kuxigeenka Afraad, anigaa iska leh cidna islama kay sharaxayso, waxaanay igu noqotay arrin cajiib ah. Waxa aan filayey inuu Madaxweyne kuxigeenku dhawr iyo toban sanno ku fadhiyey Hoggaanka, oo wakhtigiisu dhamaaday oo uu danihiisa kale raacanayo, sida Xasan Ciise, Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo kale.”

Wasiir Saajin waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in kulamo ay yeesheen isaga iyo Saylici oo ay goob joog ka ahaayeen waxgarad reer Awdal ah oo ay kaga arrinsanayeen sidii ay isugu tanaasuli lahaayeen in kulamadaasi natiijo la’aan ku dhamaadeen, markii labadooduba ku adkaysteen in ay sharaxan yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan: