Maxaad Ka Taqaan Tuugga Bilaa Sanqadha ah Ee Baabuurta Ku Furfurta Xaafada Goljano iyo Waxa Uu Ka Aaminsan Yahey Ciidanka Booliska (WQ: C/raxmaan Hiiraan)

Maxaad Ka Taqaan Tuugga Bilaa Sanqadha ah Ee Baabuurta Ku Furfurta Xaafada Goljano iyo Waxa Uu Ka Aaminsan Yahey Ciidanka Booliska

In ka baddan Laba Boqol oo Baabuurta Yaryar ah ayuu Labadii Bilood ee U Dambeeyay Ka jabsadey Qalab Muhiim ah Sidda Baytariyadda, Iraabka,Rikoodhka,Kuraasida,Taayirrada iyo Meelo kale oo Muhiim ah Waxa uu Jabsadaa Ilaa kanwarka Baabuurka si uu ugalo Matoorka Gudaha Baabuurka Waxa uu Sameeyaa Tuuggani in uu Marka hore ku dedaalo in uu jabsado Kanwarka Baabuurt isagoo Isticmaalaya Qalab ay kamid yihiin Dismisyo Dhuudhuuban isagoo ku Dedaala in uu Wakhtiga uu furfurka iyo Hawsha jabsashada galayo, oo ku koobay Wakhti aad ugu dhaw kuna Siman Labaatan daqiiqo in kayar.

Haddaba Su,aasha isweydiinta lihi Waxa weeyi Sidee lagu ogaadey in Tuuggani yahey Nin Khibrad dheeraad ah u leh sida loo Xaddo Baabuurta yaryar iyo Aqoonta uu uleeyahey Iyo Waliba qalabka uu adeegsado? Kadib markii uu u Waramey tuugani isagoo Xaalad kale kujira Dhalinyaro ay isugu yimaadeen Goob lagu kulmo oo uu Sheeko kula Wadaagey, Waxa uu si laab furanti ah uga Xogwaramey in aaney Waxba ka Warwarin oo aaney ka cabanin Shaqo La.aan Isagoo ku Sababeeyay in ay bartaan oo looga baahan yahey sida Wax loo Xaddo gaar ahaana Baabuurta xadistooda iyo Waxyaabaha Muhiimka ah ee lagala baxo sida Rikoodhka iyo Baytariyadda taas oo macnaheedu tahey ‘Tuuggada Bilaa Shanqadha ah sida uu ugu gudbiyay khibradiisa maadaama uu adeegsado Dismisyo dhuudhuuban oo ka Caawiya in Baabuurku furo la.aan uga furmo Guddaha isagoo intaa ugu darrey in aanu habayaratee Waxba iskaga tirinin Ciidamada Booliska ee Tuugtu la colka yihiin balse, uu isagu isku furto iskuna badbaadiyo Waxoogaa uu Siiyo hadiiba ay dhacdo in ay gacanta ku Dhigaan, Waxaanu uga sheekeeyay in uu Marar badan Farsamadiisan Xadista Baabuurta u Isticmaaley, In uu soo kaxaysto Baabuurta yaryar Nooca loo Yaqaan Vitiska oo aad uga Caawisey arimo badan sida haddii dareen laga Qaato Baabuurka uu gudaha ugu galo Baabuurkan isagoo Adeegsanaya Shiditaanka Leydhka Gudaha si loo moodo Baabuur Taxi ah oo Sugaya ama Sidey Dadka Dariska.

Waxa ay dhalinyardaasi Weydiisay Ninkaa Tuugga ah ee Bilaa Shanqadha Sheegtay gaar ahaana Xaafada Goljano Yaa kaa iibsanaya Qalabka aad kala baxdey Baabuurta? Ma Geerashyadda? Mise Spare-Partska isagoo Su,aashaa uga Jawaabaya Waxa ay sheegeen in uu Markiiba lasoo Boodey ‘Geerashyaddu Naf maleh, Spare-Partskana Waa laga baxey laakiin Waxa ii Macmiil ah Furfurlayaasha’ Kuwaas ayaa ka badiyay Waxan aad sheegayso’ ayuu ugu Jawaabay.

Haddaba Furfurlayaasha inkastoo aan Cidina Baadhis ku Sameyn kareyn Xalaal iyo Xaaraan Waxan ay Caadeysteen balse ay u Daran Tahey in ay hellaan Birtan la isticmaaley ee Qiimaha jaban lagu iibinayo Waxa ay Hawl fududayn u Yihiin had iyo Jeer tuugan Bilaa Shanqadha isku sheegay Waxaan Sheekadan ku Xusuustay kadib Markii aan Xaley indhahayga ku arkey Sida Kanwarka Baabuurka.laga jabsadey Xaley Nin odey ah islamarkaana, lagala baxey Baytarigii iyo Iraabkii Baabuurka.